Bismillah, waxaan ku bilaabayaa magaca Ilaahay, Allahaas oo naxariista naxariista guud iyo naxariista gaarka ahba. Anigoo ku sallinaya nabigeena xabiibka ah ee Muxamed inuu Allah korkiisa yeelo naxariis iyo nabadgalyo isaga, ehelkiisa, saxaabadiisa iyo dhamaan muslimiinta raacday jidkiisii. Intaas kadib waxaan idinku salaamayaa salaanta Islaamka oo macnaheedu yahay nabadgalyo, naxariis iyo barakooyin katimid xaga Allah korkiina ha ahaato.

Maqaaladan taxana ah waxay ka warrami doonaan silsilada taariikhda Masaajidka Qudus, waxaana igu kallifay inaan silsiladan ka hadlo ama aan maqaalo qoraal ah ka diyaaro waa sababo badan oo jira darteed.

  • Ugu horeyn waa inaan baranaa taariikhdeena, waana ta ugu muhiimsan inaynu dib u xasuusano wixii aan ahayn iyo sidii umadaha Aduunka aan u hogaamin jirnay, hadaba in aynu ka shiidaalqaadano ama ka dabqaadano taariikhdeenee wanaagsanayd waxa inagula diririya cadawgeena iyo cid colka la ah islaamka iyo muslimiintaba.
  • Ta labaad waa masaajidka Qudus oo maanta ku jira gacanta Yahuuda, ayagoo sheegtay inay dhulkaas leeyihiin oo ay taariikh ahaan uga xaq mudanyihiin umada Islaamka, sidaas awgeed waxa waajib ku noqonaysa ruux kasta oo cilmi leh ama aqoonyahan ah inuu dadkiis u cadeeyo xaqa iyo baadilka iyo maxaa run ah iyo maxaa been ah, sidoo kalena waa inuu uga digaa hagardaamooyinka ay cadawgoodu u maleegayaan.
  • Ta sadexaad waa in aynu abuurno jiil cusub oo soo kobcaya oo dib usoo celin kara sharaftii iyo karaamadii umadan, waana in umada inta ay ka tiro qabto ay u istaagtaa soo ceeshasada muqadasaadkoodii. Waxaynu hada kahor tijaabinay dadaalo shakhsiyadeed, ururo ama dawladaba, hadana ilaa iyo hada wax isbadal ah lama arkin, waxaana u sabab ah umada oo huruda oo aan ku baraarugsanayn khatarta iyo halista guumaysiga, waana inaynu ogsoonaana in gacmo wadajir ay wax ku gooyaan,
  • Ta afaraad waa inaynu kala qaybqaadano walaaladeen muslimiinta ah meel kasta oo ay joogaan farxadooda iyo murugadoodaba, suurtagalna maaha inaynu nidhaahno arrintaasi waa umuuro carbeed ama umuuro faarisyeed, ee inagu ka muslim ahaan waxaynu nahay shacab kaliya oo rumaysan Ilaah kaliya, aaminsana nabigii ugu danbeeyey ee Muxamed (scw) sidoo kalena wadaaga waxyaalo badan sida qiblo kaliya, iyo hadalka Ilaahay ee Quraanka kariimka ah. Nabigeenuna wuxuu ku tilmaamay walaalaha muslimiinta ah inay yihiin sida dhismo oo kale, oo haduu mid kamid ah xanuusto ay inta kale hurdada aanay la dayn.

Tusmo

Cutubada ugu muhiimsan ee aynu silsiladan kusoo qaadan doono:

