Tusmo

Samaaxada Islaamka

Islaamku waa diinta naxariista, saamaxaada iyo fudaydkaba, umaddana ilaahay kuma kallifn wixii ay awoodaan mooyee, wixii aad camal qabatana waad heli abaalmarintiisa, wixii aad shar qabatana waxaad heli danbigiisa siduu Ilaahay subxaanahuu dhahay:

( لا يكلف الله نفساً إلا وسعها لها ما كسبت وعليها ما اكتسبت ) البقرة/286

(Ilaahay kuma kallifin nafna waxay awoodo mooyee, ayadaa iska leh wixii ay kasbato (oo khayra), waxaana korkeeda ah wixii ay isu kasabtay (oo shar ah). [Suuratu Al-baqarah: 286]

 

Ilaahayna wuu ka dulqaaday wixii mashaqo ku ah muslimiinta, sidaas awgeed ayuu Ilaaha koreeya dhahay:

( هو اجتباكم وما جعل عليكم في الدين من حرج ) الحج/78

(Isagaa idin doortay kamana yeelin diinta dhib) [Suuratu Alxajj:78]

 

Wixii muslimiinta ka dhaca ee danbi ku yimaada gaf ama halmaan, ama lagu qasbay waa mid laga cafinayo Ilaahay agtiisa, siduu Ilaahay subxaanahuu dhahay:

( ربنا لا تؤاخذنا إن نسينا أو أخطأنا ) البقرة/286

(Rabbigayagow hanoo qabanin wixii aan ilowno ama ku gafno) [Suuratu Albaqarah: 286]

Ilaahay wuxuu dhahay: waan yeelay.

Waxa ilaahay dadka kala xisaabtamayaa waa danbiga kaska ah ee loo badheedhay, siduu Ilaahay dhahay:

( وليس عليكم جناح فيما أخطأتم به ولكن ما تعمدت قلوبكم ) الأحزاب/5

(Korkiina ma saarna dhib wixii aad ku gafteen haseyeeshee wixii ay u badheedho quluubtiinu (ayaa laydin waydiinayaa) [Suuratu Al-axzaab:5]

 

Ilaahayna waa Alle naxariis badan oo wuxuu usoo bixiyey nabiga Muxamed naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee inuu wax fudaydiyo iyo diintan ku dhisan saamaxaada:

( يريد الله بكم اليسر ولا يريد بكم العسر ) البقرة/185

(Ilaahay wuxuu idin la rabaa fudaydka, mana idinla rabo culayska) [Suuratu Albaqarah:185]

Wuxuuna dhahay nabigu naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee:

( إن الدين يسر ولن يشاد الدين أحد إلا غلبه فسددوا وقاربوا وأبشروا ) رواه البخاري/39

(Diintu waa fudayd, cidna iskuma adkeeyo diintan hadayba jirto way ka awood badataa, ee awda, dhodhoweeya oo bishaaraystana) [Bukhaari: 39]

 

Shaydaankuna waa cadwga ugu wayn ee Insaanku leeyahay, wuxuu halmaansiiyaa xuska Rabbigii, wuxuuna u qurxiyaa macsida Ilaahay, siduu dhahay Ilaahay subxaanahu:

( استحوذ عليهم الشيطان فأنساهم ذكر الله أولئك حزب الشيطان ألا إن حزب الشيطان هم الخاسرون ) المجادلة/19

(Waxa ka awood batay shaydaankii oo ilowsiiyey xuskii Ilaahay, kuwaasi waa xisbiga Shaydaanka, hooyaay! Xisbiga shaydaankuna waa kuwo khasaaraya.) [Suuratu Al-mujaadalah: 19]

 

Waxyaalaha  naftu isugu sheekaysana Ilaahay waa cafiyey, siduu dhahay nabiga naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee:

(Ilaahay wuxuu Umadayda ka dhaafay wixii ay naftoodu isugu sheekayso intaanay ku hadlin ama aanay ku camal falin) [Muslim:127]

Cidii samaysa macsi kadibna Ilaahay asturo uma banaana inuu ka sheekeeyo macsidii, wuxuuna dhahay nabigu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee:

(Dhammaan umadayda waa la cafinayaa marka laga reebo kuwa muujista xumaanta) [Muslim:2990]

 

Haduu qofku danbaabo oo uu toobad la yimaadana Ilaahay wuu ka toobad aqbalayaa:

( كتب ربكم على نفسه الرحمة أنه من عمل منكم سوءاً بجهالة ثم تاب من بعده وأصلح فأنه غفور رحيم ) الأنعام/54

(wuxuu Rabbigiin naftiisa idiinku waajibiyey naxariis, cidii idinka mida ee fasha camal xun isagoo jaahila markaana toobad keena gadaasheed oo hagaagana Ilaahaybaa dhaafaya oo naxariisanaya) [Suuratu Al-ancaam:54]

Ilaahayna waa deeqsi laablaaba xasanaadka.. cafiyana xumaanaha.. siduu dhahay nabigu naxariis iyo nabad galyo korkiisa ha ahaatee, isagoo ka warinaya Rabbigiisa sarreeya ee korreeya:

(Ilaahay wuxuu qoray xasanaadka iyo xumaanahaba, markaasuuna cadeeyey, cidii hamida inay fasho camal wanaagsan oo aan la imanin wuxuu Ilaahay agtiisa u qoraa hal xasano oo dhamaystiran, haduu hamiyo oo uu la yimaadana wuxuu Ilaahay u qoraa agtiisa toban xasanaad illaa todoba boqol oo laablaab, ilaa laablaabyo fara badan, cidiisa doonta xumaan balse aan fulinin wuxuu Ilaahay u qoraa hal xasano oo dhamaystiran, haduuba uu hamiyo (xumaantii) uuna la yimaado, wuxuu Ilaahay uqoraa hal xumaan kaliya) [Waa la isku waafaqay, wuxuu Bukhaari kusoo saaray kitabaka Al-raqaa’iq/81]


Lagasoo xigtay kitaabka Usuulu Aldiin Al-islaami, ee uu qoray Sheekh Muxamed ibnu Ibraahiim Al-tuweygri.