Abujahal wuxuu ahaa fircoonkii Umada nabi Muxamed (scw), wuxuuna ahaa ninkii ugu colnimada iyo cadaawada badnaa Islaamka, wuxuuna ahaa ninkii ka danbeeyey qorshihii lagu shirqoolayey iskudaygii fashilmay ee la rabay in lagu khaarijiyo nabi Muxamed (scw). Abujaha isaga oo qooqsan oo kibir sanka taagaya ayuu yimid ceelkii Badar. Maadaama Abujahal ahaa nin kamida madaxda ugu sareysa ee reer Qureesheed waxa kaligii ilaalinayey oo ku hareeraysnaa ciidamo fara badan.

Kolkii dagaalkii qadhaadhaaday ayaa Cabdiraxmaan ibnu Cawf oo goobta dagaalka taagan, waxa u ymid laba wiil oo dhalinyaro ahaa, waxayna ka istaagee dhanka midig iyo dhanka bidix, ayagoo midkoodba kan kale ka qarsanayo warka, Wuxuu Cabdiraxmaan dhahay: Kii koowaad ayaa ila faqay isagoo hadalka dhagta ii saaraya, wuxuuna igu dhahy: Adeer ma taqaana Abujahal? Kii kalena wuxuu isaguna igula faqay isla su’aal taas lamid ah oo isaguna wuxuu idhahay: Adeer ma taqaana Abujahal?

Cabdiraxmaan wuxuu dhahay: Markii hore waxaan is lahaa hareerta waxa kaa xiga dhalinyaro da’doodu yartahay oo aan khibrad dagaal lahaayn, balse markii ay iwaydiiyeen Abujahal ayaan yaqiinsaday in rag rag ahi garbaha iga xigaan.

Waxaan ku idhi ayuu dhahay: Oo maxaad Abujahal ku falaysaan? Waxay labadii wiil dhaheen: Waxaan maqalnay inuu nabiga Ilaahay (scw) ku dhibi jiray magaalada Makkah, maantana kaas ka tagi mayno illamaa midkaayago la waayo!!

Wuxuu dhahay Cabdiraxmaan: Waan fiiriyey waxaanan arkay Abujahal oo dadka sidaas u dhex wareegaya! (Waxaana Abujahal ilaalinayey warmo lamoodo kayn iyo seefo lamoodo gidaarka guriga) waxaana ku dhahay: waa kaas ninka aad raadinaysaan!!

Wuxuu dhahay Cabdiraxmaan: Waxay labadii dhalinyaro u duuleen sida waran la tuuray, waxayna isku dhex rideen ciidankii ilaalinayey Abujahal wayna kaga takhaluseen Abujahal.

Dabcan labad wiil waxay ahaayee walaalo xaga hooyada ah waana Mucaad ibnu Camru ibnu Aljamuux iyo Mucawad ibnu Cafraa, wuxuuna Mucaad ibnu Camruu dhahay: “Markaan arkay Abujahal ayaan seef kaga dhuftay lugta, waxayna lugtii ubooday sida laf timireed lagu dhuftay dhagax oo kale, kadibna Mucawad ibnu Cafraa ayaa kaga sii takhalusay”

Ninkii Abujahal kolkuu dhacay ayaa wiilkiisii Cikrama ibnu Abujahal ayaa weerar ku qaaday Mucaad ibnu Camru ibnu Jamux wuxuuna seef kaga dhuftay garabka, waxaana go’day gacantiisii, kadibna gacantii waxa harageedii ka lulmay jidhkiisa. Wuxuu dhahay Mucaad: Maalintii oo dhan sidaas ayaan ku dagaalamayey ayadoo gacantaydu iga lulmato, kadibna markii ay igu cuslaatay ayaan gacntii dhulka dhigay waanan ku istaagay, sidaasbayna ku go’day, subxaanAllah.

Labadii wiil ee dilay Abujahal ayaa uyimid Rasuulka (scw) waxayna dhahee mid kastaba: Rasuulkii Ilaahayow anigaa dilay Abujahal! Wuxuu Rasuulku dhahay: Miyaad dhaqdeen seefihiina? waxay dhaheen: Maya, wuxuu dhahay: Itusa, wayna tuseen ayagoo dhiig leh kolkaasuu yidhi: labadiinuba waad wada disheen.

Dagaalkii Badar markuu dhamaaday ayaa Rasuulku wuxuu dhahay yaa warkiisa ii keenaya ninkii Abujahal? Cabdilaahi ibnu Mascuud ayaa dhahay anigaa keenaya warkiisa, kadibna wuxuu u tagay ninkii Abujahal oo daqiiqadihii ugu danbeeyey noloshiisa sii neefsanaya, markaasuu qabtay gadhkiisii wuxuuna ku dhahay: Ma ku hoojiyey Ilaahay cadawgii Ilaahayow? wuxuu Abujahal dhahay: Miyaanan ahayn nin ay reerkiisu dileen un? wuxuu dhahay Abujahal: yey guushii raacday? wuxuu ibnu Mascuud dhahay: Cadawgii Ilaahayow, waxay raacday guushii Ilaahay iyo Rasuulkiisa.

Dabadeedna ibnu Mascuud wuxuu kaga istaagay calooshii Abujahal oo aad u waynayd wuxuuna ka gooyey madixiisi, wuxuuna ku tuuray Rasuulka scw dhinaciisa!! Markaasuu Rasuulku dhahay: Ilaahbaan kugu dhaaryee ma Abujahalbaa? Kani waa Fircoonkii Umadan!! Sidaas ayaa cadawgii Ilaahay ee Abujahal masiirkiisii noqday, waana cidhibdanbeedka cid kasta oo daalimiina oo dadka ku xadgudba.


Xigasho:

  1. Saxiix Albukhaari, kitaab Almaqaasi, baab qatli Abujahal
  2. Saxiix Albukhaari, kitaab Fardi Alkhams, 
  3. Siyar aclaam alnubalaa, mucaad ibnu camru ibnu ALjamuux