Tusmo

Suuratu Almasad

Suurada Almasad waa suurada 111 aad ee tartiibta suuradaha Quraanka, waa suurad kusoo dagtaya magaalada Makkah, kana kooban 5 aayadood, 26 eray iyo 81 xuruuf. Suuradan waxay ka waramaysaa dhacdo taariikheed iyo sidoo kale Ilaahay oo u ballanqaaday mid kamid ah gaalada iyo haweenaydiisuba inay galayaan Naarta, waana suurad mucjisooyin badan kusoo arooreen.

Sababta ay kusoo dagtay Suuratu Almasad:

Suuratu Almasad sababta ay usoo dagtay waxay ahayd Nabiga (scw) ayaa la faray inuu qoomkiisa gaadhsiiyo diinta Islaamka, kadibna maalin ayuu nabigu isugu yeedhay reer Qureesheed si uu ugu yabooho diinta Islaamka, markuu nabigu farriintiisii dhaaystay ayuu Abulahab oo nabiga adeerkii ahaa istaagay isagoo leh: Hoog kugu dhacye ma waxaasaad isugu kaayo yeedhay! Waxa Imaamu Bukhaari Xadiiskan oo ka warramaya dhacdadaas:

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey inuu dhahay: Nabiga (scw) ayaa usoo baxay dhul Tamuux (Dhul banaan oo daadku ay maraan), kadibna wuxuu fuulay buurta waanu dhawaaqay, isagoo leh “Yaa waabariistayeey!” kadibna Reer Qureesh ayaa kusoo ururay, markaasuu dhahay: “Kawarrama hadaan idiinka warramo in Cadawgu idinku waabariisanayo ama idinku galabaysanayo, ma i rumaysan lahaydeen?” Waxay dhaheen: Haa, wuxuu yidhi: “Waxaan idiinka digayaa Cadaab daran oo idinka horeeya” Markaasuu Abulaha dhahay: “Ma waxaasaad isugu kaayo yeedhay? Hoog kuu sugnaa! Markaasuu Allah soo dajiyey “Tabbat yadaa Abilahabin wa tabba” [Saxiix Albukhaari, xadiiska: 4972]

Tafsiirka Suurada:

تَبَّتْ يَدَا أَبِي لَهَبٍ وَتَبَّ ﴿١

“Tabbat Yadaa Abii lahabin wa tabba”

Tabbat Yadaa Abii lahabin: Waxa khasaaray oo hoogay gacmihii Abilahab (uu ku dhibayey Rasuulkii Ilaahay scw).

Wa tabba: Wayna xaqiiqowda oo si dhab ah ayuu u khasaaray Abulahab.

مَا أَغْنَىٰ عَنْهُ مَالُهُ وَمَا كَسَبَ ﴿٢

“Maa aqnaa canhu maaluhuu wamaa kasab”

Maa aqnaa canhu maaluhu wamaa kasab: Waxba umay tarin xoolihiisii iyo wixii uu kasbaday oo ah Caruurtiisii inay ka celiyaan cadaabka Ilaahay markuu soo dagay.

سَيَصْلَىٰ نَارًا ذَاتَ لَهَبٍ ﴿٣

“Sayaslaa naaran daata Lahab”

Sayaslaa naaran daata Lahab: Wuxuu galayaa naar holac badan oo kulayl badan

وَامْرَأَتُهُ حَمَّالَةَ الْحَطَبِ ﴿٤

“Wamra’atuhuu xammalata alxadab”

Wamra’atuhuu xammalata alxadab: iyo xaaskii Abulahab ee qaadi jirtay qodxaanta (waxay galaysaa ayaduna Naarta).

فِي جِيدِهَا حَبْلٌ مِّن مَّسَدٍ ﴿٥

” Fii jiidihaa xablun min masad”

Fii jiidiha xablun min masad: Qoorteeda waxa ahaaday xadhig adag oo aan go’ayn oo naar ah.

Macanaha guud ee suuradaha:

Ugu horeyn Alle wuxuu ka warramay in Abulahab khasaaray oo uu hoogay, khasaarahaasina wuu xaqiiqoobay oo si dhab ayuu u khasaaray, sabatuna waa dhibtii uu gacantiisa ugu gaysan jiray Rasuulkii Ilaahay (scw), waxa kale oo uu Alle dhahay: Abulahab xoolihiisii iyo ubadkiisii waxba umay tarin, kamanay celinin cadaabkii Ilaahay, sababtoo ah Abulahab ayaa dhihi jiray hadii cadaabka Muxamed sheegayo dhab yahay xoolahayga iyo ubadkaygaan isku furanayaa, hase ahaatee Ilaahay ayaa ballanqaaday inuu galayo cadaabka naareed walib mid holac badan oo aad ukulul, isaga iyo xaaskiisii Umu Jamiil oo ahayd mid ku saacida ama ku kaalmaysa xumaanta odaygeeda, waxayna qodxaan iyo xaabo dhigi jirtay jidka Rasuulka (scw) ayadoo rabtay inay dhibto, sidoo kalena jiiraan ayey la ahayd guriga nabiga, waxayna guriga Rasuulka kusoo tuuri jirtay kudaafada iyo qashinka, waxa kale oo la dhahay waxay ahayd islaan xan badan iskuna dirta dadka, sidaa awgeed ayuu Allena ugu ballan qaaday naarta oo waxay la galaysaa ninkeeda, ayadoo qoorteeda lagu xidhayo xadhig naareed oo marna sare u qaadaya marna hoos u dhigayaa, Ilaahaybaan ka magan galnee.

Faa’idooyinka Suuradan:

  • Waxaan ka faa’idaynaa in qofka bani aadamka ah qabiilkaad rabtaba ahow, xitaa ehelka baytka nabiga noqo waxa wax kuu taraya waa Tawxiidka iyo cibaadada Ilaahay iyo camalka saalixa ah, hadii dhalasho wax tarayso Abulahab oo nabiga adeer u ahaa ayey ka badbaadin lahayd cadaabka naareed.
  • Xumaanta xanta iyo diriraaluhu wuxuu keensadaa cadho Ilaah, iyo in umado dhan ay isku rogmadaan.

Mucjidasa Suuradan:

Suuradan waxay soo dagtay Abulahab oo nool, waxaana mucjisada Quraanka iyo suuradan kamida inuu Alle usheegay inuu Abulahab galayo naarta. Kasoo qaad haduu Abulahab islaami lahaa ama xitaa munaafiq ahaanlahaa suuradan iyo quraanka oo dhan ayaa beenoobi lahaa, sidaa awgeed Ilaahii soo dajiyey Quraankan ee ballan qaaday inuu Abulahab galayo, wuxuu sidoo kale qalbiga Abulahab ka daboolay islaamnimada, kumanuu dhiiran inuu sheegto Islaamnimo mudo gaadhaysa toban sanadood, wuxuuna ku dhintay gaalnimo, Ilaahaybaan ka magangalnee.