Tusmo

Laba Aayadood oo ka hortagay sharka Shayaadiinta Jinka iyo Insigaba

Waynida iyo Fadliga ay leeyihiin labada aayadood ee ugu danbeeya suurada Al-baqarah:

  1. Cidii akhrida habeenkii labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah way ku filantahay.

فروى البخاري (4008) ، ومسلم (807) عَنْ أَبِي مَسْعُودٍ البَدْرِيِّ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُ ، قَالَ : قَالَ رَسُولُ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ : ( الآيَتَانِ مِنْ آخِرِ سُورَةِ البَقَرَةِ ، مَنْ قَرَأَهُمَا فِي لَيْلَةٍ كَفَتَاهُ ) .

Waxa Bukhaari (4008) iyo Muslim (807) soo saareen in Abu Mascuudkii Badariga ahaa Ilaahay haka raali ahaadee laga wariyey inuu dhahay: Rasuulkii Ilaahay (scw) ayaa yidhi: ”Labadan aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah, cidii akhrida habeen way ku filanyihiin”

 

Waxa Imaamu Nawawi dhahay isagoo sharraxaya xadiiska: ”Waxay kaga filanyihiin salaada habeenkii, waxa kale oo la dhahay: waxay kaga filanyihiin Shaydaanka, sidoo kale waxay kaga filanyihiin aafooyinka (musiibooyinka ama shararka)”

  1. Labadan aayadood waxay kamid yihiin labadii nuur ee Ilaahay siiyey nabi Muxamed iyo Umadiisa:

Waxa Muslim saxiixiisa kusoo saaray (806) in Ibnu Cabbaas dhahay: ”Ayadoo malaku Jibriil fadhiyo Rasuulka agtiisa ayuu dushiisa ka maqlay cod albaab furmaya, markaasuu madixiisa sare u qaaday, wuxuuna dhahay: kaasi waa albaab samada ku yaala oo la furay maanta, lamana furin hadda kahor, waxaana soo dagay malak. Wuxuuna dhahay: kaasi waa malak aan maanta kahor soo dagin, waanu salaamay wuxuuna yidhi: ku bishaarayso laba nuur oo lagu siiyey, kuwaasoo aan la siinin cid adiga kaa horeysay, waa suurada Faatixa iyo aayadaha u danbeeya suurada Al-baqarah..”

  1. Labadan aayadood ee u danbeeya Suurada Al-baqarah waxay kamid ahaayeen sadexdii hadyadood ee Ilaahay siiyey nabigeena (scw) habeenkii la dheelmiyey. Sida xadiiska saxiixu mulimka kusoo arooray [1]tilmaamayo, waxa la siiyey habeenkaas nabiga (scw) sadex hadyadood oo qaaliya:
  • Shanta salaadood.
  • Labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah.
  • In loo danbi dhaafayo umadda nabi Muxamed (scw) cidii aan Ilaahay shirki ula imanin.

 

  1. Waxa kale oo nabigeena laga wariyey sida uu tilmaamayo xadiiska Imaamu Axmed kusoo saaray musnadkiisa inuu dhahay: ” Akhriya labada aayadood ee u danbeeya suurada Al-baqarah, sababto ah waxa la iigasoo hadyadeeye Carshiga hoostiisa” [2]

[1] Saxiixu Muslim, kitaabka iimaanka, baabka sidratul muntahayaa (173 )

[2] Axmed, munadka shaamiyiinta, xadiiska cuqbah ibnu caamir al-jumami (16873 ), Ibnu Kathiir wuxuu dhahay: Isnaadkiisu wuu fiicanyahay.