Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alqaarica:

Suuratu Alqaarica waa suurada 101 ee suurada Quraanka, waa suurad kusoo dagtay magaalada Makkah, kana kooban 11 aayadood, 40 kalimadood iyo 158 xuruuf. Suuradan waxay ka warramaysaa xaalada dadka ee Maalinta Qayaame, cidii camal wanaagsan la timaada waxay ku noolaan nolol raaxo leh, cidiise camal xun la timaadana waxa hoygeedu noqon cadaabka Haawiya.

Fasirka Macnaha Suurada:

ุงู„ู’ู‚ูŽุงุฑูุนูŽุฉูย ๏ดฟูก๏ดพ

“Alqaarica”

Alqaarica: Ilaahay wuxuu ku dhaartay Alqaarica (oo ah magac kamida magacyda maalinta Qayaame, macnaheeduna yahay maalinta Quluubtu qarracmayso).

ู…ูŽุง ุงู„ู’ู‚ูŽุงุฑูุนูŽุฉูย ๏ดฟูข๏ดพ

“Mal Qaarica”

Mal Qaarica: Waa tuma Alqaaricad (Ilaahay wuxuu rabaa inuu ku tusiyo muhiimada maalintan ay leedahay sidaa awgeed wuxuu kugu baraarujinayaa waa tuma Alqaaricadu, si uuย  kuugu sheego jawaabta oo aad u xasuusnaatid)

ูˆูŽู…ูŽุง ุฃูŽุฏู’ุฑูŽุงูƒูŽ ู…ูŽุง ุงู„ู’ู‚ูŽุงุฑูุนูŽุฉูย ๏ดฟูฃ๏ดพ

“Wamaa adraaka mal qaarica”

Wa maa adraaka mal qaarica: Maxaa ku ogaysiiyey Rasuulkii Ilaahayow Alqaarico waxay tahay.

ูŠูŽูˆู’ู…ูŽ ูŠูŽูƒููˆู†ู ุงู„ู†ู‘ูŽุงุณู ูƒูŽุงู„ู’ููŽุฑูŽุงุดู ุงู„ู’ู…ูŽุจู’ุซููˆุซูย ๏ดฟูค๏ดพ

“Yawma yakuunu ann-aasu kal faraashi almabthuuuth”

Yawma yakuunu ann-aasu kal faraashi almabthuuuth: waa maalin ay dadku noqonayaa sida balanbaalis la firdhiyey. (Soo socodka iyo sii socodka dadka awgeed waxa la boodaa balanbaalis firdhisan, balanbaalistuna waa cayayaan yar oo duula kuna daata dabka iyo nalku meeshu ka baxayo)

Macnaha guud ee Aayad: Aayadni waxay inoo tilmaantay farabadnaanta dadka awgeed iyo isusocodka dhexdooda waxa la moodaa sidii balanbaalis, waxase laga yaabaa in meeshaas dadku ay joogaan oo ah Ardul maxshar; dhulka la iska soo bixinayo inaanu maalintaas lahayn cufusjiidad ama magnatka dhulkeenu leeyahay ee uu ku hayo noolaha korkiisa ku nool, wallahu aclam.

ูˆูŽุชูŽูƒููˆู†ู ุงู„ู’ุฌูุจูŽุงู„ู ูƒูŽุงู„ู’ุนูู‡ู’ู†ู ุงู„ู’ู…ูŽู†ูููˆุดูย ๏ดฟูฅ๏ดพ

“Wa takuunu aljibaalu kalcihni almanfuush”

Wa takuunu aljibaalu kalcihni almanfuush: oo ay buuruhuna noqonayaan sida suuf la fagay.

