Tusmo

Tafsiirka Suurada Alfaatixa

 Magacyada Suurada Alfaatixa:

  1. Alfaaixa, waxa loogu yeedhaa suuradan Alfaatixa oo macnaheedu tahay furfurasho, waxa lagu furfurtay kitaabka Quraanka, mana aha suuradii ugusoo hor degtay ee qoraal ahaan ayaa lagu bilaabay masxafka. Sidoo kale Alfaatixa ayadaa lagu bilaabaa qiraa’ada quraanka salaada dhexdeeda.
  2. Umu Alkitaab, hooyada kitaabka Quraanka.
  3. Umu Alquraan, hooyada Quraanka.
  4. Alsabci almathaani: Todobada soo noqnoqda, waa todobada aayadood ee rakcad kasta la akhriyo, sidoo kalena waa todobada aayadood ee macnaha Quraanka oo dhan lagu soo koobay.
  5. Alquraan alcadiim: Quraanka weyn waxa loogu yeedhaa suurada Alfaatixa.
  6. Alxamdu, maadaama ay aayada labaadi ka bilaabanto Alxamdu waxa loogu yeedhay sidoo kale Alxamdu.
  7. Alsalaah, suurada Faatixa waxa Rabi ugu yeedhay Alsalaah.
  8. Alshifaa’, shifo oo waxay caafimaad u tahay sunta oo dhan inshallah.
  9. Alruqyah, ta wax lagu tufo sida isha, jinka, sixirka iwm.
  10. Alkaafiyah ama Alwaaqiyah, waa suurada isku filan oo aan Quraanka kale ka maarmayn, waana Alwaaqiyah oo waardiyeynaysa cida akhrida.

Suurada Alfaatixa waa suurad kusoo degtay Makkah, waxay ka koobantahay 7 aayadood, 25 kalimood, iyo 113 xaraf.

Fadliga Suurada Alfaatixa:

 

  • Suurada Faatixa waa suurada ugu weyn Quraanka Kariimka, waxaana u daliila xadiskii nabiga ee uu soo saaray Imaamu Axmed:

Waxa Abusaciid ibnu Almucalla laga wariyey inuu dhahay: Waan tukanayey markaasuu ii yeedhay Rasuulkii Ilaahay (scw), manaan ajiibin illamaa aan salaada ka dhamaysatay, waan u tagay wuxuuna igu dhahay: ”Maxaa kuu diiday inaad ii timaado?” Waxaan idhi: Rasuulkii Ilaahow waan tukanayey, wuxuu dhahay: ”Miyaanu Ilaahay dhihin <<Kuwa Ilaahay rumeeyayoow ajiiba Ilaahay iyo rasuulkiisa markay idiinku yeedhaan wax idin noolaynaya>> ” markaasuu yidhi: ”Waxaan ku barayaa suurada ugu wayn Quraanka intaanad masaajidka ka bixin” wuxuu yidhi: gacantaydu i qabtay, markuu doonay inuu masaajidka kabaxo ayaan ku idhi: waxaad i tidhi: waxaan ku barayaa suurada ugu wayn Quraanka. Wuxuu yidhi: ”Haa, Alxamdu lilaah Rabi Alcaalamiin, waa todobada soo noqnoqda, iyo Quraanka wayn ee la isiiyey”[1]

  • Suurada Faatixa iyo aayadaha u danbeeya Albaqara, waa laba nuur oo la siiyey nabi Muxamed (scw), cid isaga ka horeysayna lama siin.[2]
  • Suurada Alfatixa waxa kamid ah fadligeeda in salaadu aawadeed aanay dhamaystirmayn, siduu nabigu dhahay: ”Cidii tukata salaad oo aan akhrin Umu-Alquraan ma u dhamaystirna (sadex jeer)”[3]
  • Suurada Alfaatixa waa duco iyo wada sheekaysi dhexmaraya adoonka iyo rabigii, wuxuu Alle dhahay: ”Waxaan salaada u qaybiyey aniga iyo adoonkayga laba qeybood, markuu dhaho <Alxamduli Allahi rabbil caalamiin> wuxuu rabi dhahaa: Adoonkaygii ayaa imahadiyey. Markuu dhaho (Arraxmaani arraxiimi> wuxuu dhahaa Alle: Adoonkaygii wuu i amaanay. Markuu dhaho: Maaliki yawmi aldiin> wuxuu Alle dhahaa: wuu i wayneeyey adoonkaygii. Markuu dhaho <Iyyaaka nacbudu wa iyyaaka nastaciin> wuxuu Alle dhahaa: taas ayaa noo dhaxaysa aniga iyo adoonkayga, adoonkayguna wuxuu su’aasho ayuu leeyahay. Markuu dhaho: Ihdin alsiraad Almustaqiim, siraada alladiina ancamta calayhim qayril maqduubi calayhim wala aldaaliin> wuxuuu Alle dhahaa: tan adoonkaygaa iska leh, adoonkayguna wuu heli wuxuu su’aashay.

