Tusmo

Siduu ku islaamay ninka loogu yeedho furanaya dalka Jarmalka

Pierre Vogel oo ku magac dheer Abuxamse, waa wadaad u dhashay dalka Jarmalka, kana mid ah dadyowga ugu firfircoon ee ka hawl gala dhanka dacwada Islaamka, hadaba waxaynu is waydiinaynaa sidee ayuu ku islaamay Pierre Vogel.

Pierre Vogel wuxuu ahaa nin haysta diinta Kiristaanka gaar ahaana protestaanka, wuxuuna dhiganjiray iskuul lagu barto diinta Kiristaanka. Markii uu akhriyey Baybalka ayuu ka dhex helay khalaada iyo iska hor imaad, markaasuu waydiiyey Baadarigii xagee ka yimaadeen iska hor imaadkani? wuxuuna baadarigii ku jawaabay: “Baybalku waa la xarrifay.” Pierre Vogel wuxuu la yaabay sidee ayaa dadku u rumaynayaan kutubo la xarrifay.

Dabadeedna wuxuu ka gaaloobay diintii Kiristaanka, wuxuuna bilaabay inuu naftiisa aamino, isagoo noqday feedhyahan, hadafkiisana wuxuu ahaa inuu mar un uu noqdo horyaalka boqorka feedhyahanka.

Kadibna wuxuu la kulmay nin ahaan jiray boqorka faadhka Aduunka oo qaaday billadaha dahabka ah ee cayaaraha Olympikada, wuxuu la yaabay ninkaas ahaan jiray boqorka feedhka Aduunku in la ilaaway oo uu ku dadaalayo siduu u samaysan lahaa sanam lagu xasuusto.

Wuxuu kale oo uu arkay dadyow maalqabeen ah oo milyaneera ah hadana ku nool nolol cidhiidhiya, waligoodna aan daremin farxad iyo sacaado toona. Kadibna wuxuu bilaabay inuu baadho xaqiiqada isagoo iibsadayna kutubo diimeed oo kala duwan.

Hase ahaatee maalin ayuu la kulmay nin ka tirsan axsaabta siyaasiga ee dalka Jarmalka, kolkaasuu waydiiyey: Xisbigiina hadafkiisu waa maxay? wuxuu yidhi: hadafkayagu waa in aan burburino diinta Islaamka, markaasuu waydiiyey maxaad u burbiranaysaa Islaamka? wuxuu ku jawaabay: Islaamku waa sidaas iyo sidaas , isagoo markaa bilaabay inuu caayey diintii Islaamka.

Pierre Vogel wuxuu dhahay: Anigu waxaan ahaa nin jecel in dadku ay wada noolaadaan, waanan isku dayey inaan difaaco diinta Islaamka, balse xujo aan ku difaaco ma garanayn.

SubxaanAllah, Pierre Vogel wuxuuba kusii dhiiraday oo faduuliyadii u gaysay inuu akhriyo Quraanka iyo diinta Islaamka. Pierre Vogel wuxuu dhahay: kolkii aan akhriyey kitaabka Quraanka ayaan ka dhex helay jawaabihii su’aalahan raadinayey sida “Maxaa naloo abuuray? Maxaa dhulka ay u joogaan khayr iyo sharkuba? Su’aalahaas oo aanay cidi  ka jawaabi karayn Islaamka mooyee. Waana sababta keenta in Kiristaanku ay ka baxaan diintooda, ayagoo iswaydiinaya su’aasha ah:” hadii Ilaahay yahay Ilaaha jacaylka, maxaa keenaya sharka iyo dhibaatooyinka Aduunka haysta.

Dabadeedna Pierre Vogel wuxuu is barbardhigay kitaabka Quraanka iyo Baybalka, wuxuuna yaqiinsaday in diinta Islaamku tahay diinta xaqa ah, kadibna wuxuuna go’aansaday inuu Islaamo.

Hase ahaatee waxa u yimid Shaydaankii oo ku dhahay: “Iminka marakaad akhriday Quraanka waad ku qanacday Islaamka, laakiin hadaad gasho Islaamka oo aad ka ridowdid markaa Ilaahay wuu ku ciqaabayaa ee waqtibaad haystaaye u kaadi.”

Pierre Vogel wuxuu bilaabay inuu tukado isagoo aan wali ku dhawaaqin shahaadadaba.  Dabadeedna waxa yimid dalka Jarmalka nin feedhyahan ahaa oo u dhashay dalka Maraykanka, magaciisa la dhaho Khaalid Jonson, ninkanin wuxuu ahaa Muslim.

Hadaba ninkaasi maadaaama uu ku cusubyahay dalka Jarmalka wuxuu ka dalbaday saaxiibkii Pierre Vogel inuu geeyo Masaajidka salaada Jimce, kadibna Pierre Vogel waa kaxeeyey oo wuxuu geeyey masaajidkii.

Hadaba markii ay galeen masaajidka ayuu Pierre Vogel tukaday salaada taxiyyatul masjidka, isagoo aan wali aan islaamin, markii uu masaajidka fadhiistay ayaa waxa kahor yimid oday waayeela oo u dhashay dalka Moroco wuxuuna ka dhahay: “Ma adigaa kaligaa ayaa muslim ka ah reerkiina?”

Wuxuu dhahay Pierre Vogel anigu wali maan islaamin laakiin hadana waan tukadaa, dabadeedna Ilaahay ayaa qalbiga ii sugay oo waxaan odaygii ku dhahay: “Haa, aniga ayaa reerkayaga muslim ka ah, waxaanan qirayaa ILaah xaq lagu caabudo inaanu jirin Allah mooyee, Muxamedna yahay Rasuulkiisii”

Pierre Vogel maanta waa daaci muslima oo Ilaahay sababtiisa uu kusoo islaamiyey dad aad u tiro badan illamaa loogu naanaysay ninkii furtay dalka Jarmalka.