Tusmo

Tafsiirka Suuratu Alfalaq

Suuratu Alfalaq waa suurad kusoo dagtay magaalada Madiina, waana suurada 113 aad ee tartiibta suuradaha Quraanka. Suuratu Alfalaq waxay ka koobantahay 5 aayadood, 26 kalimooyin iyo 71 xaraf. Suuratu Alfalaq waxay mataano yihiin suuratu Alnaas, waxaana soo arooray fadli badan oo labadaas suuradood ay leeyihiin:

Fadliga Suuratu Alfalaq wa Alnaas:

  • Cuqbah ibnu Caamir (I.R.H) waxa laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu igu dhahay: ” Miyaanan ku barayn laba suuradood oo ugu khayr badan suuradaha dadka lagu akhriyey?” Waxaan idhi: Haa, Rasuulkii Ilaahayoow, wuxuu igu akhriyey ”Qul acuudu birabbi Alfalaq” iyo Qul acuudu birabbi annaas” [1]
  • Cuqbah ibnu Caamri wuxuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay wuxuu i faray inaan akhriyo labad suuradood salaad kasta dabadeeda.[2]
  • Sidoo kale Cuqbah wuxuu dhahay: Rasuulkii scw) ayaa dhahay: ”Dadku Ilaahay kumay magan galin laba suuradood oo lamid ah”[3]
  • Caasha waxa laga wariyey inay tidhi: ”Rasuulku (scw) markuu xanuusto wuxuu isku tufi jiray labadan suuradood, markuu aad u xanuustay anigaa ku tufi jiray oo gacntiisana ku masixi jiray anigoo ka rajaynaya barako”[4]
  • Rasuulku (scw) wuxuu ahaa mid Ilaahay ka magan gali jiray isha Jinka iyo isha bani aadamkaba, balse markii ay soo dagtay labadn suuradood ayaa kaga filnaaday. [5]

Fasirka Suurada Alfalaq:

 

قُلْ أَعُوذُ بِرَبِّ الْفَلَقِ ﴿١﴾

”Qul acuudu birabbil Falaqal”

Qul acuudu: Waxaa dhahdaa nabiyow waxaan magangalayaa

Birabbi Alfala: Rabbiga iska leh waabariga ama subaxda. Alfalaq waa waabariga ama subaxa marka qorraxdu soo baxayso, culumo kale waxay dhaheen waxa looga jeedaa tog ama waadi ku yaala cadaabka Jahannam, hase ahaatee sida saxiixa ah waxa weeye inay tahay waabariga iyo subaxda.

Macnaha guud ee Aayada:

Waxaad dhahdaa Nabigii Ilaahayoow waxaan magan galayaa Rabbiga Waabariga iska leh, sidoo kale dadka Muslimiintuna way magan galayaan. Waabariguna waa xilliga ay maalintu bilaabanto, sidaas awgeed Rabbigii sababay in maalin bilaabanto ayaad ka magangalaysaa sharka maalintaas iyo habeenkeedu markuu soo galayo.

مِن شَرِّ مَا خَلَقَ ﴿٢﴾

” Min Sharri maa khalaq”

Min sharri maa khalaq: (waxaan kaa magan galayaa) Sharka dhamaan makhluuqaadka Ilaahay.

Macnaha guud ee Aayada:

Waxaan Rabbiga Waabariga ka magangalayaa dhamaan sharka makhluuqaadkiisa, insi iyo jin kuu doonaba ha ahaadee. Aayadni waxay inoo tilmaamaysaa in Rabbi yahay cida kaliya ee celin karta wixii shar leh sharkooda.

وَمِن شَرِّ غَاسِقٍ إِذَا وَقَبَ ﴿٣﴾

”Wa min sharri qaasiqin idaa waqab”

Wamin sharri qaasiqin idaa waqab: iyo sharka habeenku markuu soo galo.

Macnaha guud ee Aayada:

Waxaan kale oo aan Rabbiga Waabariga ka magangalayaa sharka habeenku markuu soo galo, ee uu madoobaado ama gudcur uu noqdo. Culumo kale waxay dhaheen waxa looga jeedaa sharka Dayaxu markuu soo baxo, sidaa darteed Ibnu Kathiir wuxuu yidhi: labada fasir isma diidayaan, oo dayaxu waa calaamada lagu garto habeenka, kolkaa hadaad dhahdo sharka dayaxu markuu soo baxo iyo sharka habeennku waa isku mid un.