Shaydaan iska naarida:

أَعُوذُ بِاللَّهِ مِنْ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ

Ugu horeyn in shaydaanka la iska naaro waxa ina faray Ilaahay subxaanahu, wuxuuna Allah leeyahay:

فَإِذَا قَرَأْتَ الْقُرْآنَ فَاسْتَعِذْ بِاللَّـهِ مِنَ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ ﴿٩٨﴾

”Markaad akhrido (rabtid inaad akhrido) Quraanka ka magangal Ilaahay shaydaanka la fogeeyey (98)” [Suurada Alnaxli:98]

Qaabka aad iska naaraysana waa sidii uu nabigu u naaray shaydaanka ee uu uga magangalay Ilaahay, wuxuuna ahaa Rasuulku habeenkii markuu tukanay mid dhaha:

أَعُوذُ بِاللَّهِ السَّمِيعِ الْعَلِيمِ مِنْ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ مِنْ هَمْزِهِ وَنَفْخِهِ وَنَفْثِهِ

Acuudu billahi al-samiici al-caliimi mina alshaydaani arr-rajiimi min hamzihii wa nafkhihii wa naftihii.

”Waxaan ka magan galayaa Ilaaha maqalka badan ee cilmiga iska leh shaydaanka la fogeeyey waswaaskiisa, kibirkiisa iyo sixirkiisaba”

Sidoo kale xaalada cadhada markuu qofku ku jiro waa inuu iska naaraa shaydaanka oo uu Allah ka magangalaa sharka shaydaanka. Wuxuu Bukhaari soo saaray xadiiskii Suleymaan ibnu Surad inuu dhahay: laba nin ayaa isku caayey nabiga agtiisa, markaasa mid kamida wajigiisii casaaday, markaasuu Rasuulku dhahay: ”Waxaan garanayaa kalimad haduu dhaho ay ka tagayso wuxuu naftisa ka helayo, haduu dhaho: Acuudu billaahi mina al-shaydaani alrajiim”[4]

  • Shaydaanka in layska naaro waa mustaxab (la jecelyahay), waxayna culumada badankoodu qabaan in cidii ka tagta aanay danbaabayn.
  • Markaad shaydaanka iska naarayso sare ayaad u qaadi kartaa, hoosna waad u dhigi kartaa labadaba.
  • Xikmada Ilaahay looga magangalayo shaydaankuna waa: in shaydaanku uu arkayo insaanka, insaankuna aanu arkaynin, sidaa awgeed waxa haboon inaad ka magangasho sharkiisa ka rakaya shaydaanka ee aanu shaydaankuna arkaynin.

 

Tafsiirka Ilaahay oo laga magangalo sharka shaydaanka:

 

أَعُوذُ بِاللَّهِ مِنْ الشَّيْطَانِ الرَّجِيمِ

”Acuudu billaahi min al-shaydaani arr-rajiim”

Acuudu billahi: Waxaan magangalayaa Ilaahay inuu iga fogeeyo, oo iga difaaco ama iga waardiyeeyo wixii sharlehba sharkooda.

Mina Al-shaydaani: Shaydaan waa ruuxa la fogeeyey ama ka fog naxariista Ilaahay, wuxuu noqon karaa Jinni iyo insaanba.

Arr-rajiim: laga eryey naxariis dhamaanteed.

Macnaha guud ee isticaadaduna waa: Ilaahay waxaan ka magangalay sharka shaydaanka laga fogeeyey naxariista Ilaahay.

