Ruuxu markuu dhinto waxa dhamaaday camalkiisii aduunyada marka laga reebo sadex qof mooyee, waxayna kala yihiin: Qofka sadaqo jaariya ah la baxay, sida isagoo dhisa masaajid, wadooyin, iskuulada, cusbitaalada, ceel uu qodo iwm.

Ka labaadna waa qofka ka taga cilmi uu dadka baray kaasoo nafci lahaa, sida macalinka Quraanka, caalimka dadka baraya cilmiga diiniga ah. Ka sadexaadna waa ubadka waalidkood dhintay ee u duceeya waalidkoodii geeriyooday.  Waxaana sadexdaas qof lagu sheegay hal xadiis oo nabiga ka sugan (scw):

عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال إذا مات الإنسان انقطع عنه عمله إلا من ثلاثة إلا من صدقة جارية أو علم ينتفع به أو ولد صالح يدعو له

Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: ” Haduu insaanku dhinto waxa ka dhamaada camalkiisii marka laga reebo sadex, sadaqada Jaariyada (oo uu labaxay), Cilmi nafci leh (oo uu dadka baray) iyo wiilka saalixa ah ee u duceeya. [Saxiix Muslim: 1631]

Maxaa anfacaya Ruuxa dhintay?

In loo duceeyo:

Sida xadiiskii hore inoo cadeeyey, ruuxa muslimka ah ee dhintay waxa kamid ahaa waxyaalaha gaadhayey ducada; sida in loogu duceeyo inuu Ilaahay u danbi dhaafo, u naxariisto, qabriga u waasiciyo, camaladiisii saalixa ahaa aqbalo, janadii Alle geeyo, cidhib danbeedkiisa Alle hagaajiyo iwm. Markaa ducadaasi way gaadhaysaa qofkii dhintay, waxaana sare loogu qaadayaa darajadiisa, waxaana u daliila xadiiskan:

قال رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّه عَلَيْه ِ وَسَلَّمَ : إِنَّ الرَّجُلَ لَتُرْفَعُ دَرَجَتُهُ فِي الْجَنَّةِ فَيَقُولُ أَنَّى هَذَا فَيُقَالُ بِاسْتِغْفَارِ وَلَدِكَ لَكَ . رواه ابن ماجة رقم 3660 وهو في صحيح الجامع 1617

Rasuulkii Ilaahay wuxuu dhahay: ” Ninka waxa sare loo qaadaa darajadiisa Jannada, markaasuu dhahayaa: Xagee katimid (khayrkani)? waxa la dhahayaa: waa ducadii wiilkaagii” [Waxa soo saaray Ibnu Maajah: 3660]

In Sadaqo laga bixiyo:

Waxyaalaha kale ee gaadhay qofkii dhintay waa Sadaqada, siduu xadiiskani inuu tilmaamayo:

عَنْ عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا أَنَّ رَجُلًا قَالَ لِلنَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ إِنَّ أُمِّي افْتُلِتَتْ نَفْسُهَا وَأُرَاهَا لَوْ تَكَلَّمَتْ تَصَدَّقَتْ أَفَأَتَصَدَّقُ عَنْهَا قَالَ نَعَمْ تَصَدَّقْ عَنْهَا  رواه البخاري : فتح 1388

Caasha Ilaahay raali haka ahaadee waxa laga wariyey in Nin ku dhahay Rasuulka (scw): Hooyadaybaa dhimatay, waxaanan u arkaa hadii ay hadli lahayd inay wax sadaqaysan lahayd ee maka bixiyaa sadaqada ayada? wuxuu dhahay: “Haa, ka bixi sadaqada” [Saxiixu Bukhaari: 2609 ]

عن ابْنُ عَبَّاسٍ رَضِي اللَّه عَنْهمَا أَنَّ سَعدَ بْنَ عُبَادَةَ رَضِي اللَّه عَنْهم تُوُفِّيَتْ أُمُّهُ وَهُوَ غَائِبٌ عَنْهَا فَقَالَ يَا رَسُولَ اللَّهِ إِنَّ أُمِّي تُوُفِّيَتْ وَأَنَا غَائِبٌ عَنْهَا أَيَنْفَعُهَا شَيْءٌ إِنْ تَصَدَّقْتُ بِهِ عَنْهَا قَالَ نَعَمْ قَالَ فَإِنِّي أُشْهِدُكَ أَنَّ حَائِطِيَ الْمِخْرَافَ  صَدَقَة ٌ عَلَيْهَا . رواه البخاري : فتح : 2756

Ibnu Cabbaas waxa laga wariyey in Sacad ibnu Cubaada Ilaahay raali haka ahaadee inay dhimatay hooyadii isagoo ka maqan markaasuu dhahay: Rasuulkii Ilaahayoow, hooyadeybaa dhimataya anigoo maqan ee wax ma u taraysaa hadii aan wax u sadaqaysto ayada, wuxuu yidhi: “Haa” wuxuu dhahay: waxaan ku markhaati galinayaa in beertii Mikraaf (waa magaca beertiisa) ay sadaqo u tahay ayada. [Bukhaari: 2605 ]

In loo xajo iyo in loo cimreysto :

Sidoo kale waxyaalaha gaadhaya ruuxii geeriyooday waxa kamid ah in loo soo xajo ama loo cimreysto, waa hadii qofka u xajayaa ama cimreysanayaa uu yahay qof hada kahor gutay waajibaadkii xajka iyo cumrada ee lagu lahaa.

