1) Nabigu maalintii uu dhintay waxa islaamka kusoo hadhay sadex magaalo, waa Madiina, Makkah iyo Daa’if. Hse ahatee  hadana nabigu wuxuu ku bishaareeyey inay muslimiintu furanayaan dhamaan Jaziirada Carbeed. Wuxuuna dhahay nabigu scw:

«تغزون جزيرة العرب فيفتحها الله، ثم فارس فيفتحها الله ثم تغزون الروم فيفتحها الله، ثم تغزون الدجال فيفتحه الله»

<<Waxaad ku duulaysaan Jaziirada carbeed waxaana idiin furaya Allah, markaasna waxaad ku duulaysaan Faaris waxaana furaya Allah, markaasna waxaad ku duulaysaan Roomaanka waxaana furaya Allah, markaasna waxaad ku duulaysaan Dajaal waxaana furaya Allah>> [Muslim]

Waxay xaqiiqowday furashadaasi xilligii khaliifkii 1 aad ee muslimiinta Abubakar alsidiiq sanadkii 11 aad ee hijrada, isagoo adeegsanaya hogaamiyayaashii ciidanka muslimiinta Khaalid ibnu Waliid, Camru ibnu Alcaas iyo Cikrmah ibnu Abujahal, waxayna Jaziiradu kusoo laabatay islaamka mudo yar gudaheed, waxaana xaqiiqo noqday xadiiskii Rasuulka (scw).

 

2) Nabigu waxa kale oo uu ku bishaareeyey in muslimiintu furanayaan dhulka Faaris ee Ciraaq iyo Iiraan, wuxuuna yidhi;

<<لئن طالت بك حياة لتفتحن كنوز كسرى قلت: كسرى بن هرمز؟ قال: كسرى بن هرمز.>>

<< hadii cimrigaagu dheeraado (Cadiyoow) waxa la furanayaa kansiyada Kisra, waxaan idhi; ma Kisra ibnu Hurmuz? wuxuu yidhi; Kisra ibnu Hurmuz.>> Bukhaari.

Bishaaradanina waxay xaqiiqowday markii muslimiintu furteen dhulka Faaris, ayagoo guushaas ay ukala danbeeyeen Abubakr iyo Cumar, ayagoo adeegsaday seeftii Ilaahay ee galka la’ayd Khaalid ibnu Waliid iyo Sacad ibnu abu Waqaas oo ahaa saxaabigii gacantiisa ku furtay qasrigii Kisra ibnu Hurmuz.

 

3) Nabigu waxa kale oo uu ku bishaareeyey in muslimiintu furanayaan dhulka Shaam, wuxuuna dhahay nabigu (scw):

 [ثم تغزون الروم فيفتحها الله،]

[…فَقَالَ: “اللَّهُ أَكْبَرُ، أُعْطِيتُ مَفَاتِيحَ الشَّامِ، وَاللَّهِ إِنِّي لأَنْظُرُ قُصُورَهَا الْحُمْرَ..]

Markaasna waxaad ku duulaysaan Roomaanka waxaana furaya Allah [Muslim]

Wuxuu yidhi Rasuulku; Ilaahbaa wayn, waxa laysiiyey furayaashii Shaam, ilaahbaan ku dhaartee waxaan arkaa qasriyadeediid casaa.. [موسوعة الحديث؛ غريب الحديث للحربي » الحديث التاسع » الباب الثالث من الفضائل].

Bishaaradanina waxay suurto gashay sanadkii 13 aad ee hijrada kadib markii Khaliifkii Cumar ibnu Khadaab duulaan ku qaaday dhulka Shaam, isagoo adeegsanaya madaxdii ciidamada muslimiinta Abucubayda ibnu Aljarraax, Khaalid ibnu Waliid iyo Yaziiz ibnu Abusufyaan. Waxayna furteen magaalada Dimishiq ee Suuriya iyo dhulka barakaysan ee Falasdiin.

4) Nabigu waxa kale oo ku bishaareeyey in muslimiintu ay furandoonaan wadanka Masar, wuxuuna yidhi:

قال صلى الله عليه وسلم: ((إنكم ستفتحون مصر .. فإذا فتحتموها فأحسنوا إلى أهلها؛ فإن لهم ذِمة ورحِماً))، في رواية لابن حبان: (( فاستوصوا بهم خيرًا، فإنهم قوة لكم، وبلاغ إلى عدوكم بإذن الله)).

Wuxuu yidhi nabigu; “Idinku waxaad furanaysaan Masar.. hadaad furataan hagaajiya la dhaqanka ehelkeeda maxaayeelay waxay leeyihiin waxay leeyihihiin xaqnimo iyo rixim” riwaada kale waxay leedahay “u dardaarma ayaga khayr, maxaa yeelay waxay idiin tahay awood iyo gaadhsiinta cadawgiina idinka Ilaahay”

Bishaaradanina waxay suurto gashay markuu Camru ibnu Alcaas uu galay dhulka Masar kuna soo daray xukunka islaamka.

