Tusmo

Tafsiirka Suuratu Altakaathur:

Suurada Altakaathur waxay kusoo dagtay magaalada Makkah, waa suurad ka kooban 8 aayadood, 28 kalimadood iyo 122 xuruuf. Waa suurad ka hadlaysa masiirka dadka ku mashquula isugu faanka xoolaha iyo ubadka, ama si guud ugu mashquul Aduunka.

Sababta ay kusoo datay Suuradan

Sababta Suuradani ay kusoo dagtay culumadu waxay ku tilmaamaan in laba qabiil oo reer Ansaareed ahaa, waa ree Xaarith iyo reer bani Xaarith inay isugu faaneen ragoodii ayagoo leh anaga hebel ayaa naga tirsan kuwii kalena ay dhaheen anagan hebel ayaa naga tirsan illamaa isugu faankaas ragu uu ku kalifay inay booqdeen xabaalaha oo ay tirsadeen halgamayaagoodii ka dhintay, ama ayagiiba ay ka dhinteen.

Fasirka Macnaha Suurada

ุฃูŽู„ู’ู‡ูŽุงูƒูู…ู ุงู„ุชู‘ูŽูƒูŽุงุซูุฑูย ๏ดฟูก๏ดพ

“Alhaakum altakaathur”

Alhaakum altakaathur: waxa idin mashquuliyey isfarabadnaysiin (isugu faan ama arrimo Aduunyo).

ุญูŽุชู‘ูŽู‰ูฐ ุฒูุฑู’ุชูู…ู ุงู„ู’ู…ูŽู‚ูŽุงุจูุฑูŽย ๏ดฟูข๏ดพ

“Xattaa Zurtum Almaqaabir”

Xattaa Zurtum Almaqaabir: Illamaa aad ka booqateen Qabriyada (ka dhimataan).

ูƒูŽู„ู‘ูŽุง ุณูŽูˆู’ููŽ ุชูŽุนู’ู„ูŽู…ููˆู†ูŽ๏ดฟูฃ๏ดพ

“Kallaa sawfa taclamuun”

Kallaa sawfa taclamuun: Sidaas maahee waad ogaan doontaan (waa digniin Ilaahay bixinayo in la ogaan doono masiirka ay eedahay Aduunka lagu mashquulay)

ุซูู…ู‘ูŽ ูƒูŽู„ู‘ูŽุง ุณูŽูˆู’ููŽ ุชูŽุนู’ู„ูŽู…ููˆู†ูŽย ๏ดฟูค๏ดพ

“Thumma kallaa sawfa taclamuun”

Thumma kallaa sawfa taclamuun: Markaasaad hadana ogaan doontaan (cidhib danbeedka isu faanka Aduunyada).

ูƒูŽู„ู‘ูŽุง ู„ูŽูˆู’ ุชูŽุนู’ู„ูŽู…ููˆู†ูŽ ุนูู„ู’ู…ูŽ ุงู„ู’ูŠูŽู‚ููŠู†ู๏ดฟูฅ๏ดพ

“Kallaa law taclamuuna cilma alyaqiin”

Kallaa law taclamuuna cilma alyaqiin: Saas maahee hadaad u ogaan lahaydeen si xaqiiqo ah (Si dhab ah haad u ogaan lahaydeen waad ka ordi lahaydeen isufaanka iyo in diinta lagaga mashquulo Aduunka”

ู„ูŽุชูŽุฑูŽูˆูู†ู‘ูŽ ุงู„ู’ุฌูŽุญููŠู…ูŽย ๏ดฟูฆ๏ดพ

“Latarawunna Aljaxiim”

Latarawunna Aljaxiim: waad arki doontaa Jaxiima. (Jidka siraad cid walba way dul maraysaa muslim iyo gaalba, dabadeedna Ilaahay wuxuu badbaadin doonaa Muslimka halka gaalka iyo cidii mutaysata cadaabna lagaga tagi doono badhtanka cadaabka)

ุซูู…ู‘ูŽ ู„ูŽุชูŽุฑูŽูˆูู†ู‘ูŽู‡ูŽุง ุนูŽูŠู’ู†ูŽ ุงู„ู’ูŠูŽู‚ููŠู†ูย ๏ดฟูง๏ดพ

“Thumma latarwunnahaa cayna alyaqiin”

humma latarwunnahaa cayna alyaqiin: Markaasaa u arki doontaan si dhab ah (shaki la’aan waad arki doontaan cadabka).

ุซูู…ู‘ูŽ ู„ูŽุชูุณู’ุฃูŽู„ูู†ู‘ูŽ ูŠูŽูˆู’ู…ูŽุฆูุฐู ุนูŽู†ู ุงู„ู†ู‘ูŽุนููŠู…ูย ๏ดฟูจ๏ดพ

“Thumma la tus’alunna yawma’idin cani annaciim”

Thumma la tus’alunna yawma’idin cani annaciim: Markaasaa laydin waydiin doonaa maalintaas nicmooyinkii (Maalinta aakhiro ayaa lagu waydiin ncmooyinka Ilaahay kuugu deeqay sida caafimaadka, jaaniska, dhalinyaranimada, xoolaha iwm).