Tusmo

Tafsiirka Suuratu Almaacuun:

Suuratu Almaacuun waa suurad kusoo dagtay Makkah, waana suurad ka waramaysa xaalada gaalada beenisay xisaabta maalinta Qayaame iyo munaafiqiinta sifooyinkooda. Suuratu Almaacuun waxay ka koobantahay 7 aayadood, 27 kalimooyin iyo 112 xuruufood.

Fasirka macnaha aayadaha:

أَرَأَيْتَ الَّذِي يُكَذِّبُ بِالدِّينِ ﴿١

“Ara’ayta alladii yukaddibu biddiin”

Ara’ayta alladii yukaddibu biddiin: Ma aragtay ama ma ogtahay kan beeninaya maalinta Xisaabta.

 فَذَٰلِكَ الَّذِي يَدُعُّ الْيَتِيمَ ﴿٢

“Fadaalika alladii yaducculyatiim”

Fadaalika alladii yaducculyatiim: Kaasi waa kan dhibaya (kadeedaya) agoontii.

وَلَا يَحُضُّ عَلَىٰ طَعَامِ الْمِسْكِينِ ﴿٣

“Walaa yaxaddu calaa dacaamilmiskiin”

Walaa yaxaddu calaa dacaamilmiskiin: Kumana boorinayo (dhiirigalinayo) cunto siinta Miskiinka.

فَوَيْلٌ لِّلْمُصَلِّينَ ﴿٤

“Fawaylun lilmusalliin”

Fawaylun lilmusalliin: Waxa hoog u sugnaaday kuwa tuknaya Munaafiqiinta

الَّذِينَ هُمْ عَن صَلَاتِهِمْ سَاهُونَ ﴿٥

“Alladiinahum can salaatihim saahuun”

Alladiinahum can salaatihim saahuun: Waa kuwa salaadooda ka sahwiya (dib uga dhiga waqtgooda ama utukada istusnimo)

الَّذِينَ هُمْ يُرَاءُونَ ﴿٦

“Alladiinahum yuraa’uun”

Alladiinahum yuraa’uun: Waa kuwa dadka istusaya.

وَيَمْنَعُونَ الْمَاعُونَ ﴿٧

“Wa yamnacuuna almaacuun”

Wa yamnacuuna almaacuun: waa kuwa dadka u diida maacuunka (waxyaalaha fudud ee la isku caawiyo sida dhuxusha, biyaha)

Macnaha guud ee Suurada:

Suurada Ilaahay wuxu kaga hadlay qolo diidaysa xisaabta iyo isasoo bixinta iyo in Ilaahay dadka abaalmarin doono kuwaasi waa gaalada, waana kuwa dhibaya agoonta ee xaqdarro ku cunaya xoolahooda, sidoo kalena waa bakhayl dhaaf oo wuxuu dadka ku boorinayaa inaanay waxba siinin masaakiinta iyo dadka baahan.

Dhanka kale Ilaahay wuxuu ka hadlay koox munaafiqiin ama sifooyinka nifaaqa, waxaana u sugnaaday kuwaasna halaag iyo hoog ama waadi kuyaala cadaabka Jahannama, kuwaasina waa kuwa tukanaya hadana Salaada xageeda ka sahwinaya oo waqtigeedana aan tukanaynin, ama si guudba uga wada tagaya markuu tukadana istusaya dadka, sidoo kalena dadka waxay u diidayaan maacuunka oo ah alaabooyinka lakala amaanaysankaro ama waxyaalo la isku caawin karo oo aan dhib ku ahayn qofka bixinaya halka ka qaadanayana ay u leedahay dheef iyo nafci wayn waxaana kamid ah Zakada xoolaha laga bixiyo, waxaana ugu hooseeya biyaha, dabka, dhuxusha, gudinta, waadaanta biyaha, milixda, saabuunta, mindida iyo wixii lamid ah ee la is amaanaysiinkaro ee aan dhibna ku ahayn cida bixinaysa, wax wayna u qabanaysa qofka la siiyo.