– Ugu horeyn, waxaynu ku bilaabaynaa Hordhac, ama arar aynu kaga hadli doono ahmiyada ay leedahay dulka barakaysan ee Falasdiin, iyo nusuusta ama daliilada Quraanka iyo Xadiiska ee kusoo aroortay arrintaas. Waxaynu kale oo aynu soo qaadan doonaa taariikhda Falasdiin ee Islaamka kahor, taasoo koobsan doonta shacabkii ugu horeeyey ee taariikhda inta iminka la ogyahay dega dhulka Falasdiin, sida Kancaaniyiinta, Yabuusiyiinta iyo Balastiiniyiinta oo magaca Falasdiin meesha uu ka yimid ah. Sidoo kale waxa kamid noqon doona taariikhdii Nabi Ibraahiim, ubadkiisii iyo qabiilooyinkii reer banu Israa’iil ee u guuray dhulka Masar. Hadana waxaynu kusoo qaadan doonaa taariikhdii nabi Muuse iyo sidii uu uga soo badbaadiyey reer banu Israa’iil cadawgoodii Fircoon. Waxa kusii xigi doona Nabi Yuusha ibnu Nuur, ilaa aynu ka gaadhno dawladii nabi Daa’uud iyo nabi Suleymaan. Dhanka kale waxaynu timaami doonaa cidii dhistay masajidka barakaysa ee Qudus iyo in la dumiyey oo Bakhtunasara uu burburiyey gabi ahaanba. Ugu danbeyn taariikhda Falasdiin ee islaamka kahor waxaynu kusoo gabogabayn doonaa dhalashadii Maryama, iyo nabiyadii Zakariye, Yaxye iyo Ciise Ilaahay raali haka ahaadee.

– Ta labaad, waxaynu falanqayndoonaa taariikhdii Falasdiin iyo Qudus ee Islaamka, inagoo wax ka tilmaamim doona Yahuudii degayd magaalada Madiina sida Bani Quryda, Qaynuqaac, Nadiir iyo Khaybar sidii uu nabi Muxmaed ula dhaqmay iyo dhagartii ay muslimiita u maleegeen. Kadibna waxaynu soo bandhigi doonaa taariikhdda Falasdiin iyo qaabkii loo furtay, iyo dawladihii islaamka ee ukala danbeeyey, sida Umawiyiinta, Cabaasiyiinta, Saliibiyiintii oo qabsaday Qudus, dib u xoreyntii Qudus ee gacantii Salaaxudiin Al-ayuubi, dawladii Ayuubiyiinta, Mamaaliiktii, Cusmaaniyintii ilaa laga soo gaadho Suldaan Cabdixamiid.

– Ta sadexaan, waxaynu qaadaa dhigi doona Yahuuda iyo sidii ay ugu dhalatay fikradan ah inay qabsadaan Falasdiin iyo Qudus, dhagartii reer galbeedka ee Yurub iyo Mareykanka, hagardaamada iyo xasuuqa aan kala go’a lahayn ee Yahuudu ku hayso shacabka geesiyada ah ee reer Falasdiin, iyo carabtii oo fadhiid noqotay kana gaabisay caawinta iyo taakulaynta walaaladooda dulmigu haysto.

– Ta afaraad, waxaynu fiirin doonaa mustqbalka Falasdiin, iyo Yahuuda haysata waxay ayagu rumaysanyihiin iyo caqiidadooda.

Hordhac; ahmiyada dhulka Faladiin iyo Qudus.

Muhiimada ay leedahay Falasdii, Qudus iyo guud ahaan dhulka Shaam waxay ku cadahay Quraanka kariimka ah iyo Sundad daahirka ah.

– Daliilada Quraanka ah ee tilmaamaya waynida Masaajidka Qudus, Filasdiin iyo dhulka Shaam:

 

  • Kow: Ilaahay isagoo ka hadlaya habeenkii Israa wal micraaj wuxuu ku tilmaamay masaajidka Qudus inuu barakaysanyahay, isaga iyo dhulka hareerihiisa ahba.

سُبْحَانَ الَّذِي أَسْرَىٰ بِعَبْدِهِ لَيْلًا مِّنَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ إِلَى الْمَسْجِدِ الْأَقْصَى الَّذِي بَارَكْنَا حَوْلَهُ لِنُرِيَهُ مِنْ آيَاتِنَا ۚ إِنَّهُ هُوَ السَّمِيعُ الْبَصِيرُ﴿١

“Waxa xumaan ka nasahan kii (Allah) oo ka dheelmiyey adoonkiisa (Muxamed)  goor habeena Masaajidka Xaramka geeyeyna xaga masaajidka Al-qsaa (Qudus) kaasoo aan barakaynay hareerihiisa si aan u tusino aayadkayaga, Isaguna (Allah) waa maqle iyo arke (1)” [Suurada 17 aad ee Israa’: 1]

