Tusmo

Tafsiirka Suuratu Al-Humazah

Suuratu Humazah waxay kusoo dagtay magaalada Makkah, waxayna ka koobantahay 9 aayadood, 35 kalimadood iyo 133 xaraf.

Sababta ay kusoo dagtay:

Waxa la sheegaa in Suuradan kusoo dagtay ninka la dhaho Aknas ibnu Shariiq oo ahaa nin hadal macaan balse hoosta ku qarsan jiray karaahiyo, sidoo kale waxa la sheegaa in Umaya ibnu Khalaf uu nabiga xaman jiray, durina jiray isagoo la joogaa kadibna suuradan ayaa soo dagtay. Si kastaba ha ahaatee Mujaahid wuxuu dhahay: Suuradan waa mid guud oo caama, wuxuu uga jeedaa cid gaar ah kama hadlayso ee cidii sifooyinkaa laga helo ayaa looga jeedaa.

Fasirka Suurada:

وَيْلٌ لِّكُلِّ هُمَزَةٍ لُّمَزَةٍ ﴿١

“Waylun li kulli humazatin lumazah”

Waylun li kulli humazatin lumazah: Halaag ayaa usugan mid kasta oo wax xanta waxna ceebeeya (duraya dadka).

الَّذِي جَمَعَ مَالًا وَعَدَّدَهُ ﴿٢

“Alladii jamaca maalan wa caddadah”

Alladii jamaca maalan wa caddadah: kaasoo ururiyey xoolo tiriyeyna (kana mashquuliyey cibaadada Ilaahay).

يَحْسَبُ أَنَّ مَالَهُ أَخْلَدَهُ ﴿٣

“Yaxsabu anna maalahuu akhladah”

Yaxsabu anna maalahuu akhladah: Wuxuu u malaynayaa in xoolihiisu waarinayaan.

كَلَّا ۖ لَيُنبَذَنَّ فِي الْحُطَمَةِ ﴿٤

“Kallaa layunbadanna fil xudamah”

Kallaa layunbadanna fil xudamah: Saas maahee waxa lagu tuurayaa Xudamah (magac kamida magacyada Naarta).

وَمَا أَدْرَاكَ مَا الْحُطَمَةُ ﴿٥

“Wa maa adraaka malxudamaha”

Wa maa adraaka malxudamaha: Maxaa ku ogaysiiyey Xudamah

نَارُ اللَّـهِ الْمُوقَدَةُ ﴿٦

“Naaru Allahi almuuqadah”

Naaru Allahi almuuqadah: Waa naarta Ilaahay ee la shiday.

الَّتِي تَطَّلِعُ عَلَى الْأَفْئِدَةِ ﴿٧

“Allatii taddalicu calaa al-af ‘idah”

Allatii taddalicu calaa al-af ‘idah: Taasoo gubaysa quluubta (ayagoo nool).

إِنَّهَا عَلَيْهِم مُّؤْصَدَةٌ ﴿٨

“Innahaa calayhim mu’sadah”

Innahaa calayhim mu’sadah: dhab ahaantii (naarta) ayadaa korkooda lagu dabooli.

فِي عَمَدٍ مُّمَدَّدَةٍ ﴿٩

“Fii camadin mumaddadah”

Fii camadin mumaddadah: Tiirar ayaa la fidiyey (silsilado ayaa lagu xidhay si aanay ubixin gaaladu).