Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alkawthar:

Suuratu Alkawthar waa la isku khilaafay meesha ay kusoo dagtay, qolo waxay tidhi waa Makkah, kuwo kalena Madiina. Suuratu Al-kawthar waxay ka koobantahay sadex aayadood, 11 kalimadood iyo 42 xuruufood.

Sababta ay kusoo dagtay:

Waxa Ibnu Isxaaq laga wariyey inuu dhahay: Odayga Caas ibnu Waa’il ayaa dhihi jiray: Muxamed waa goblon ee iska daaya, dabadeedna suuratu Alkawthar ayaa soo dagtay. Sidoo kale waxa la sheegaa inay kusoo dagtay Cuqba ibnu Maciid.

Abulahab laftigiisuna wuxuu ahaa mid ku farxa marka wiilashu ay ka dhintaan Rasuulka Ilaahay (scw) oo markii wiilkii Cabdilaahi ee Rasuulku dhalaya dhintay ayuu yimid golaha reer Qureesheed isagoo leh Muxamed wuu goblomay, waxay reer Qureesha u yaqaaneen goblanka cida markuu dhinto aan dib loo xasuusan doonin.

Faa’idooyinka Suurada:

Suuradan waxa kusoo arooray wabiga nabiga ee Kawthar kaasoo Umada Nabi Muxamed (scw) ay kusoo aroori doonaan maalinta Qayaame, waxa Muslim soo saaray xadiiskan:

Waxa Anas ibnu Maalik laga wariyey inuu dhahay: Rasuulka (scw) oo dhexdayada jooga ayaa seexday (hurdo fudud) kadibna madixiisa ayuu sare u qaaday isagoo qoslaya, waxaanu ku dhahnay: maxaa kaa qoslinaya Rasuulkii Ilaahayow? wuxuu dhahay: “Waxa igu soo dagay waxyar kahor Suurad, markaasuu akhriyey …suratu Alkawthar… markaasuu dhahay: “Ma garanaysaan Kawtharka? waxaanu nidhi: Ilaahay iyo Rasuulkii garanaya. wuxuu dhahay: ” Waa wabi uu Rabbigay iigu ballanqaaday, oo dhexdiisa ay ahaatay khayr badan, waana dar ay Umadaydu ku aroorayso maalinta Qayaame, weelkiisu waa tirada xidigaha, waxaana laga riixayaa (laga fogaynayaa) adoomo, waxaan dhahayaa: Rabbiyo waa Umadaydii, wuxuu dhahayaa: Ma garanaysid wuxuu adiga dabadaa soo kordhiyey (Bidcooyinka).

Tafsiirka Macnaha Suurada:

إِنَّا أَعْطَيْنَاكَ الْكَوْثَرَ ﴿١

“Innaa Acdaynaaka Alkawthar”

Innaa Acdaynaaka Alkawthar: Annagaa ku siinay Kawtharka (Wabiga khayrkiisu badanyahay).

 فَصَلِّ لِرَبِّكَ وَانْحَرْ ﴿٢

“Fasalli li rabbika wanxar”

Fasalli li rabbika wanxar: Una tuko Rabbiga una gawrac (xoolaha Ilaahay dartii).

إِنَّ شَانِئَكَ هُوَ الْأَبْتَرُ ﴿٣

“Inna shaani’aka huwa al-abtar”

Inna shaani’aka huwa al-abtar: dhab ahaantii kuwa ka kuu cadhaysan ayaa dabargo’ay (lama xusayo).

Macnaha guud ee suurada:

Allah wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayow waxaan ku siinay wabiga Kawthar ee dhexdiisa khayrka badan ahaaday, waana wabi ay Umada nabi Muxamed ku aroorayaan oo ay ka cabayaan biyo aad u macaan, waana wabi ciidiisu ay tahay Miski, qururixiisuna uu yahay mcdanta Lu’lu’a. Una Tuko Ilaahay kaligii oo u gaaryeel cibaadadiisa sidoo kalena u gawrac Rabbiga dartiis xoolaha nool ee geelada, lo’da iyo adhiga la gawraco maalinta Ciida Adxada iyo sadexda maalmood ee ka danbeeya. Waxa kale oo Allah dhahay: Kan kuu cadhaysan ee ka cadhaysan diintaada, isaga ayaa dabargo’aya, oo xasuustiisa la waayaa, wayna dhacday taasi oo habaarqabihii Caas ibnu Waa’il, Cuqba ibnu Maciid iyo Abulahab cid xusta ama xasuusata majirto, halka nabi Muxamed xuskiisa Ilaahay uu baaqiyelay (scw).