Aayadan Ilaahay wuxuu ku tilmaamay inuu isagu, Ilaahay dheelmiyey nabigiisa oo uu geeyey masaajidka Qudus, kolkaas falka ah socdaalkii nabi Muxamed ka tagay Masaajidka Xaramka goor habeen ah ee uu ku gaadhay masaajidka Qudus wuxuu kasoo fulay Ilaahay, mana odhan karayno nabigeen Muxamed ayaa iskii u socdaalay ee Ilaahay wuxuu dhahay aniga ayaa dheelmiyey oo socodsiiyey. Sidaas awgeed aragtida aynu ku fiirinayno maaha awooda bani aadamka ee waa awooda Ilaahay, oo isagun ah Allah wax kasta awooda.

Waxa kale oo aayadni qeexday in dhulka uu ku yaalo masajidka Qudus uu barakaysanyahay iyo xitaa dhulkaas hareeraheeda, waana dhulka Falasdiin ama guud ahaan dhulka Shaam oo dhan.

  • Labo: Ilaahay (sbw) isagoo ka warramay carrabkii nabi Muuse isagoo la hadlaya qoomkiisa ayuu ku dhahay qoomkaygoow gala dhulka muqadaska ah, waana Qudus.

يَا قَوْمِ ادْخُلُوا الْأَرْضَ الْمُقَدَّسَةَ الَّتِي كَتَبَ اللَّـهُ لَكُمْ وَلَا تَرْتَدُّوا عَلَىٰ أَدْبَارِكُمْ فَتَنقَلِبُوا خَاسِرِينَ ﴿٢١

“Qoomkayow gala dhulka la daahiriyey oo idiin yaboohay Alle hana u noqonina gadaashiinna oo gadoontaan idinkoo Kashaaraye. (21)” Suurada 5 aad Maa’ida:21]

Nabi Muuse (N.N.K.H) wuuxu qoomkiisii ku yidhi; gala dhulka muqadaska ah ee laydunku ballanqaaday, hana jeesanin idinkoo khasaray. Dabcan aayadan waxa ku cad in dhulka Falasdiin iyo gaar ahaan Qudus ay tahay dhul muqadas ah oo daahir ah, waxaana loogu ballanqaaday reer banu Israa’iil inay galaan dhulkaas hase ahaatee way diideen oo waxay ku jawaabeen Muusoow waligayo galimayno inta ay ku jiraan dadkii ka awooda badnaa ee adiga iyo rabigaa taga oo dagalaama anaguna halkan ayaan sii fadhiyaynaaye!!

SubxaanAllah, qoomkaas sidaas ula dhaqmayey nabigoodii waxa Ilaahay ka xarrimay dhulka barakaysan ee muqadaska ah, inagoo marar kale soo qaadan doona daliilada aynu cuksanayno in laga mamnuucay dhulkaas oo ayna marnaba xaq u lahayn inay degaan dhulka barakaysan.

  • Sadex: Ilaahay wuxuu ku badbaadiyey nabi Ibraahiim iyo nabi Luudba dhulka barakaysan oo ah Shaam ama gaar ahaan Qudus:

وَنَجَّيْنَاهُ وَلُوطًا إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا لِلْعَالَمِينَ ﴿٧١

“Waxaan ku badbaadinay nabi Ibraahiim iyo nabi Luudba dhulkii aan u barakaynay Caalamiinta (71)” [Suurada 21 aad Al-anbiya:71]

Halkana Ilaahay wuxuu ku tilmaamay in nabi Ibraahiim iyo wiilkii uu adeerka u ahaa ee nabi Luud ibnu Haaraan lagu badbaadiyey dhulka barakaysan oo ah dhulka Shaam, kadib markii qoomkii nabi Ibraahiim ee Kildaaniyiintu ay isku dayeen inay gubaan nabi Ibraahiim, hase ahaatee Ilaahay ka badbaadiyey oo u dhagartoodii ayaga ku celiyey. Markaas kadib ayaa nabi Ibraahim iyo nabi Luudba ay u hijroodeen dhulka Shaam oo Ilaahay u barakeeyey Caalmiinta.