عن عبد الله بن بريدة عن أبيه رضي الله عنه قال بينا أنا جالس عند رسول الله صلى الله عليه وسلم إذ أتته امرأة فقالت إني تصدقت على أمي بجارية وإنها ماتت قال فقال وجب أجرك وردها عليك الميراث قالت يا رسول الله إنه كان عليها صوم شهر أفأصوم عنها قال صومي عنها قالت إنها لم تحج قط أفأحج عنها قال حجي عنها

Cabdilaahi ibnu Buraydah wuxuu ka wariyey aabihii ilaahay raali haka ahaadee inuu yidhi: Mar anagoo fadhina Rasuulka (scw) agtiisa ayaa waxa utimid haweenay, waxayna tidhi: Hooyaday waxaan u sadaqeeyey  jaariyad ayaduna way dhimatay, wuxuu yidhi: wuxuu dhahay: ” Ajarkii wuu kuu waajibay, una celi dhaxalka“, waxay tidhi: Rasuulkii Ilaahayow: Waxa lagu lahaa bil soonkeedii ee maka soomi karaa? wuxuu yidhi: “Ka soon ayada” waxay tidhi: ayadu may xajin waligeed ee maka xaji karaa? wuxuu dhahay: “Ka xaj ayada” [Muslim: 1149 ]

In laga soomo:

Sidoo kale soomkana waa laga soomi karaa:

عن عائشة رضي الله عنها أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال من مات وعليه صيام صام عنه وليه

Caasha waxa laga wariyey ilaahay raali haka ahaadee in Rasuulkii Ilaahay (scw) yidhi: “Qofkii dhinta isagoo soom lagu leeyahay waxa kasoomaya waligiisa” [Bukhaari: 1851 ]

In nadarkoodii loo fuliyo:

Hadii waalidkii dhintay uu nadray inuu la yimaado camal khayr leh kadibna isagoo aan fulinin geeriyooday waxa u gudaya nadarkaas ehelkiisii, camalkaas ajarkiisun wuu gaadhayaa:

عن ابن عباس أن امرأة جاءت إلى النبي صلى الله عليه وسلم فقالت إن أمي نذرت أن تحج فماتت قبل أن تحج أفأحج عنها قال نعم حجي عنها أرأيت لو كان على أمك دين أكنت قاضيته قالت نعم فقال اقضوا الله الذي له فإن الله أحق بالوفاء

Ibnu Cabaas waxa laga wariyey in haweenay utimid nabiga (scw) waxayna tidhi: Hooyadaybaa ku nadartay inay xajto, wayna dhimatay intaanay xajin kahor ee maksoo xaji karaa? wuxuu yidhi: “Haa, usoo xaj, kawaran hadii hooyadaa dayn lagu lahaa maka gudi lahayd?” waxay tidhi: Haa, wuxuu yidhi: “u guda Ilaahay oo leh nadarka, maxaa yeelay Ilaahaybaa xaq u leh in loo oofiyo” [Bukhaari: 6885 ]

In ulxada laaga qaybgaliyo:

Ulxada marka la gawracayo waxa laga qayb galin karaa ehelkaaga kuwa nool iyo kuwa dhintay, sidii nabiguba uga qaybgaliyey, wuxuuna dhahay Rasuulku (scw):

بِاسْمِ اللَّهِ اللَّهُمَّ تَقَبَّلْ مِنْ مُحَمَّدٍ وَآلِ مُحَمَّدٍ وآل محمد فيهم الأحياء والأموات . رواه مسلم رقم 1967

“Bismillah, Allahumma taqabbal min Muxammed wa aali muxammad, fiihumu al-axyaa’i wal amwaat”

Magaca Ilaahay ayaan ku bilaabay, Ilaahow ka aqbal Muxamed iyo reer Muxamedba, iyo reer Muxamed intooda nool iyo kuwa dhintayba”

Kuwaasi waxay ahaayeen camalada wanaagsan ee ajarkoodu si toos ah u gaadhayo ruuxii muslimka ahaa ee geeriyooday, laakiin waxyaalaha kale ee aan sunnada nabigu sheegin ee dadka qaar ku kacaan waa bidco aan ka sugnayn Rasuulka (scw). Waxa bidcooyinkaas kamid ah:

  • Xuska Afartanaadka.
  • Xuska sanadlaha ah.
  • Goobaha lagu akhriyo faatixada iwm.
  • Xabaalaha oo laga dul barooto ama lag barakaysaba.