 

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ ﴿١﴾

Bisinku waxa la isku waafaqay inuu yahay qeyb aayad kamid ah suurada Al-namli, balse waxa la isku khilaafay, ma aayad sideeda u madaxbaanbaa marka lagu bilaabayo suurad kasta, mise waa qeyb aayad kamida, mise kaliya waxa lagu kala soocay suuradaha Quraanka, mise waa aayad sideeda u madaxbanaan oo katirsan suurada Alfaatixa.

Abdu daawuud wuxuu soo saaray in Ibnu Cabbaas (I.R.H) uu yidhi: Nabigu muu garanayn siduu ukala soocayo suuradaha illamaa ay kasoo dagtay bisinku.[5]

Sidoo kale saxaabo badan iyo taabiciin badan ayaa ku tagay in bisinku yahay aayad kamid dhamaan suuradaha Quraanka marka laga reebo suurada Altawbah, waxaana kamida Ibnu Cabbaas, Ibnu Cumar, Abuhurayra, Imaam Al-shaafici iyo Imaam Axmed ibnu Xanbal iyo qayrkood.

Bisinkana marka salaada lagu jiro ee la akhrinayo waxa la isku khilaafay ma sare ayaa loo qaadayaa, mise hoos ayaa loo dhigayaa, si kastaba ha ahaatee waxay culumadu isku waafaqeen in salaadu u ansaxayso ruuxa sare u qaaday iyo ka hoos u dhigayba.

 

Fadliga Bisinku leeyahay:

Imaam Axmed wuxuu soo saaray in nabigu dhahay: ha dhihin shaydaanku ha hoogo, maxaa yeelay hadaad dhahdo shaydaanku ha hoogo, wuu sii waynaanayaa, wuxuuna dhahayaa: awoodaydaan ku kaga adkaaday, hadaadse dhahdo Bismillah, wuu yaraanayaa illamaa uu lamid noqdo sida duqsiga. [6]

Bisinka waxa la jeclaystaa in la dhaho marka cuntada la cunayo, marka suuliga la galayo, marka la wayso qaadanayo, marka dharka la bixinayo, marka wax la gawracayo, marka xaaskaaga aad u tagayso, iyo markaad gaadiid fuulayso.

Tafsiirka Bisinka:

 

بِسْمِ اللَّـهِ الرَّحْمَـٰنِ الرَّحِيمِ ﴿١﴾

Bismillah Arraxmaani Arraxiimi

Bismi: ku bilow magaca Ilaahay, oo malaku Jibriil ayaa Rasuulka ku dhahay: Ku bilow Rasuulkii Allow magaca Allah. Ilaahayna wuxuu leeyahay magacyo wanaagsan oo badan, cida iska leh magacyaduna waa Allah oo kaligii ah, maaha ilaahyo badan ee waa hal Ilaah oo leh magacyo iyo sifooyin badan.

Allah: waa magaca wayn ee Rabi leeyahay, macnahaeeduna yahay Ilaahay kalid ah, ee sifooyinkiisa iyo ficilkiisaba kaliyoobay, cid ku sifaysan siifooyinka iyo ficilada Ilaahayna majirto.

Arraxmaan Arraxiim: laba magac iyo laba sifo oo Allah naxariista badan uu leeyahay. Arraxmaan macnaheedu waa Allaha naxariista guud iska leh, ee u naxariista dhamaan makhluuqaadkiisa sida inuu abuuray uuna quudiyo. Arraxiim macnaheeduna waa Allaha u gaaryeelay naxariista mu’miniinta maalinta Qayaame.

Macnaha guud bisinkuna waa: Waxaan ku bilaabayaa magaca Allah, Allahaas oo naxariista naxariista guud iyo naxariista gaarka ahba.


Xigashooyinka

[1] Saxiix weeye, waxa soo saaray Imaamu Axmed (4/211)

[2] Muslim ayaa soo saaray baabka salaada musaafirka iyo gaabinteeda (806)

[3] Muslim ayaa kusoo saaray Salaada xadiiska 38 aad (395)

[4] Bukhaari (6115)

[5] Abdudaawuud (788)

[6] Axmed, (5/59)