Barakada dhulka Shaamna waa islaamnimada iyo inay dadka reer Shaam kali yeelaan Ilaahay, waana dhulkii laga soo saaray nabiyada badankooda. Dhulka Shaamna badkiisa waa laysku khilaafaa, culumada qaar waxay dhahaan dhulka SHaam waa laga soo bilaabo waqooyiga dhulka Suuriya ilaa laga gaadhayo badhtanka Jaziirada Carabta, qolo kalena waxay tidhi; maya ee dhulka Shaam waa Falasdiin oo kaliya, kay ahaataba culumada taariikhyahanadu waxay isku waafaqsanyihiin in Qudus kamid tahay dhulka Shaam.

  • Afar: Ilaahay wuxuu u sakhiray nabi Suleymaan dabaysha oo geynaysay dhuka barakaysan.

وَلِسُلَيْمَانَ الرِّيحَ عَاصِفَةً تَجْرِي بِأَمْرِهِ إِلَى الْأَرْضِ الَّتِي بَارَكْنَا فِيهَا ۚ وَكُنَّا بِكُلِّ شَيْءٍ عَالِمِينَ ﴿٨١

“Suleymaanna waxaan u sakhirray Dabaysha iyadoo daran oo kuna socota amarkiisa xaggii dhulkii ahaa kaan Barakaynay dhexdiisa, waxaana nahay kuwo wax walba Og. (81)” [Suurada 21 aad Al-anbiyaa:81]

Nabi Suleymaan (N.N.K.H) waxa Ilaahay u sakhriya dabaysha oo u xanbaari jirtay meesha uu rabo, aydoo ku soconaysa amarkiisa oo geynaysana dhulkii aan barakaynay. Dabcan dhulkii aan barakaynay waa dhulka Shaam, ee ay ku gudo jirto Falasdiin iyo Qudusba.

  • Shan: Quraanka oo laga dheehanayo in Qudus ahayd qibladii Muslimiinta ee hore.

قَدْ نَرَىٰ تَقَلُّبَ وَجْهِكَ فِي السَّمَاءِ ۖ فَلَنُوَلِّيَنَّكَ قِبْلَةً تَرْضَاهَا ۚ فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۚ وَحَيْثُ مَا كُنتُمْ فَوَلُّوا وُجُوهَكُمْ شَطْرَهُ ۗ وَإِنَّ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَيَعْلَمُونَ أَنَّهُ الْحَقُّ مِن رَّبِّهِمْ ۗ وَمَا اللَّـهُ بِغَافِلٍ عَمَّا يَعْمَلُونَ ﴿١٤٤

“Dhabahaan yaan ugu jeednay gagadookna wajigaaga ee Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblo aad ka raali noqon, ee u jeedi wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya wajigiinna xagiisa, kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Rabigood ay tahay, Ilaahayna ma moogana waxay camal fali. (144)” [Suurada 2 aad Albaqarah:144]

Nabigeena (scw) ayaa Ilaahay ka baryey inuu u badalo qiblada dhanka masaajidka xurmaysan ee Makkah, isagoo waagii hore u tukan jira xaga masaajidka Qudus. Sidaas awgeed magaalada Qudus waa meel aan waligeed ka go’i karayn dhulka Islaamka, sababto ah waa qibladayadii, waana meeshii nabigayaga laga dheelmiyey.

Daliilada Xadiiska ama sunada daahirka ah ee tilmaamaysa barakada Falasdiin:

  • Kow: Masaajidka Qudus wuxuu kamid yahay sadexda masaajid ee loogu safri karo cibaado:

عن أبي هريرة رضي الله عنه عن النبي صلى الله عليه وسلم قال “لا تشد الرحال إلا إلى ثلاثة مساجد المسجد الحرام ومسجد الرسول صلى الله عليه وسلم ومسجد الأقصى

Abuhurayra waxa laga wariyey inuu ka wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: “Looma xidhxidho safar sadex masaajid mooyee, Masaajidka Xaramka, Masaajidka Rasuulka (scw) iyo masaajidka Qudus” [Bukhaari: (1132). Muslim: (1397)]

Dabcan xadiiskani wuxuu tilmaamayaa in sadexdaas masaajid ay mudanyihiin in cibaado loogu siyaarto, sida inaad salaad kusoo tukato, ku ictikaafto ama aad ku soonto. Laakiin meel kale cidina safar uguma xidhxidhanayso sida qabri, qudbi, wadaad hebel iyo wixii lamid ah.

