Bismillah, magaca Ilaahay ayaan ku bilaabaynaa, Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo naxariis gaar ah. Mahaduna waxay u sugnaatay Allah, waxaan kale oon ku sallinaynaa Xabiibka Muxamed (N.N.K.H) isaga, ehelkiisii, saxaabadiisii iyo dhamaan Muslimiinta raacday jidkiisii.

Ma ogtahay Walaalka Islaamka ahow inuu Nabigii Ilaahay habaaray dadka qaar galabsaday in la habaaro kadibna habaarkii uu ku dhacay. Waxa kamid ah:-

  1. Nabigu wuxuu habaaray gaaladii waaweynayd ee reer Qureesh, kadib markii ay dhabarka ka saareen isagoo sujuudsan mandheer halaad wuxuuna yidhi sadex jeer (اللهم عليك بقريش) kadibna wuxuu magacaabay gaaladii waaweynayd isagoo habaaraya wuxuuna yidhi;

اللهم عليك بأبي جهلِ بن هشام، وعتبةَ بنِ ربيعةَ، وشيبةَ بنِ ربيعةَ، والوليدِ بن عتبةَ، وأميةَ بنِ خلفٍ، وعقبةَ بنِ أبي مُعَيط

Ilaahayoow qabo Abujahal ibnu Hishaam, Cutba ibnu Rabiica, Shayba ibnu Rabiica, Waliid ibnu Rabiica, Umaya ibnu Khalaf, Cuqba ibnu Maciid.

Ibnu Mascuud wuxuu yidhi; dhamaan ragaas uu Nabigu magacaabay waxay ku bakhtiyeen Dagaalkii Badar, oo laguna tuuray ”Qaliibkii” Ceelkii Jimeedkii.

  1. Habaarqabe Cutayba ibnu Abulahab oo ahaa Nabiga adeerkii ayaa loo guuriyey Umukalthuum bintu Muxamed kadibna aabihii iyo hooyadii ayuu u dhag dhaadhiciyey gaalnimadoodii kadibna intuu Nabiga u yimid ayuu candhuuf ku tufay isagoo waan ka gaaloobay ” النجم إِذا هوى” iyo ” الذي دنا فتدلى” waanan kuu furnay inantaadii, wuxuu nabigu ku dhahay; Ilaahayoow, ku sallid Ay kamid aydaada. Dabadeedna Cutayba wuxuu u safray dhuka Shaam, markaasuu maqlay codka Libaax ciyaya kadibna wuu kurbaday isagoo leh; Muxamedbaa i habaaray, libaaxaasina aniguu i doondoonayaa!! Kadibna habeenkii ayey dadkii isku hareereeyeen markaasuu libaaxii soo dhex galay oo kala dhex baxay Cutayba sidaasbaanu ku dhintay.
  2. Yusri Alashjaci ayaa hor fadhiistay Nabiga wuxuuna gacantiisa bidix ku cunay cuntadii, markaasuu Rasuulku ku dhahay; ”Gacanta Midigta ku cun” wuxuu yidhi isagii oo kibir ku jiro ”Ma awoodo” kadibna Nabigu wuxuu yidhi; ”Haba awoodin, waxa u diiday Kibir” Ninkii maalintaas dabadeed waligii gacantiisa midig sare umuusan qaadin.
  3. Nabigu wuxuu warqad u diray Boqorkii Faarisiyiinta ee Kisra, kadibna saxaabigii Cabdilaahi Ibnu Xudaafa ayaa u geeyey warqadii, markuu gaalkii Boqorka ahaa arkay in warqadu ku bilaabmayso katimid Muxamed oo ah Rasuulkii Allah kuna socota Boqorka Faarisiyiinta ayuu cadhooday oo jeexjeexay warqadii wuxuuna dhahay; sideebaa adoon kamida adoomadaydu magiciisa uga hormariyaa kayga, markii loo sheegay warkii Nabiga ayuu yidhi; Allah ka googooyo boqortooyadiisa. Mudo yar kadib geeridii Nabiga waxa lasoo gabogabeeyey Dawladii faarisiyiinta oo lahayd xadaarad Shan kun oo sanadood ah.
  4. Nabigu wuxuu soo booqday nin reer baadiye ah oo buka, waxaana caado u ahayd kolkuu booqda dadka buka inuu ku dhaho; ” لا بأسَ، طهور إن شاء الله” ”Dhib malaha, way ku daahirinaysaa” kadibna ninkiibaa dhahay; way ku daahirinaysaayaa? Maaha sidaase ee waa Xumad ku kacsan oday wayn oo gaynaysa Qubuuraha!! Wuxuu dhahay Nabigu; ” Hadaba waayahay” waa hadii aad hooyatidba waa sidaad sheegtay. Markuu galabaystayba mise waaba Mayd..

Ujeedada Habaarkan cida loola jeedo Fariidku wuu garan doqonse waayeelkii!!!