Waxa dhowaanahan soo baxay lacag cusub oo elektaroonik ah, waxa lacagtan loo yaqaana Bitcoin. Lacagtan cidii aasaastay waxa lagau sheegay in la dhaho Satoshi Nakamoto . Qofka magacan la dhaho lama garanayo ciduu yahay iyo meeshuu joogo, wuxuu lacagtan aasaasay sanadkii 2009 kii, kadibna wuxuu qariyey dhamaan macluumaadkii isaga ku saabsiisana.

Lacagtan Bitcoin maaha lacag la taaban karo sida Dollarka, Dirhamka, Shilinka ama Riyaalka. Lacagtani waa mid ku shaqaysa internetka oo kaliya, waana hawo ku fadhida qiimo mar sare u kacaya mar kalena hoos u dhacaya.

Cida adeegsata lacagtani waxay leeyihii boorso (Wallet) ay ugu jirto inta Bitcoin ee uu leeyahay, taasoo ay ugusoo dhacayso inta Bitcoin ee uu iibsado ama uu ka bixin karo lacagta badeecadaha uu iibsado.

Lacagta Bitcoin markii la bilaabayey qiimaheedu wuu ka yaraa hal dollar oo kaliya, balse si la yaableh ayey qiimaheedu sare ugu kacay, isagoo bilowga sanadkan 2018  ka gaadhay Sideed kun oo dollar qiimaha halka Bitcoin. Taasoo soo jiidanaysa indhaha caalamka iyo dadka danaynaya inay maalgashtaan.

Lacagtan elektarooniga ah waxay leedahay faa’idooyin iyo khasaarooyin wax ku ool ah, kuwaasoo shaki galinaya mustabalka lacagtan:

Tusmo

Faaidooyinka Bitcoin:

Dadka isticmaala lacagta Bitcoin waxay tilmaamayaan in lacagtani leedahay faa’idooyinka hoos ku qoran:

  • Lacagta Bitcoin waxa laga adeegsan karaa meelo kala duwan oo aduunka.
  • Lacagta Bitcoin markaad wax ku iibsanayso uma baahnid inaad lacagtaada sarifto ee si toosa ayaad ugu gadanaysaa badeecada aad rabto.
  • Lacagta Bitcoin uma baahna inaad ku xawisho xawaaladaha, ee adiga iyo qofka aad wax kala iibsanaysaan ayaa isu diraya bushqad ay ku diiwaangashantahay xuruuf iyo lanbarada qiimaha aad u idrayso qofka kale.
  • Lacagta Bitcoin inta badan malaha cashuur ay dawaladu kaa qaadayso markaad cid kale u wareejinayso.
  • Qiimaha Bitcoin oo sare u kacaya, taasoo ka dhigan hadii aad maanta ku iibsato hal Bitcoin lacag dhan 8000 oo dollar, waxa dhici karta in qiimihii sare u kaco ilaa 15000 oo dollar, kadibna qofkii uu ka faa’ido karo qiimahaas sare u kacay.

Khasaaraha Bitcoin:

Bitcoin maaha lacag la isku hallaynkaro ama lagu kalsoonaan karo, sababahan hoos ku qoran darteed:

  • Bitcoin malaha xarun loogu hagaago, manajirto cid ku caawinaysa ama wax kaala qabanaysa cabashada aad qabto.
  • Bitcoin cidii aasaastay lama garanayo, oo waa dad qarsoon.
  • Bitcoin waxa qiimaheeda sare u qaada waa dadka isticmaala iyo dawladaha hadba u aqoonsada inay tahay lacag la adeegsankaro.
  • Bitcoin qiimaheeda la iskuma hallayn karo, oo si xun ayuu hoos ugu dhacayaa sidii hada kahorba dhacday.
  • Hadii passwordka bushqadaadu aad waydo, sidaas ayaad ku khasaaraysaa dhamaan wixii kuugu jiray.
  • Lacagta Bitcoin nolosheedu waa internet iyo computer, hadii budhcada Kombiyuuradu jabsadaan akoonkaaga, sidaas ayaad ku waayeysaa lacagtaadii.
  • Bitcoin lama garanayo inay xalaal tahay iyo inay xaaraan tahay, ilaa hadda majirto culumada Islaamku fatwo ay kasoo saareen, sidoo kale jaamicadaha Islaamku wali cilmi baadhis la sheegi karo maysoo saarin.