Magaalada la dhaho  Pompeii ee wadanka Italy, ayaa caasiday Ilaahay (swt), waxayna lasoo banbaxeen faaxishada iyo xumaanta, ayagoo sawiradii xumaanta ku sawiray gidaarada guryahoda, kadibna waxa halaagay Ilaahay (swt) mudo laga joogo kudhowaad laba kun oo sanadood. Arrintaasina waxay noqotay wax ay ku cibro qaataan dadkii ka danbeeyey iyo mucjido ku tusaysa awooda Ilaahay (swt).

Arrinta yaabka leh ayaa ah in magaaladaasi ay muujisatay xumaanta si caadiya, kolkaasaa si lamafilaan ah Ilaahay keenay roob dhagxaan ah oo ka yimid qarax fulkaano oo ka dhacay buur u dhoweyd, dabadeedna si dhakhso ah ayaa qiiqii fulkaanuhu u qarqiyey magaaladii oo dhan, waxayna dadkii awoodi kariwaayeen inay iska dhaqaajiyaan goobtii ay joogeen, dabadeedna halkoodii ayey ku qalaleen aygoo dhagxaan ah.

Dadkii qalalay waxa wajigooda kasii muuqata ilaa hada dhibkii iyo xanuunkii ay dareemeen kolkii ay ku habsatay fulkaanahaasi, sidoo kalena waxaan si fudud u arki karnaa qof kasta wixii uu qabanayey markuu sii dhimanayey.. xitaa dadka qaar ayaa ku gudo jiray faaxishadii iyo xumaantii.

Dadkii waxay u muuqdaan in la nasakhay oo ay isu badaleen dhagxaan, sida Ilaahay ku sheeegay Quraankiisa in haduu Allah doono uu nasakhi karo dadka xumaanta la yimaada, Ilaahaybaan ka magan galaynaaye. Wxuu Allah leeyahay:

وَلَوْ نَشَاءُ لَمَسَخْنَاهُمْ عَلَىٰ مَكَانَتِهِمْ فَمَا اسْتَطَاعُوا مُضِيًّا وَلَا يَرْجِعُونَ ﴿٦٧

“Hadaan doono waan ku doorinaynaa halkooda  mana karayaan hore usocosh iyo soo noqosho toona” {Yasin:67}

Doorinta waxa looga jeedaa in laga dhigo gabigoodaba dhagxaan, wuxuu Ibnu Cabaas dhahay: “waa halaagid” ayagoo halkooda jooga.

SubxaanAllah, markaan fiirino sawirada iyo muuqaalada magaaladaasna waxaynu arkaynaa dadkii oo dhagxa noqday, oo xitaa awoodi kari waayey inuu booskii uu fadhiyey, jiifay, taagnaa uu ka dhaqaaqo. Wuxuu Allah leeyahay (swt):

أَأَمِنتُم مَّن فِي السَّمَاءِ أَن يَخْسِفَ بِكُمُ الْأَرْضَ فَإِذَا هِيَ تَمُورُ ﴿١٦ أَمْ أَمِنتُم مَّن فِي السَّمَاءِ أَن يُرْسِلَ عَلَيْكُمْ حَاصِبًا ۖ فَسَتَعْلَمُونَ كَيْفَ نَذِيرِ ﴿١٧

“Miyaad ka aamin noqoteen Allaha Sareaya inuu Dhulka idin la gooyo, ayna idinla dhaqdhaqaaqdo. Miyaadse ka aamin noqoteen Allaha Sare inuu Dhagaxyo Naar ah idinku soo daadiyo, waad ogaan doontaan digiinta Allah Cidhibteeda.!”

Ilaahayow cadaabkaaga iyo cadhadaada ayaan kaa magan galnay, Ilaahayoow nagu hanuuni jidka toosan. aamiin


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: Kaheel7