5) Nabigu waxa kale oo ku bishaareeyey in muslimiintu ay furandoonaan wadanka Yaman, wuxuuna dhahay:

قال صلى الله عليه وسلم: (( تُفتَح اليمن فيأتي قوم يُبِسُّون[19] فيتحملون بأهلهم ومن أطاعهم، والمدينة خير لهم لو كانوا يعلمون،..))

Wuxuu dhahay nabigu; “Waxa la furanayaa Yaman, waxaana imanay qoom (kordhinaya uguna yeedhaya dadka inay dagaan) waxayna kaxaysanayaan ehelkooda iyo cidii adeecdaba, hase ahaatee Madiina ayaa uga khayr roon haday ogyihiin..”

Yamana waxa la furtay xilligii nabigugaba uu noolaa kadib markuu islaamay xaakimkoodii Baadaan sidoo kale waxa sifiican usii furtay khalifkii Abubakar Alsidiiq.

6) Nabigu waxa kale oo uu ku bishaareeyey in dadka dagan dhulka Soomaalidu ay islaamayaan, wuxuuna dhahay:

((ثم ضربت الثالثة فرفعت لي مدائن الحبشة وما حولها من القرى حتى رأيتها بعيني دعوا الحبشة ما ودعوكم، واتركوا الترك ما تركوكم))

(Waxaan ku dhuftay tii sadexaad waxa sare laygu qaaday magaalooyinkii Xabashida iyo hareerahoodaba wixii magaalo ah illamaayo aan ku arkay indhahayga, xabashida ka taga intay idinka tagayaan, kana taga Turkida intay idin daynayaan) [isaa’i (3176) iyo Abudaawuud (4302), waxaana taxsiiniyey Albaani]

Xadiiskanina wuxuu daliil uyahay in dhulka Xabashida iyo wadamada hareerahooda ahba sida (Somaliya, Jabuuti, Eritiriya) ay islaamayaan, walibana nabigu wuxuu raaciyey inay ka tagaan muslimiintu xabashida oo looga jeedo dadkii daganaa geeska Afrika [maaha oo kaliya dalka Itoobiya ee waa dhamaan dadka dagan bariga Afrika] intay idinka tagayaan, taas oo macnihiisu tahay in wadamadaas ay ku islaamayaan iskood oo aanay u baahnayn in la furto, wayna dhacday arrintaasi.

7) Nabigu waxa kale oo ku bishaareeyey in muslimiintu ay furandoonaan Istanbuul magaaladii caasimada Roomaanka; wuxuuna dhahay nabigu:

لتفتحن القسطنطينية فلنعم الأمير أميرها ولنعم الجيش ذلك الجيش 

Waa la furanayaa Istanbuul, waxaana nicmo badan amiirkeeda, waxaana nicmo badan ciidankeeda.

Dabcan xadiiskani wuxuu kamid ahaa xadiisyada aadka caanka u ah in la furanaya caasimada roomaanka gaar ahaan kuwa biisandiiniyiinta oo ahayd magaalada Istanbuul, waxaana isku dayey inay furtaan saxaabo badan oo uu kamid ahaa Abu ayuub al-ansaari oo ku dhintay goobtaas laguna aasay gidaarada Istanbuul. Guushaasi waxay suurtogashay sanadkii 857 kii hijrada, ayadoo laga joogay 846 sanadood geeridii nabiga, waxaana furtay sulaadankii Cusmaaniyiinta ee Muxamed ibnu Muraad althaani oo ku magac dheer muxamed alfaatix.

8) Nabigu waxa kale oo uuku bishaareeyey in la furan doono Rooma caasimada Talyaaniga, wuxuna dhahay:

قال كنا عند عبد الله بن عمرو بن العاصي وسئل أي المدينتين تفتح أولا القسطنطينية أو رومية فدعا عبد الله بصندوق له حلق قال فأخرج منه كتابا قال فقال عبد الله بينما نحن حول رسول الله صلى الله عليه وسلم نكتب إذ سئل رسول الله صلى الله عليه وسلم أي المدينتين تفتح أولا قسطنطينية أو رومية فقال رسول الله صلى الله عليه وسلم مدينة هرقل تفتح أولا يعني قسطنطينية

Wuxuu yidhi; anakoo ag joogna cabdilaahi ibnu Camru ibnu Alcaas ayaa la waydiiyey labada magaalo keeba la hor furanayaa Qusdandiiniya mise Roomiya, wuxuu Cabdilaahi soo qaaday sanduuq kana soo saaray warqad wuxuuna dhahay; anagoo nabiga hareertiisa ah oo wax qorayna ayaa la waydiiyey rasuulkii ilaahay (scw) labada magaalo keebaa la hor furanayaa Qusdandiiniya mise Roomiya wuxuu dhahay Rasuulku: magaalada Hiraqal ayaa la hor furanayaa, wuxuu u jeedaa Qusdandiiniya (Istanbuul).

