Assalaama calykum wa raxamatu Allahi wa barakaatuhu, walaalada muslimiinta ahow kusoo dhowaada barnaamijkeenii Ma Ogtahay?

Barnaamijkeenana waxaynu kusoo qaadanaynaa Lagdankii iyo Musaaracdii xorta ahayd ee dhex martay xabiibka Muxamed iyo Rukaana. Dhanka kale musaaraco taas lamid ahna waxay dhexmartay arday kamid ah ardaydii xabiibka Muxamed (scw) iyo halgamaagii ugu haystay lagdanka caalmaka Jinka.

Balse aynu ku hor marno lagdankii nabiga scw iyo Rukaana .

Riwaayado kale duwan oo Al-imaam ibnu Kathiir kusoo arooriyey kitaabkiisa Albidaayah wa nihaayad ayaa wuxuu tilmaamayaa in lagdan xor ah uu dhex maray halgamaagii ugu haystay lagdanka caalamka carabta iyo rasuulkii Ilaahay scw.

Rukaana oo ahaa ninka ugu haysta lagdanka magaalada Makkah ayaa la kulmay nabigii Ilaahay (scw) markaasuu Rasuulku ku dhahay: ”Rukaanow maad Ilaahay ka cabsatid oo aqbashid waxaan kuugu yeedhayo?” Wuxuu yidhi Rukaana: ”Hadaan ogahay waxaad iigu yeedhayso inuu xaq yahay waan raaci lahaa” Wuxuu dhahaya Rasuulku:” Bal kawaran hadaan kula lagdamo oo aan kaa guulaysto ma rumaynaysaa? Wuxuu dhahay: Haa. Wuxuu yidhi: Kac oo ila lagan! Kadibna Rukaana ayaa istaagay waana lays galay, waxaana dhulka la dhigay Rukaana!! Rukaana wuxuu dhahay: waaba yaabe ee bal mar kale aan ku celino? Hadana mar labaad ayaa loogu celiyey lagdankii, markana waxa dhabarka dhulka loo dhigay ninkii Rukaana. Ninkii Rukaana wuxuu yidhi: Muxamadow waaba yaabe miyaad i lagdaysaaba? Bal mar sadexaadna aynu lagdano? Hadana mar sadexaad ayaa laga awood batay ninkii Rukaana ahaa.

Riwaayad kale waxay tilmaamaysaa in mar kasta oo la lagdamayey ay dhiganayeen sharad ah xoolo (waana intaan la xarrimin sharadka kahor), kadibna ninkii Rukaana wuxuu dhahay: Muxamedow, Ilaahbaan ku dhaartee waligay cid adiga kaa horeysay dhabarkayga dhulka ma dhigin, waxaanan kamid ahaa dadka kuugu necaybka badan, iminkana waxan qirayaa in Ilaah xaq  lagu caabudo aanu jirin Allah mooyee, adiguna aad tahay Rasuulkii Ilaahay (scw). Nabigun kolkuu islaamay ninkii ayuu ucelieyey xoolihiisii. [1]

Walaalada Muslimiinta ahow waxaynu aragnay mucjisdii nabiga (scw) oo dhulka dhigay sadex jeer ninkii carabta ugu haystay lagdanka, bal iminkana aynu milicsano mid kamid ardaydiisii iyo saxaabadiisii oo dhulka ku jiiday lagdamaagii ugu halisaysnaa caalamka jinka.

 

Sida Imaam Dabari kusoo saaray kitaabkii Mucjamka wayn, wuxuu ka wariyey in saxaabiga Cabdilaahi ibnu Mascuud (I.R.H) inuu yidhi: ”Nin kamid ah saxaabadii nabiga (scw) ayaa la lagdamay dhigiisa oo Jinini ahaa, waxaana awood batay ninkii Insiga ahaa, kolkaasuu Jinnigii yidhi: Mar labaad ila lagdan, markii labaadna waxa dhulka la dhigay Jinnigii, markaasuu Insigii dhahay: ” waxaan kuu arkaa mid dhuuban oo tamar yar ee ma sidaas ayaad tihidin Jinniyahow? Jinigii wuxuu dhahay: ” May ee waxaan ahay ka ugu feedho wayn, ee mar sadexaad ila lagdan hadaad ila lagdantana waxaan ku barayaa arrin ku anfacaysa, wuxuu yidh insigii Haye. Hadana mar sadexaad waxa dhulka la dhigay Jinnigii, wuxuuna yidhi Insigii: ”ii sheeg wixii aad i baraysay?” Jinigii wuxuu dhahay: ” Ma akhridaa aayada Kursida? Wuxuu yidhi: Haa, wuxuu dhahay: Markaad ku akhrido guriga waxa ka baxa Shaydaanka, mana soo galo ilamaa maalinta kale.

Hadaba Ibnu Mascuud oo xadiiska warinayey ayaa la waydiiyey: ”Aba cabdiraxmaanow waa kuma ninkaas kamidka ahaa saxaabadii Rasuulka (scw): Wuxuu dhahay ibnu Mascuud: Oo yuu noqonayaa nin aan Cumar ka ahayn (rc.). [2]

Ninkaasina wuxuu ahaa Cumar ibnu Khadaab oo dhulka ku jiiday ninkii Jinka ugu haystay xaga musaaracada iyo lagdankaba. Hana yaabin  ee Cumar ibnu Khadaab (I.R.H) wuxuu ahaa ninkii uu ku dhahay nabigu (scw): Ibnu Khadaaboow, kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, wado ma martid hadaab aad martidba oo shaydaan kaasoo horbaxo wuxuu maraa wado kale[3]


[1] Albidayah wal nihaayah, ibnu kathiir, majalada 3 aad, qisadii Rukaana iyo lagdankii nabiga

[2] Mucjam Alkabiir, Dabari, xadiiska 8826

[3] Bukhaari:3480