Tusmo

Mala dhaqan karaa Bisadaha iyo Eyda?

Bisadaha:

Bisadaha dhib malaha in la dhaqdo hadii aanay cid kale lahayn, isla markaana ay caafimaad qabaan oo aan looga cabsanayn inay cuduro sii gudbiyaan. Sidoo kale waa in qofka dhaqanaya bisaduhu siiyaa cuntadoodii iyo cabitaankoodii, hadii aanu awoodin waa inuu faraha ka qaado oo aanu xabisin, si ay dhulka Ilaahay uga raadsato irsaaqadeeda.

Waxa laga wariyey nabiga (scw) in gabadh naarta ku gashay bisad ay xabistay oo aanay siinin cunto iyo cabitaan toona:

عَنْ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عُمَرَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا :أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ” عُذِّبَتْ امْرَأَةٌ فِي هِرَّةٍ سَجَنَتْهَا حَتَّى مَاتَتْ فَدَخَلَتْ فِيهَا النَّارَ لَا هِيَ أَطْعَمَتْهَا وَلَا سَقَتْهَا إِذْ حَبَسَتْهَا وَلا هِيَ تَرَكَتْهَا تَأْكُلُ مِنْ خَشَاشِ الْأَرْضِ ” 

Cabdilaahi ibnu Cumar Ilaahay raali haka ahaadee wuxuu Rasuulkii Ilaahay (scw) ka wariyey inuu dhahay: “Gabadh ayaa bisad lagu cadaabay ay xabistay illamaa ay ka dhimanaysay, sidaasbayna naarta ku gashay, manaysan siin cunto iyo cabitaan toona markii ay xabistay, umanay sii daynin inay dhulka ka cunto cayayaanka” [Bukhaari: 3223 iyo Muslim:1507]

Bisaduhu asalkooda maaha nijaas ee waa daahir, weelka ay wax ku cunaana ma nijaasoobayo, waxaana u daliila xadiiskan:

 أن امرأة أرسلت بِهَرِيسَةٍ إِلَى عَائِشَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهَا فَوَجَدَتْهَا تُصَلِّي فَأَشَارَتْ إِلَيَّ أَنْ ضَعِيهَا فَجَاءَتْ هِرَّةٌ فَأَكَلَتْ مِنْهَا فَلَمَّا انْصَرَفَتْ أَكَلَتْ مِنْ حَيْثُ أَكَلَتْ الْهِرَّةُ فَقَالَتْ : إِنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : “إِنَّهَا لَيْسَتْ بِنَجَسٍ إِنَّمَا هِيَ مِنْ الطَّوَّافِينَ عَلَيْكُمْ وَقَدْ رَأَيْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَتَوَضَّأُ بِفَضْلِهَا ” .

Gabadhbaa cunto usoo dirtay Caasha Ilaahay raali haka ahaadee, markaasay la kulantay ayadoo tukanaysay waxayna ii tilmaantay inaan dhigo, kadibna waxa timid bisad markaasay wax ka cuntay, markii bisadii tagtay ayey ka cuntay meeshii ay bisadu ka cuntay, waxayna tidhi: “Rasuulkii Ilaahay (scw) wuxuu yidhi: “Ayadu maaha nijaas, ee ayadu waxay kamid tahay kuwa idinku dul wareega korkiina, waxaanan arkay Rasuulkii Ilaahay (scw) oo ku waysaysanaya hanbadeedii” [Abudaawuud:69]

Hadii bisadu ay weel wax ku cunto ama ay ku cabto ma nijaasoobayo ee cida bisada leh waxay kala dooran karaan inay sii cunaan maxaa yeelay cuntadu may nijaasoobin waa hadii aanay jirin wax kale oo wasakheeyey bisada, hadii kalena wuu iska dayn karaa.

Eyga:

Ruuxa muslimka ah uma banaana inuu dhaqdo eyda marka laga reebo eyda loo baahanyahay sida eyda wax lagu ugaadhsado, eyda ilaalinaysa beeraha iyo adhiga. Mana banaana in eyda lasoo galiyo guryaha, waxaana kusoo arooray xadiisyo badan waxaana kamid ah:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( مَنْ أَمْسَكَ كَلْبًا فَإِنَّهُ يَنْقُصُ كُلَّ يَوْمٍ مِنْ عَمَلِهِ قِيرَاطٌ إِلا كَلْبَ حَرْثٍ أَوْ مَاشِيَةٍ ) .

Abuhurayra waxa laga wariyey ilaahay raali haka ahaadee inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay ayaa dhahay: ” Ruuxii dhaqda ey, waxa ka nuqsaamaya maalinkasta camalkiisa qiiraad (halbeeg cayiman oo Ilaahay ogyahay oo ajar ah), marka laga reebo eyda beeraha ilaalisa ama adhiga.” [Bukhaari: 2145]

عَنْ عَلِيِّ بْنِ أَبِي طَالِبٍ رضي الله عنه عَنْ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ : ( إِنَّ الْمَلائِكَةَ لا تَدْخُلُ بَيْتًا فِيهِ كَلْبٌ وَلا صُورَةٌ ) صححه اٍلألباني في صحيح ابن ماجه

Cali ibnu Abudaalib, ilaahay raali haka ahaadee wuxuu kasoo wariyey nabiga (scw) inuu dhahay: ” Malaa’iktu masoo gasho guri ay joogo Ey ama sawir yaalo” [Ibnu Maajah: 3640]

Xadiisyadaasi waxay tilmaamayaan in dhaqashada eydu xaaraan tahay marka laga reebo eyda wax lagu ugaadho, eyda ilaaisa beeraha iyo adhiga.

Ma banaantahay in Eydu ay ilaaliso Guryaha?

Culumadu way isku khilaafeen inay banaantahay in eydu ilaaliso guryahay iyo in kale. Qolo waxay tidhi: Ma banaana ayagoo cuskanaya xadiiskii nabiga ee kusoo koobay eyda banaan sadexdii nooc oo kaliya. Halka culumo kale ay dhaheen waa looga qiyaas qaadanayaa in eydu ilaaliso guryaha, maadaama ay banaantahay inay ilaalin karaan beeraha iyo adhigaba.