Professor Tejetat Tejsen wuxuu bare sare ka ahaa jaamicada Chiang Mai University ee dalka Thailand, gaar ahaana qeybta Anotomy (Dhismaha Jidhka), wuxuuna qeyb badan oo cimrigiisa kamida ku bixiyey inuu baadho neerfaha jidhka u qaabilsan damqashada. Dhakhaatirtuna waagii hore waxay rumaysnaayeen in maskaxda oo kaliya ay masuul ka tahay damqashada jidhka, hase ahaatee dhowaan waxa la ogaaday in ay jiraan neerfayaal qaabilsan damqashada oo ku yaala maqaarka jidhka, waxaana loogu yeedhaa Pain Receptors. Neerfahaas qaabilsan damqashada ayaa masuul ka ah in bani aadamku ay damqadaan markay xanuun dareemaan, hadii aan neerfahaas jirina bani aadamku muu dareemi lahayn damqasho iyo xanuun toona.

Hadaba Dhakaatiirta oo taas ka duulaya ayaa marka ruux gubtay loo keeno waxay goobtii gubatay ku taabtaan bir yar si ay u ogaadaan in bukaanu damqanayo, hadii ruuxii bukay damqadau dhakhtarku wuu farxayaa, sababtoo ah dhaawucu wuu yaryahay, waxaana wali sii nool dareemayaashii damqashada, balse hadii bukaanku damqan waayo dhakhtarkii wuu murugoonayaa sababtoo dhaawacu wuu qoto dheeryahay, waxaana dhintay dareemayaashii damqashada.

Arrintaas cajiibka ah waxa lagu xusay Quraanka Kariimka ah, gaar ahaana suurada 4 aad ee Al.nisaa, aayada 56 aad.

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا سَوْفَ نُصْلِيهِمْ نَارًا كُلَّمَا نَضِجَتْ جُلُودُهُم بَدَّلْنَاهُمْ جُلُودًا غَيْرَهَا لِيَذُوقُوا الْعَذَابَ ۗ إِنَّ اللَّـهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمًا ﴿٥٦

Kuwii ka Gaaloobay Aayaadkanaga waxaanu Galin Naarta, mar kastoos gubto Haragoodu waxaan ku badalnaa hargo kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Ilaahayna waa Adkaade Falsan. (56) [Alnisaa’: 56]

Waa maxay macnaha aayadu? Aayada Quraanka ah wuxuu Alle leeyahay Gaalada waxaanu ku tuuraynaa cadaabka naareed, marka haragoodu gubtana waxaan ku badalaynaa hargo kale oo curdin ah, si ay u dhadhamiyaan cadaabka, taas oo macnaheedu tahay in haraga jidhka bani aadamka ay ku jirto dareemayaashii damqashad. Hadiise haraga gubtay aan dib loo soo celinin, ruuxii ma dareemayo cadaabka, sidaa darteed ayuu Alle awoodiisa kucoo celinayaa hargahooda si ay u dhadhamiyaan cadaabka, Ilaahaybaan ka magan galnee.

Hadaba aayadan oo turjuman ayaa loo dhiibay Professor Tejetat Tejsen, wuxuuna dhahay: “Sideebay suurtagal u tahay in kitaab cimrigiisu yahay 1400 oo sanadood uu ka warramo neerfaha qaabilsan dareemayaasha damqashada” Professor Tejatet Tejsen wuu yaabay wuuna u qaadan waayey, kadibna wuxuu helay tarjumada Quraanka ee luuqada Thailand, wuxuuna la kulmay culmo kale, dabadeedna shirkii sideedaan ee caafimaadka oo lagu qabtay magaalada Riyaadh ee dalka Sacuudiga ayuu ku dhawaaqay kalimada xaqa ah, wuun islaamay.