Magacyada kala duwan ee loo yaqaano Jannada!

  1. Magaca koowaad: Al-Jannah

Magaca Al-Jannah waa magac guud oo loogu yeedho deegaankaas iyo wixii ku gudo jira ee nicmo iyo indho doogsiba leh. Asalka magacuna wuxuu kasoo jeedaa dhirta badan ee hadhaca ah kuwaas oo ku qarinaya hadii aad dhex gasho. Sidaa awgeed ereyga Jannah waxa kale oo loo adeegsadaa wixii kaa qarsooma, sida ilmaha yar ee caloosha hooyadii ku jira waxa loo yaqaana Aljaniin sidoo kale ruuxa caqligiisu qarsoomo waxa loogu yeedhaa Majnuun. Dhanka kale makhluqaadka aynaan arkin ee ayaguna dhulka inagula nool waxa loo yaqaana Aljinn.

Magacan Al-jannah wuxuu Allah ku sheegay Quraanka meelo aad u badan waxaana kamida:

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الْأَنْهَارُ ۚ ذَٰلِكَ الْفَوْزُ الْكَبِيرُ ﴿١١

Kuwa xaqa rumeeyey ee camal fiicana falay waxay leeyihiin Jannooyin ay dareeri dhexdeeda wabiyayaalkii, taasina waa liibaan wayn. (11)[1]

 

  1. Magaca labaad: Daaru Alsalaam

Daaru Alsalaam macnaheedu waa daarta nabadgalyada, oo ruuxa galaa wuxuu ka nabadgalayaa balaayooyinka, cudurrada, gabowga, abaarta, waanu ku waarayaa dhexdeeda. Sidaas darteed ayuu Allahna ugu magacaabay daarta nabadgalyada:

لَهُمْ دَارُ السَّلَامِ عِندَ رَبِّهِمْ ۖ ….﴿١٢٧

Waxayna leeyihiin daar nabadgalyo oo Rabbigood agtiisa ah.. (127)[2]

 

  1. Magaca sadexaad: Daaru Al-khuldi

Daaru Alkhuldi waa daarta lagu waarayo ee dhexdeeda lagu dhimanaynin, laguna gaboobayn oo cimrigu is badalayn sidoo kale lagu dhex caajisaynin. Dadka deganna waxay helayaan irsaaqad aan kala go’ayn siduu Allah dhahay:

عَطَاءً غَيْرَ مَجْذُوذٍ ﴿١٠٨

Waana siismo aan go’ayn. (108)[3]

 

  1. Magaca Afaraad: Daaru Almaqaam

Daarul Almaqaam waa daarta lagu nagaanayo abid ee aan lagu dhimanayn lagana baxaynin. Wuxuuna Allah dhahay:

الَّذِي أَحَلَّنَا دَارَ الْمُقَامَةِ مِن فَضْلِهِ لَا يَمَسُّنَا فِيهَا نَصَبٌ وَلَا يَمَسُّنَا فِيهَا لُغُوبٌ ﴿٣٥

Rabiga nadajiyay daarta lagu nagaanayo fadligiisa dartiis, nagumana taabato dhexdeeda dhib, nagumana taabato dhexdeeda daal. (35)[4]

 

  1. Magaca Shanaad: Jannatu Al-ma’waa

Jannatu Al-ma’waa waa Jannada hoyga u ah mu’miniinta Alle ka cabsan jiray, waxaana caasha tidhi: “Jannatu Alma’waa waa janno ku dhextaala Janooyinka Rabbi” Wuxuuna dhahay Allah:

عِندَ سِدْرَةِ الْمُنتَهَىٰ ﴿١٤ عِندَهَا جَنَّةُ الْمَأْوَىٰ ﴿١٥

Sidratul-Muntaha agteeda.(14) Agteedana waxaa ah Jannatul-ma’waa.(15)[5]

 

  1. Magaca Lixaad: Jannatu Cadan

Waxa la yidhi Jannatu Cadan waa magac Janno kamida jannooyinka Alle, balse sida saxiixa ah waxay tahay waa magac guud oo ay wadaagaan Janooyinka Alle dhamaantood. Cadan macnaheedu waa deganaansho, xasilooni lagu nagaanayo barwaaqo iyo nicmo aan kala go’aynin.