Ruuxii dhintay wax ma maqlayaa?

Culumada Islaamku way isku khilaafeen in ruuxa dhintay maqlayo ducada qofka soo booqda; Qolo waxay ku tagtay inaanay maqlaynin ayagoo daliishanaya aayadaha Quraanka ah:

 إِنَّ اللَّهَ يُسْمِعُ مَن يَشَاءُ ۖ وَمَا أَنتَ بِمُسْمِعٍ مَّن فِي الْقُبُورِ (22)

Ilaahaybaa maqashiiya ciduu doono, adiguna Matihid ku maqashiinaya kuwa qubuuraha kujira. [Faadir:22]

Qoloada kale ayagu waxay ku tageen in ruuxa dhintay maqlayo ducada loogu ducaynayo ayagoo soo xiganaya dhacdadii Badar, markii lagu laayey gaaladii Abujahal iyo qayrkood ayaa nabigu isagoo canaanaya ayuu ku yidhi: “Anagu waanu helnay wixii Ilaahay noogu ballan qaadayey, ee idinku si xaq ah ma u hesheen wixii Ilaahay idinku ballan qaaday? Dabadeedna Cumar ayaa dhahay Rasuulkii Ilaahayoow: ma waxaad lahadlaysaa qoom dhintay oo engegay, markaasuu Rasuulku dhahay: “Ilaahbaan ku dhaartee idinku iigama maqal badnidin ayaga, hase ahaatee ma awoodaan inay ajiibaan” [Saxiix Muslim2875]

Sidoo kale waxa nabiga la faray inuu booqdo xabaalaha Baqiic oo uuna u duceeyo dadkii lagu xabaalay.

Waxa kale oo jira riwaayad uu xoojinayo Ibnu Cabdi barr oo uu leeyahay sidan:

قال ابن عبد البر: ثبت عن النبي صلى الله عليه وسلم أنه قال: ما من مسلم يمر على قبر أخيه كان يعرفه في الدنيا فيسلم عليه إلا رد الله عليه روحه حتى يرد عليه السلام

Ibnu Cabdi Al-barr wuxuu yidhi: Nabiga (scw) waxa ka sugan inuu dhahay: “Majiro qof muslima oo soo mara xabaasha walaalkii uu aduunyada ku yaqaanay kadibna salaama, haduuba jiraba Ilaahay ayaa gaadhsiiya salaantii ruuxdiisii illamaa isagun uu ka qaadayo salaanta.

Labadaas qolo waxa xoog badan qoloda tidhi way maqlayaan ducada qofka soo siyaartay, waxaana ku tagay aragtidaas culumo badan sida Ibnu Taymiyah, Ibnu Kathiir, Suyuudi iyo qaar kale oo badan.

Ducada marka la booqdo Xabaalaha:

Ninka ragga ah ee soo booqda xabaalaha wuxuu ehelka qubuurahaas ugu ducaynayaa ducadii nabigu ugu duceeyey xabaalaha Baqiic:

السلام عليكم أهل الديار من المؤمنين والمسلمين، ويرحم الله المستقدمين منا والمستأخرين، وإنا إن شاء الله بكم للاحقون.

Assalaama calaykum ahla addiyaar mina al-muminiina wal muslimiina, wa yarxamu allahu al-mustaqdimiina minnaa wal musta’khiriina, wa innaa inshaa-allahu bikum laaxiquun.

Nabadgalyo korkiina ha ahaato ehelka daartanow ee mu’miniin iyo muslimiinba, Ilaahayna ha u naxariisto kuwii naga horeeyey iyo kuwa naga danbeeyaba, anaguna Inshallah waan idinka daba iman.

Dumarku ma siyaaran karaan Xabaalaha?

Waagii hore nabigu (scw) wuu diiday in la siyaarto xabaalaha, maadaama ay saxaabadu dhowaan soo islaameen oo iimaankoodu wali cuslaanin, balse markii cilmi badan ay fahmeen ayuu nabigu u fasaxay nimanku inay booqdaan xabaalaha, wuxuuna dhahay: Siyaarta xabaalaha, waxay idin xasuusinaysaa aakhiro.

Rukhsadaas waxa la siiyey oo kaliya nimanka, balse dumarka waa looga digay inay booqdaan xabaalaha, wuxuuna nabigu (scw) ku tilmaamay dumarka booqda xabaaluhu inay yihiin kuwo naxariista laga dheereeyey.

عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم لعن زوارات القبور 

Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: Waa la lacnaday dumarka siyaarta qubuuraha. [Tirmadi:1056 ]