 

وَمِن شَرِّ النَّفَّاثَاتِ فِي الْعُقَدِ ﴿٤﴾

”Wa min sharri annaaffaathaati fil cuqadi”

Wa min sharri annffaathaati fil cuqadi: iyo sharka kuwa wax ku tufa guntimaha.

Macnaha guud ee Aayada:

Waxaan kale oo aan Ilaahay ka magangalayaa sharka kuwa wax ku tufa guntimaha, waana sixiroolayaasha iyo faaliyayaasha ku tufo sixirka noocyadiisa kala duwan guntimo ama xadhko ay guntaan, ama qardhaaso ay qoraan.

Sixiroolayaashuna dadka way sixri karaan, waxayna sixreen nabi Muxamed (scw) oo waxa sixray nin Yahuudiya oo la dhaho Labiid ibnu Acsam, wuxuuna ku sixray karfeedhii nabiga iyo timihii nabiga, taas oo nabiga ku keentay inuu bukoodo, kadibna habeen ayaa laba malag u yimaadeen, mid wuxuu fadhiistay nabiga madaxiisa kii kalana wuxuu fadhiistay lugihiisa, waxayna isku dhaheen: Ninkan xaaladiisu waa sidee? Kii kale ayaa dhahay: wuu sixranyahay, oo waxa sixray Labiid ibnu Acsam, wuxuuna ku sixray karfeedhiisa ama shalladiisa iyo timii ku gudo jiray, wuxuuna sixirka ku riday ceel la dhaho Darwaan, isagoo guntay sixirka, dushana ka saaray dhagax. Nabigu markuu soo kacay ayuu Caasha u sheegay, kadibna wuxuu diray saxaabadiisii Cali ibnu Abudalib, Zubeyr iyo Cammaar waxayna ceelkii kasoo saareen karfeedhii nabiga iyo ilkaha karfeedha ama shallada, markaasuu Allah soo dajiyey labada suuradood Alfalaq iyo Alnaas, kadibna wuxuu nabigu ka kacay xanuunkii sidii qof xadhig laga furay oo kale[6]

Malaku Jibriilna calayhi salaam, wuxuu nabiga baray inuu dhahay: ”Bismillahi arqiik, min kulli daa’idn yu’diika, wamin sharri kulli xaasidin wa cayn, Allahu yashfiika” macnaheeduna yahay: ”Magaca Allah ayaan kugu tufayaa, xanuunkasta oo ku dhibaya, iyo sharka dhammaan xaasidiinta iyo ishaba”[7]

وَمِن شَرِّ حَاسِدٍ إِذَا حَسَدَ ﴿٥﴾

”Wa min sharri xaasidin idaa xasad”

Wa min sharri xaasidin idaa xasad: iyo sharka xaasidka markuu wax xaasidayo.

Macnaha guud ee Aayada:

Waxaan kale oo aan kaa magangalayaa sharka xaasidka markuu wax xasdinayo, oo qofka xaasidka ah wuxuu karaahiyeysanayaa ama dhibsanayaa nicmada Ilaahay ku manaystay bani Aadamka, waana ruux buka oo cudur halis ah uu hayo, Ilaahaybaan ka magangalnee. Xaasidkuna wuu kala darajo sareeyaa, oo qaar kamid ah waxay xasidaan in cid ay garanayaan inay usoo korodho khayr oo kaliya ay heerka ay joogaan ay ku ekaadaan, qolo ka daran kuwaas ayaa jirta oo xaasidaya dadka waxayna jecelyihiin in nicmada qofkaasi haysto ay kusoo wareegto isaga, qolo kasii daran ayaa jirta oo jecel in nicmadaas laga qaado ruuxii haystay, xitaa isaguna yaanu helinbee, wuxuu doorbidayaa in qofkaasi aanu nicmadaas helin xitaa isaga naftiisaba ha waayee.


Xigashooyin

[1] Musnadka Imaamu Axmed (4/144)

[2] Musnadka Imaamu Axmed (4/155)

[3] Nisaa (2/158)

[4] Imaamu Maalik fil Muwada (10) kitaabka Caynta.

[5] Waxa soo saaray Tirmadi, Nisaa’i iyo Ibnu Maajah.

[6] Qisadan waxa soo aroorinaya Imaamu Albukhaari saxiixiisa (5765) kitaabka Aldibb, iyo Imaamu Axmed musnadkiisa (4/367) iyo qayrkoodba.

[7] Waxay kusoo aroorta Musnadka imaamu Axmed (3/28)