Macanaha guud ee aayad: Ilaahay wuxuu sheegay in buurtii dhamayd ee culayskeeda aynu naqaanay in maalinta ay waynayso miisaankeeda oo ay noqonayso sida cudbi gacmaha lagu fagay oo lagu googooyey. Dabcan maalinta Qayaame way ka duwantahay qaanuunada aynu ku naqaano Aduunka ee Ilaahay uu shay kastaba siiyey qaanuun, tusaale ahaan mindida Ilaahay wuxuu siiyey inay goyso wixii lagu jaro halka buurahana la siiyey inay miisaamaan dhulka oo aanu dhulku inala ruxmin markuu wareegayo. Hase ahaatee maalinta Qayaame qaanuunadaas kama jiraan halkaas oo buurtii waxay noqonaysaa sida suufka oo waxay waayeysaa miisaankeedii, waxaana suurtagal ah sidaynu in cufisjiidada aanu halkaas jirin wallahu aclam.

ููŽุฃูŽู…ู‘ูŽุง ู…ูŽู† ุซูŽู‚ูู„ูŽุชู’ ู…ูŽูˆูŽุงุฒููŠู†ูู‡ูย ๏ดฟูฆ๏ดพ

“Fa ammaa man thaqulatย  mawaaziinuh”

Fa ammaa man thaqulatย  mawaaziinuh: cidii ay cuslaato miisaankiisu (xasanaadku cuslaado).

ููŽู‡ููˆูŽ ูููŠ ุนููŠุดูŽุฉู ุฑู‘ูŽุงุถููŠูŽุฉูย ๏ดฟูง๏ดพ

“Fahuwa fii ciishati arraadhiyah”

Fahuwa fii ciishati arraadhiyah: Isagu wuxuu ku suganyahay nolo raaliya (Jannada ayuu galayaa ruuxa xasanaadkiisu cuslaado).

ูˆูŽุฃูŽู…ู‘ูŽุง ู…ูŽู†ู’ ุฎูŽูู‘ูŽุชู’ ู…ูŽูˆูŽุงุฒููŠู†ูู‡ูย ๏ดฟูจ๏ดพ

“Wa ammaa man khaffat mawaaziinuh”

Wa ammaa man khaffat mawaaziinuh: Cidii ay khafiifto (fududaato) miisaankiisu. (Cidii xasanaadkiisu yaraado oo xumaanihiisu ay bataan).

ููŽุฃูู…ู‘ูู‡ู ู‡ูŽุงูˆููŠูŽุฉูŒย ๏ดฟูฉ๏ดพ

“Fa ummuhuu haawiyah”

Fa ummuhuu haawiyah: Hooyadii ama hoygiisu waa Haawiya.

ูˆูŽู…ูŽุง ุฃูŽุฏู’ุฑูŽุงูƒูŽ ู…ูŽุง ู‡ููŠูŽู‡ู’ย ๏ดฟูกู ๏ดพ

“Wamaa adraaka Maahiyah”

Wamaa adraaka Maahiyah: Maxaa ku ogaysiiyey Rasuulkii Ilaahayow waxay tahay (Haawiyo).

ู†ูŽุงุฑูŒ ุญูŽุงู…ููŠูŽุฉูŒย ๏ดฟูกูก๏ดพ

“Naarun Xaamiyah”

Naarun Xaamiyah: Waa naar kulul. (Haawiya waa naar kulul oo la shiday, Ilaahaybaan ka magangalnee).

Macnaha guud ee aayada: Cadaabka Naareed wuxuu ka koobanyahay todobaatan naarood oo midkasta la mid tahay xaga kulaylka dabka Aduunyada, waxaana todobaatanka lagasoo soocay xabad kamida oo lagu tuuray badda laba jeer si ay u qabowdo, kadibna dhulka ayaa la keenay oo waa dabka aynu tamartiisa wax ku karsano, waxayna saxaabadu nabiga ku dhaheen, Ilaahbaan ku dhaaranaye hadii xabadaas oo kaliya ay ahaan lahayd ayaa ku filnayd in wax lagay cadaabo! Ilaahay subxaanahu isagaaa naxariistee haynaga badbaadiyo cadaabihiisa Aduun iyo aakhiraba.