جَنَّاتُ عَدْنٍ يَدْخُلُونَهَا يُحَلَّوْنَ فِيهَا مِنْ أَسَاوِرَ مِن ذَهَبٍ وَلُؤْلُؤًا ۖ وَلِبَاسُهُمْ فِيهَا حَرِيرٌ ﴿٣٣

Jannada cadni ayey gali iyagoo loogu xidhi dhexdeed shuuliyo (lagu xarragoodo) oo dahab iyo Jawharba leh, dhar kooduna dhexdeeda waa xariir. (33)[6]

 

  1. Magaca todobaad: Daaru Alxayawaan

Daaru Alxaywaan waa daarta Jannada waxaana looga jeeda daarta nolosha abidka ah ee lagu waarayo. Wuxuuna Allah leeyahay:

وَإِنَّ الدَّارَ الْآخِرَةَ لَهِيَ الْحَيَوَانُ ۚ لَوْ كَانُوا يَعْلَمُونَ ﴿٦٤

 Daarta aakhiraana meel nololeed ah hadday wax ogyihiin Dadku. (64)[7]

  1. Magaca Sideedaad: Alfirdaws

Firdaws waa magac la dhaho guud ahaan Jannada sidoo kalena loogu yeedho Jannada ta ugu sareysa ee ugu wanaagsan. Asalka ereygan firdawsna waa bustaanka iyo beeraha ay ka baxaan midhaha cinabka ah. Wuxuu Allah leeyahay:

أُولَـٰئِكَ هُمُ الْوَارِثُونَ ﴿١٠ الَّذِينَ يَرِثُونَ الْفِرْدَوْسَ هُمْ فِيهَا خَالِدُونَ ﴿١١

Kuwaasu waa kuwa Dhaxlaya. (10) oo ah kuwa Dhaxlaya Firdowsa wayna ku Dhexwaari. (11)[8]

  1. Magaca Sagaalaad: Jannatu Alnaciim

Jannatu Alnaciim waa magac guud oo isagana loogu yeedho Janooyinka Alle, maxaayeelay waa meel nicmo kasta oo lagu indho doogsado ay taalo. Wuxuu Allah leeyahay:

إِنَّ الَّذِينَ آمَنُوا وَعَمِلُوا الصَّالِحَاتِ لَهُمْ جَنَّاتُ النَّعِيمِ ﴿٨

Kuwa rumeeyey (xaqa) camal wanaagsanna falay waxay leeyihiin Jannatu Naciima. (8)[9]

  1. Magaca Tobnaad: Almaqaam al-amiin

Almaqaam Al-amiin macanaheedu waa goobta aaminka lagu yahay, waana magaca Jannadu leedahay sababtoo ah Jannada dhamaanteed aamin ayaa lagu yahay. Wuxuuna Allah leeyahay:

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي مَقَامٍ أَمِينٍ ﴿٥١

Kuwa dhawrsadana waxay kusugnaan meel aamin ah. (51)[10]

  1. Magaca Kow iyo Tobnaad: Maqcadu Sidqi

Maqcadu Sidqi macnaheedu waa meel la fadhiisto oo run ah. Sababta Jannada magacan loogu bixiyeyna waa Jannada oo ay taalo wax kasta oo looga baahan-yahay meel la fadhiisto. Wuxuu Allah leeyahay:

إِنَّ الْمُتَّقِينَ فِي جَنَّاتٍ وَنَهَرٍ ﴿٥٤ فِي مَقْعَدِ صِدْقٍ عِندَ مَلِيكٍ مُّقْتَدِرٍ ﴿٥٥

Kuwa dhawrsadana waxay gali Jannooyin iyo wabiyaal. (54) Meel la fadhiisto oo xaq ah oo Rabbiga awoodda leh agtiisa ah (ayaa u sugnaatay). (55)[11]

 

Kuwaasi waxay ahaayeen magacyada kala duwan ee loo yaqaano Jannada iyo hoyga rasmiga ah ee Allah u diyaariyey adoomadiisa wanaagsan. Waxaan Ilaahay waydiisanaynaa inuu inaga yeelo kuwuu Allah ku karaameeyo fadligiisa ee loogu deeqo Jannada Raxmaanka.

 


 

[1] Suurada Alburuuj (11)

[2] Suurada Al-ancaam (127)

[3] Suurada Al-huud (108)

[4] Suurada Alfaadir (34,35)

[5] Suurada Al-najmi (14,15)

[6] Suurada Alfaadir (33)

[7] Suurada Alcankabuut (64)

[8] Suurada Almu’minuun (10,11)

[9] Suurada Luqmaan (8)

[10] Suurada Aldukhaan (51)

[11] Suurada Alwaaqica (54,55)