Tusmo

Qodobka Koowaad:

Wuxuu dhahay; Rasuulkii Allah (scw) xadiiskan aadka u cajiibka ah:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ إِذَا وَقَعَ الذُّبَابُ فِي إِنَاءِ أَحَدِكُمْ فَلْيَغْمِسْهُ كُلَّهُ ثُمَّ لِيَطْرَحْهُ فَإِنَّ فِي أَحَدِ جَنَاحَيْهِ شِفَاءً وَفِي الْآخَرِ دَاءً

Abuhurayra (I.R.H) waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (N.N.K.H) uu dhahay; hadii Duqsigu uu ku dhaco weelka midkiin ha quusiyo kulligiis markaasna haka soo saaro maxaa yeelay labadiisa baal mid kamid ah wuxuu ku jira dawo kan kalena cudur. [Bukhaari]

Xadiiskan Cajiibka waxa mucjisadiisa la ogaaday qarnigan aynu ku jirno, ayadoo daaha laga qaaday in Duqsigu asalkiisaba uu labadiisa baal mid kamid ah uu kuwato Germs ama Bakteeriya cudurada dhalisa halka jeenigiisa kalen uu ku wato Virus Bacteria phage kaasoo dila Bakteeriyada. SubxaanAllah, xadiiskii Nabiga ee 1400 oo sanadood kahor ayaa maanta xaqiiqadiisu ay cadaatay.

Qodobka Labaad:

Xadiis kale nabigu wuxuu ku dhahay;-

عَنْ مِقْدَامِ بْنِ مَعْدِي كَرِبَ قَالَ سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَقُولُ مَا مَلَأَ آدَمِيٌّ وِعَاءً شَرًّا مِنْ بَطْنٍ بِحَسْبِ ابْنِ آدَمَ أُكُلَاتٌ يُقِمْنَ صُلْبَهُ فَإِنْ كَانَ لَا مَحَالَةَ فَثُلُثٌ لِطَعَامِهِ وَثُلُثٌ لِشَرَابِهِ وَثُلُثٌ لِنَفَسِهِ

Miqdaam ibnu Macid karib wuxuu yidhi; waxaan maqlay Rasuulkii Allah oo leh: ma buuxiyo Aadamuhu weel ka shar badan Caloosha, waxa ku filan Aadama hudhmooyin uu ku istaajiyo adkaantiisam hadii ay lagama maarmaan tahayna sadex meelood haka dhigo cuntadiisa, sadex meeloodna cabidiisa, sadex meeloodna neefqaadashadiisa. [Tirmadi 2380]

Mucjisadan xadiiskan way badantahay, waxa Culumada ogaadeen in ay Calooshu tahay hooyada Cudurada, sidoo kalena in qaabka ugu wanaagsan ee ugu saxada fiican tahay in laysu dheeli tiro cuntada, cabdida iyo neefqaadashadaba. Xadiiskan waxa ku islamaay dad badan oo Culumo ku xeel tagtay cilmiga caafimaadka iyo culuumta nafaqada baniaadamka, waxa kamid ah Caalimka Anrea Will oo ahaa nin Yahuudiya oo u dhashay wadnkan Maraykanka.

Waxa kale oo la ogaaday in badka Caloosha bani aadamka ee caadiga ah ay dhan tahay 1500 cl, sidaas darteed markaynu u qaybino sadex qaybood 500 waxay noqonaysaa Cunto, 500 kalena waa Cabitaanka, waxaana yaab noqotay in neefqaadashada Sanbabku badkiisuna yahay 500. SubxaanAllah, yaa uga warramay Xabiibka Muxamed arrimahan cajiibka ah ee la daahfuray un xilligan aynu noolnahay.