Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alkaafiruun:

Suurada Alkaafiruun waa suurada 109 aad ee tartiibta suuradaha Quraanka, waa suurad kusoo dagtay magaalada Makkah, waxay ka koobantahay 6 aayadood, 30 kalimadood iyo 95 xuruuf.

Sababta ay kusoo dagtay:

Waxa la dhahaa sababta ay suuradan kusoo dagtay waxay ahayd, gaaladii reer Qureesheed ayaa u timid Rasuulka (scw) oo usoo bandhigay inuu sanad la caabudo sanamyadii reer Qureesheed, ayaguna ay sanad la caabudaan Rabbiga Muxamed. Dabadeedna Ilaahay ayaa soo dajiyey suuradan, waxaana la faray nabiga (scw) inuu beri ka noqdo dhamaan kufriga iyo gaalnimada.

Fadliga Suurada Alkaafiruun:

  • Suuradan Alkaafiruun iyo Suurada Al-ikhlaas waxa soo aroortay inuu nabigu akhriyey labad rakcadood ee Dawaafka xajka iyo cumrada. [Saxiix Muslim: 8/243]
  • Suuradan iyo suratu Ikhlaas waxa la akhristaa labad rakcadood ee ka horeeya salaada Fajriga, waxa laga wariyey ibnu Cumar inuu dhahay: “Waxaan aad ugu fiirsaday Rasuulka (scw) mudo bil ah, wuxuuna akhrin jiray labad rakcadood ee ka horeeya Subxa, suurada Alkaafirun iyo Ikhlaas” [Musnadka Axmed:2/94]
  • Suuradan Alkaafiruun waxa la akhristaa habeenkii intaanad seexanin kahor, siduu nabigu (scw) ku dhahay Jabalah ibnu Xaarithah, “Intaanad seexan kahor akhriso “Qul yaa ayyuha alkaafiruun” maxaa yeelay waxaad bari ka noqonaysaa gaalnimada. [Musnad Axmed: 2/220,22]

Tafsiirka macnaha suurada:

قُلْ يَا أَيُّهَا الْكَافِرُونَ ﴿١

“Qul yaa ayyuhal kaafiruun”

Qul yaa ayyuhal kaafiruun: Waxaad dhahdaa (Rasuulkii Ilaahayoow,) waar gaalooy! (kuwa ka gaaloobay Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

لَا أَعْبُدُ مَا تَعْبُدُونَ ﴿٢

“Laa acbudu maa tacbuduun”

Laa acbudu maa tacbuduun: Ma caabudin waxaad caabudaysaan (oo ah sanamyada iyo ilaahayda beenta ah).

وَلَا أَنتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ ﴿٣

“Walaa antum caabiduuna maa acbud”

Walaa antum caabiduuna maa acbud: Idinkuna maydaan caabudin waxaan caabudayo (oo ah Ilaaha xaqa ah).

وَلَا أَنَا عَابِدٌ مَّا عَبَدتُّمْ ﴿٤

“Walaa ana caabidu mmaa cabadtum”

Walaa ana caabidu mmaa cabadtum: Aniguna ma caabudi doono waxaad caabudaysaan (sanamyada)

وَلَا أَنتُمْ عَابِدُونَ مَا أَعْبُدُ ﴿٥

“Walaa antum caabiduuna maa acbud”

Walaa antum caabiduuna maa acbud: Idunkana ma caabudaysaan waxaan caabudayo (mstaqbalka ma caabudaysaan waxaan caabudayo, waxayna kusoo dagtay gaalo Alle ogaa inaanay islaamayn oo gaalnimo ku dhimanaya)

لَكُمْ دِينُكُمْ وَلِيَ دِينِ ﴿٦

“Lakum diinikum waliya diin”

Lakum diinikum waliya diin: Idinku diintiina ayaad leedihiin aniguna diintayda.

Macnaha guud ee Suurada:

Ilaahay wuxuu dhahay, Rasuulkii Ilaaho waxaad ku dhahdaa gaalada “Waar gaalooy” Ma caabudin, mana caabudayo waxaad caabudaan oo ah sanamyada iyo Ilaahyda baadilka ah, idinkuna maydaan caabudin mana caabudaan Ilaaha xaqa ah, aniguna mustaqbalka ma caabudayo waxaad caabudaan oo ah sanamyada, idinkuna mustaqbalka ma caabudaysaan waxaan caabudo, waxayna aayadani ku gaar tahay gaalo Ilaahay ogyahay ama ogaa inaanay waligood islaamaynin, sidaa darteed ayuu Alle dhahay Idinkuna diintiina ayaad leedihiin aniguna diintayda, markaad i beeniseen kadib.

Halkan ruuxa muslimka ah wuxuu kaga beri noqonayaa gaalnimada noocyadeeda kala duwan, wuxuuna qirayaa inuu Ilaahay kaligii caabudayo. Waxa kale oo meesha taala in ruuxa gaalka ah looga digo gaalnimada oo la gaadhsiiyo farriinta Islaamka, oo aan la iska dhihin oo kaliya idinku haysta diintiina anaguna taayada ayaan haysanaynaa, sababtoo ah dadkii nabigu (scw) la hadlayey ee uu lahaa ma caabudayo waxaad caabudaan, nabigu waa u digay wuuna gaadhsiiyey diinta iyo yabooha Islaamka.