Dhanka kale salaadaha lagu tukado masaajidadaas way ka fadli badanyihiin salaadaha masaajidada kale, masaajidka Xaramka salaadiisu waxay u dhigantaa boqolkun oo salaadood, salaada masaajidka Rasuulkuna waa kun salaadood, halka masaajidka Qudusna uu ka yahay laba boqol iyo konton salaadood sida saxiixa ah.

Waxa jira xadiis tilmaamaya inuu salaada masaajidka Qudus u dhiganto shan boqol oo salaadood laakiin xadiiskaasi waa daciif, sida saxiix ah waxa weeye inuu nabigu dhahay, salaada lagu tukado masaajidkayga ayaa ka fadli badan salaada masaajidka Qusu afar meelood, waxaynaan ognahay in salaada masaajidka Rasuulku tahay kun salaadood, markaas waxaad u qaybin 4 waxa soo baxaya waa laba boqol iyo konton. 100/4= 250

  • Laba: Masaajidka Qudus waa masaajidkii labaad ee ugu horeeyey ee dhulka laga taago:

“عن أبي ذر قال قلت يا رسول الله أي مسجد وضع في الأرض أول قال المسجد الحرام قلت ثم أي قال المسجد الأقصى قلت كم بينهما قال أربعون سنة وأينما أدركتك الصلاة فصل فهو مسجد”  صحيح مسلم » كتاب المساجد ومواضع الصلاة

“Abudarr wuxuu yidhi: Waxaan idhi; Rasuulkii Ilaahayow, masaajidkee ayaa loogu hor dhisay? wuxuu ydihi: masaajidka Xaramka, waxaan idhi; yaa ku xigay? wuxuu yidhi: Masaajidka Al-aqsaa. Waxaan idhi: Imisa ayaa u dhaxeeyey (sanadood)? Wuxuu dhahay: Afartan sano, meeshii Salaadu kugu soo gaadhana ku tuko maxaayeelay waa Masjide” Muslim.

  • Sadex: Masaajidka Qudus waa qibladii koowaad ee Islaamka.

عن البراء رضي الله عنه : أن رسول الله صلى الله عليه وسلم صلى إلى بيت المقدس ستة عشر شهراً أو سبعة عشر شهراً ..  رواه البخاري ( 41 ) – واللفظ له – ومسلم ( 525 ) .

“Baraa (i.r.h) waxa laga wariyey: in Rasuulkii Ilaahay (scw) uu utukada xaga masaajidka Bayt Al-maqdaska, 16 ama 17 bilood…”

  • Afar: Masaajidka Qudus waa meesha lagu dheelmiyey nabiga (scw), sarena looga qaaday.

عن أنس بن مالك أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال أتيت بالبراق وهو دابة أبيض طويل فوق الحمار ودون البغل يضع حافره عند منتهى طرفه قال فركبته حتى أتيت بيت المقدس قال فربطته بالحلقة التي يربط به الأنبياء قال ثم دخلت المسجد فصليت فيه ركعتين ثم خرجت فجاءني جبريل عليه السلام بإناء من خمر وإناء من لبن فاخترت اللبن فقال جبريل صلى الله عليه وسلماخترت الفطرة ثم عرج بنا إلى السماء….

Anas ibnu Maalik waxa laga wariyey in Rasuuulkii Ilaahay dhahay: “Waxa la ii keenay Buraaq, waana daabad cad oo dher, kana sareysa dameeraha kana yar baqlaha, wuxuu dhigayaa lugihiisa meesha aragiisu ku dhamaado, wuxu yidhi: waan fuulay ilamaa aan ka tagay baytka almadaska (qudus), wuxuuna yidhi: waxaan ku xidhay daabadii meeshii ay nabiyadu ku xidhan jireen (daabadaha. albaabka masaajidka), markaasaan galay masaajidka oon tukadayna laba rakcadood waanan soo baxay, waxaana ii yimid Jibriil (N.N.K.H) oo sida weel uu ku jiro khamri iyo weel uu ku jiro caano, waxaanan doortay Caanihii, wuxuuna dhahay Jibriil (N.N.K.H): waxaad dooratay fidradii, markaasaa xaga samada sare naloogu qaaday… [Saxiix Muslim, (162)]

  • Shanaad: Waa meeshii ay nabiyadu ku ducaysanjireen inay ku dhintaan ama lagu aaso.