Xadiiskaasina wuxuu cadaynayaa in labadaas magaalo la hor furanayo Istanbuu, waana la furtay Istanbuul oo waxa hadhay Rooma oo ah caasimada Talyaaniga ee ay gaalada Kaatooligu xarunta ka yeesheen.

9) Nabigu waxa kale oo uu sheegay in Yahuudu ay kusoo duuli doonaan muslimiinta ayna ka qabsan doonaan dhulka barakaysan ee Falasdiin hase ahaatee ay muslimiintu ka gacan sarayn doonaan Yahuuda oo xitaa dhagxaanta iyo dhirtuba ay kashifayso Yahuuda ku dhex dhuumanaya. Dhanka kale Ilaahay ayaa tilmaamay in Yahuudu ay ku qooqayso Aduunka laba jeer wuxuuna yidhi:

وَقَضَيْنَا إِلَىٰ بَنِي إِسْرَائِيلَ فِي الْكِتَابِ لَتُفْسِدُنَّ فِي الْأَرْضِ مَرَّتَيْنِ وَلَتَعْلُنَّ عُلُوًّا كَبِيرًا ﴿٤ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ أُولَاهُمَا بَعَثْنَا عَلَيْكُمْ عِبَادًا لَّنَا أُولِي بَأْسٍ شَدِيدٍ فَجَاسُوا خِلَالَ الدِّيَارِ ۚوَكَانَ وَعْدًا مَّفْعُولًا ﴿٥ ثُمَّ رَدَدْنَا لَكُمُ الْكَرَّةَ عَلَيْهِمْ وَأَمْدَدْنَاكُم بِأَمْوَالٍ وَبَنِينَ وَجَعَلْنَاكُمْ أَكْثَرَ نَفِيرًا ﴿٦ إِنْ أَحْسَنتُمْ أَحْسَنتُمْ لِأَنفُسِكُمْ ۖ وَإِنْ أَسَأْتُمْ فَلَهَا ۚ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ الْآخِرَةِ لِيَسُوءُوا وُجُوهَكُمْ وَلِيَدْخُلُوا الْمَسْجِدَ كَمَا دَخَلُوهُ أَوَّلَ مَرَّةٍ وَلِيُتَبِّرُوا مَا عَلَوْا تَتْبِيرًا ﴿٧﴾ عَسَىٰ رَبُّكُمْ أَن يَرْحَمَكُمْ ۚ وَإِنْ عُدتُّمْ عُدْنَا ۘ وَجَعَلْنَا جَهَنَّمَ لِلْكَافِرِينَ حَصِيرًا ﴿٨

وَقُلْنَا مِن بَعْدِهِ لِبَنِي إِسْرَائِيلَ اسْكُنُوا الْأَرْضَ فَإِذَا جَاءَ وَعْدُ الْآخِرَةِ جِئْنَا بِكُمْ لَفِيفًا ﴿١٠٤﴾ وَبِالْحَقِّ أَنزَلْنَاهُ وَبِالْحَقِّ نَزَلَ ۗ وَمَا أَرْسَلْنَاكَ إِلَّا مُبَشِّرًا وَنَذِيرًا﴿١٠٥

Waxa kale oo uu nabigu dhahay isagoo ka warramaya Yahuuda in la gumaadayo sidan:

عن أبي هريرة أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال لا تقوم الساعة حتى يقاتل المسلمون اليهود فيقتلهم المسلمون حتى يختبئ اليهودي من وراء الحجر والشجر فيقول الحجر أو الشجر يا مسلم يا عبد الله هذا يهودي خلفي فتعال فاقتله إلا الغرقد فإنه من شجر اليهود

10) Nabiguna wuxuu si guud u sheegay in Islaamku uu gaadhi doona oo ay qabsan doonaan dhamaan Aduunka oo dhan:

عَنْ تَمِيمٍ الدَّارِيِّ ، قَالَ : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ ، يَقُولُ : ” لَيَبْلُغَنَّ هَذَا الْأَمْرُ مَا بَلَغَ اللَّيْلُ وَالنَّهَارُ ، وَلَا يَتْرُكُ اللَّهُ بَيْتَ مَدَرٍ وَلَا وَبَرٍ إِلَّا أَدْخَلَهُ اللَّهُ هَذَا الدِّينَ ، بِعِزِّ عَزِيزٍ ، أَوْ بِذُلِّ ذَلِيلٍ ، عِزًّا يُعِزُّ اللَّهُ بِهِ الْإِسْلَامَ ، وَذُلًّا يُذِلُّ اللَّهُ بِهِ الْكُفْرَ