Tusmo

Maxaad ka ogthay hogaamiyihii muslimka ahaa ee reer Brazil.

Inatynaan hogaamiyahaas kawaramin aynu wax katilmaamno guumaystihii reer galbeed ee guumaystay qaaradaha Mareynka Waqooyi iyo Mareyknka Koonfureed.

Dawladihii reer galbeedka ayaa kala qaybsaday labada qaaradood ee Mareykanka, qaarada waqooyiga Mareykanka waxa guumaystay dalalka Ingiriiska iyo Faransiiska ayagoo waliba deegaana ka yeeshay, halka qaarada Koonfurta Mareykanka ama Latin America ay ka guumaysteen dalalka Spain iyo Portugal.

Labadan dal oo ka faa’idaystay hantidii dawladii muslimka ahayd ee Andalus ayaa durbadii  bilaabay damacoodii guumaysi. Dalka Potuqiisku  wuxuu gacanta ku dhigay wadankii ugu qanisanaa ee Brazil, halka Spanishkuna uu ka qaatay dhamaan intii soo hadhay.

Guumaystihii Portuqiiska ujeedadiisu waxay ahayd inuu dhaco oo bililiqaysto hantida dadkii asal ahaan daganaa dhulka Brazil, hadaba si hantidaas loogu raro meeshii ay ka yimaadeen, waxay u baahdeen dad adoomo ah oo u shaqeeye.

Kadibna waxay weerareen xeebaha galbeed ee qaarada Afrika, ayagoo si xooga ku qaaday dadyow gaadhayaa ku dhowaad  hal milyan oo ahaa muslimiinta dalalka galbeedka Afirkaanka. Dadkaasna waxa lagu guray dabaqyada hoose ee doomaha ama maraakiibtii lagu rarayey.

Ugu danbeyn intii kaosoo badbaaday safarkaas naxariis darrada ahaa waxa yimaadee wadanka Brazil ayagoo noqday adoomo u adeega guumaystaha reer galbeed.

Hadaba dadyowgii muslimka ahaa ayaa is urursaday oo bilaabay inay Brazil ka yagleelaan dawlad Islaamiya, arrintaasna waxa ka qaybqaadanayey wadaadii iyo culumadii oo dadka gaadhsiinayey farriinta Islaamka ee xaqiiqada ah. Dawladaas waxa boqor u ahaa nin madow oo muslim ahaa lana odhan jiray Zumbi.

Markii dawladaasi ay fiday oo ay qabsatay dhul badan ayaa guumaystihii Portuqiisku soo weeraray, hase ahaatee way iska dhiciyeen oo iskana caabiyeen weerarkaasi, waxayna dawladaasi dhisnayd sida la sheegayi mudo gaadhays 50 sanadood.

Ugu danbayna guumaystihii Poruqiiska ayaa weerar soo qaaday isagoo adeegsanaya madaafiicdii ugu danbeysay iyo aalado kale oo casriya, waxayna jabiyeen ciidankii boqor Zumbi. Goobtaasna waxa lagu dilay boqor Zumi ayagoo madaxana ka jaray iyo waliba xubinkiisii taranka, si loo baqo galiyo cidii isku dayda inay bilowdo kacdoon xorriyad doon.

Dabcan maanta dadyow badan oo asal ahaan kasoo jeeda qaarada Afrika ayaa ku nool wadanka Brazil, kuwaas oo aabayaashood lagu kiristaanaysiiyey seef iyo awood. Hadana ayadoo ay sidaas tahay waxa wali dadkaasi ay sii haystaan dhaqankii iyo caadooyinkii awoowyaashood oo ahaa Muslimiin.

Ugu danbeyn dalka Brazil ayaa u aqoonsaday in boqor Zumbi ahaa nin u dagaalamay xorriyada, waxayna ka dhigeen maalintii uu dhintay oo ah 20 February midkamid ah maalmaha fasaxa ah ee dalka Brazil.


Xigasho:

Islamstory