عن أبي هريرة رضي الله عنه قال….. فسأل الله أن يدنيه من الأرض المقدسة رمية بحجر قال قال رسول الله صلى الله عليه وسلم فلو كنت ثم لأريتكم قبره إلى جانب الطريق عند الكثيب الأحمر

“Abuhuryra waxa laga wariyey inuu yidhii: …. markaa Muuse ayaa waydiistay Ilaahay in lagu dhoweey dhulka muqadaska ah meel dhagax laga tuuro (agteeda), wuxuuna dhahay Rasuulkii Ilaahay (scw) hadaan joogi lahaa halkaa waan idi tusi lahaa qabrigiisa, waana dhinaca wadada (Qudus loo maro) ciida tamuuxda ee cas agteeda. [Bukhaari: 1274]

Dabcan dhulka muqadaska ah ee nabi Muuse rajaynayey in lagu aaso waa dhulka Shaam, gaar ahaan magaalada Qudus. Xadiiskanina wuxu ka hdlayey warkii dhex marey nabi Muuse iyo malakii mowtka, kadibna nabi Muuse ayaa faadhay oo il kasoo riday Malak mowtk, dabadeedna Ilaahay ayaa ku dhahay nabi Muuse, hadii aad rabto inaad noolaato, waxaad gacantaada baabacadeeda saartaa dibi, wixii dhogortiisa kaasoo raac ku dhifo mid kasta hal sano! Wuux yidhi nabi Muuse, oo markaa maxaa xiga? Waxa lagu dhahay; waad dhiman, kolkaasuu yidhi: waa hagaag ee iminkaba nafta iga qaad, oo iguna dil meesha ugu dhow ee dhulka barakaysan oo masaajidka Qudus agteeda, sababtuna waxay ahayd in nabi kasta meesha uu ku dhinto lagu aasayey.

  • Lixaad: Masaajidka Qudus ma galayo Masiix dajaalku.

” وإنه سيظهر على الأرض كلها إلا الحرم وبيت المقدس ” رواه أحمد ( 19665 ) ، وصححه ابن خزيمة ( 2 / 327 ) وابن حبان   ( 7 / 102 ) .

“wuxuuna ka muuqan doonaa dhulka oo dhan, marka laga reebo Xaramka iyo Baytka Maqdaska”

Masaajidka Qudus ma galayo Masiix Dajaalku, sidoo kale ma galayo masaajidka xurmaysan ee Makkah iyo masaajidka Rasuulke ee magaalda Madiina.

Dhulka Shaamna waa meesha lagu dilayo Masiix Dajaal, gaar ahaana magaalada Ludd, waxaana dilaya nabi Ciise oo isaguna kasoo dagaya aakhiru zamaanka dhulka Shaam, si uu udilo Dajaal Cawar iyo inuu cadeeyo inaanu isagu ahayn Ilaah ama wiil Ilaah dhalay toona, wuxuuna jabin doonaa saliibka, iyo doofaarkana wuu dili doonaa.

Masaajidka Qudus waxa booqday saxaabo waaeyn sida Amiirkii mu’iminiinta ee Cumar ibnu Khadaab, Abucubayda Caamir ibnu Aljarraax, Khaalid ibnu Waliid, hooyadii mu’miniinta ee Safiya bintu Xayyay oo anbiga xaaskiisa ahayd, Mucaad ibnu Jamal, Cabdilaahi ibnu Cumar, Abudardaa’ Abudarr, Cabdilaahi ibnu Camru ibnu Alcaas, Mucaawiya ibnu Abusufyaan, Camru ibnu Alcaas iyo qaar kale oo badhkoodna ay ku dhinteen, badhkoodna ay siyaartee.


Dhamaadka Maqaalka 1 aad ee silsilada Taariikhda Masaajidka Qudus, waxa soo diyaariyey iskuna dibo riday oo maqaaladana qora Sh Abdulaziz Mohamed Oogle.

 

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.