Tusmo

Tafsiirka Suuratu Annasri:

Suuratu Annasri waa suurada 11o aad ee Tartiibta suuradaha Quraanka, waana Suurad kusoo dagtay Magaalada Madiina, waxay ka koobantahay 3 aayadood oo kaliya, 22 kalimadood iyo 79 xaraf. Suuratu Annasri waa suuradii ugu danbaysay ee soo dagta, waana suurad bishaaro ah sidoo kalena nabiga u ahayd calaamad in ajashiisii soo dhwaatay.

Sababtii ay kusoo dagtay Suuratu Annasri:

Suuratu Annasri waa suuradii ugu danbaysay ee soo dagta, waxaana nabiga lagu ogaysiinayey inuu geeriyoonayo sidaas awgeedna uu badiyo tasbiixda iyo danbidhaaf waydiisiga, waxa Imaamu Albukhaari kusoo saaray kitaabkiisa xadiiskan:

Waxa ibnu Cabbaas laga wariyey inuu dhahay: Cumar wuxuu ahaa mid ii galiya odoyaashii reer Badar, waxaanad moodaa in qaarkood cadhoodeen, ayagoo leh muxuu wiilkan inoogu soo galiyaa annagoo leh caruur lamid ah, wuxuu dhahay Cumar: Isagu wuxuu kamid yahay aqoonyahanka, maalin ayuu u yeedhay wuuna i galiyey (gobtii shirka), waxaanan u arkayey sababta uu isugu yeedhay maalintaas inay tahay inuu tusiyo (aniga), wuxuuna ku dhahay: Maxaad ka dhahaysaan qawlka Ilaahay ee “Idaa jaa’a nasru allahi walfatxu” qaarkood ayaa dhahay: wuxuu ina farayaa inaynu mahadino Ilaahay, danbi dhaafna waydiisano markuu inoo gargaaray inoona furay, qaar kalena way aamuseen waxna may dhihin, markaasuu igu dhahay: Ma sidaas oo kale ayaad dhahaysaa Ibnu Cabbaasow? Waxaan dhahay: Maya, wuxuu yidhi: Maxaad odhanaysaa? waxaan dhahay: Waa ajashii Rasuulkii Ilaahay (scw) oo la ogaysiinayo, wuxuu dhahay: “Idaa jaa’a nasru allahi wa alfatxi” taasi waa calaamada jashiisa (geeridiiisa),.. markaasuu Cumar dhahay: Sidaad tidhi waxaana ahayn ma ogi. [Saxiix Bukhaari: 4970]

Fasirka macnaha Suurada:

إِذَا جَاءَ نَصْرُ اللَّـهِ وَالْفَتْحُ ﴿١

“Idaa Jaa’a Nasru Allahi wa Alfatxu”

Idaa Jaa’a Nasru Allahi wa Alfatxu: Markuu kuu yimaado (Rasuulkii Ilaahayow) guusha Ilaahay iyo furashada (Makkah)

وَرَأَيْتَ النَّاسَ يَدْخُلُونَ فِي دِينِ اللَّـهِ أَفْوَاجًا ﴿٢

“Wa ra’ayta annaasa yadkhuluuna fii diini allahi afwaajaa”

Wa ra’ayta annaasa yadkhuluuna fii diini allahi afwaajaa: Oodna aragto dadkii oo u galaya diinta Ilaahay (Islaamka) ayagoo kooxo ah.

فَسَبِّحْ بِحَمْدِ رَبِّكَ وَاسْتَغْفِرْهُ ۚ إِنَّهُ كَانَ تَوَّابًا﴿٣

“Fasabbix bixamdi Rabbika wa astaqfihu innahuu kaana tawwaabaa”

Fasabbix bixamdi Rabbika wa astaqfihu innahuu kaana tawwaabaa: U tasbiixso mahadda Rabbigaaga, danbidhaafna waydiiso, maxaa yeelay waa ku toobad aqbal badane.

Macnaha guud ee Suurada:

Sida ku cad xidiiska saxiixa ah ee aynu kor kusoo marnay, waxa Rasuulka la ogaysiinayey geeridiisii inay soo dhowaatay haduu arko calaamadaha kala guusha Ilaahay oo timaada, magaalada Makkah oo la furto iyo dadkii oo diinta Ilaahay usoo gala ayagoo kooxo ah, markaas u tasbiixso Ilaahay, waydiisana danbidhaaf iyo inuu Allah toosiyoo wixii dhiman oo dhan, kuna mahad celi Ilaahay.

Danbidhaafku maaha oo kaliya in Alle danbigaaga dhaafayo, ee sidoo kale istiqfaar waxa loo adeegsada inuu Allah kabo ama dhamaystiro wixii kaa dhiman ee aad awoodi kari wayday.

Nabiguna (scw) markii suuradan kusoo dagtay wuxuu aad u badiyey tasbiixda, taxmiida iyo danbidhaaf warsiga, isagoo ku ducaysan jiray taagnida, fadhiga, salaada dhexdeeda iyo xilli kastaba.