Tusmo

Halista Xanta

Xantu waa inaad walaalkaa ka sheegto wax uu necebyahay, waxayna bulshada ku keentaa dhibaatooyin waaweyn oo la taabankaro. Waxaad qiyaastaa xantu imisa guri oo Muslima ayey burburisay, imisa dagaal ayey sababtay, imisa nooc oo dulmi ah ayey aabo u tahay. Dabcan waxa dhib dhex taala bani aadamku waxay ka bilaabantaa afka, kadibna waxay u gudubtaa gacan ka hadal ama dagaalo iyo fasahaad.

Dhibaatada Xanta

Xanta halista ay leedahay waxa la inoogu sheegay Quraanka Kariimka ah, iyo sunnada nabiga (scw), wuxuu Ilaahay dhahay:

وَلَا يَغْتَب بَّعْضُكُم بَعْضًا ۚ أَيُحِبُّ أَحَدُكُمْ أَن يَأْكُلَ لَحْمَ أَخِيهِ مَيْتًا فَكَرِهْتُمُوهُ ۚ

Yaan badhkiin badhka kale xamanin, midkiin ma jecelyahay inuu cuno hilibka walaalkii oo mayd ah ood karaahiyeysataan” [Suuratu Xujuraat:12]

Sidoo kale nabigii Ilaahay (scw) oo qeexaya xantu waxay tahayna wuxuu dhahay:

عَنْ أَبِي هُرَيْرَةَ أَنَّ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ قَالَ أَتَدْرُونَ مَا الْغِيبَةُ قَالُوا اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ قَالَ ذِكْرُكَ أَخَاكَ بِمَا يَكْرَهُ قِيلَ أَفَرَأَيْتَ إِنْ كَانَ فِي أَخِي مَا أَقُولُ قَالَ إِنْ كَانَ فِيهِ مَا تَقُولُ فَقَدْ اغْتَبْتَهُ وَإِنْ لَمْ يَكُنْ فِيهِ فَقَدْ بَهَتَّهُ

Abuhurayra waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) dhahay: ”Ma taqaanan Xantu waxay tahay?” Waxay dhaheen: Ilaahay iyo Rasuulkiisa og, wuxuu yidhi: ”Waa walaalkaa ood ka sheegto wuxuu necebyahay” waxa la yidhi: Ka waran hadii walaalkay ku sifeysanyahay waxaan leeyahay? Wuxuu yidhi: ” Haduu ku sifeysanyahay waxaad leedahay waad xamatay, hadii kalena waad ka been abuuratay” [Muslim:2589]

Dhanka kale bal aynu fiirino qaabka Ilaahay ugu abaal gudayo dadka wax xanta:

قال النبي صلى الله عليه وسلم: (( لما عرج بي مررت بقوم لهم أظفار من نحاس يخمشون وجوههم وصدورهم فقلت من هؤلاء يا جبريل قال هؤلاء الذين يأكلون لحوم الناس ويقعون في أعراضهم )) رواه أبو داود

Nabigu (scw) wuxuu dhahay: “Markii la i dheelmiyey, ayaan sii maray qoom leh cidiyo naxaas ah (bir), kuwaasoo ku jeexjeexaya wajiyadooda iyo laabahooda, markaasaan dhahay: Waa kuwama kuwani Jibriiloow? wuxuu yidhi: waa kuwa dadka cuna hilbahooda, kuna dhaca sharaftooda (ceebeeyey dadka)” [Abudaawuud:4878 ]

Sidoo kale dadka wax xanta Ilaahaybaan ka magangalnee, waxay mutaan cadaabta Qabriga:

عن ابن عباس رضي الله عنهما أن رسول الله صلى الله عليه وسلم مر بقبرين يعذبان فقال(( إنهما يعذبان وما يعذبان في كبير بلى إنه كبير أما أحدهما فكان يمشي بالنميمة وأما الآخر فكان لا يستتر من بوله )) رواه البخاري ومسلم

Ibnu Cabbaas ilaahay raali haka ahaado isaga iyo aabihiibee, wuxuu ka wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) soo maray laba xabaalood oo la cadaabayo, wuxuuna yidhi: “Waa la cadaabayaa, lagumana cadaabayo wax wayn, maya ee waa waynyahay, midokood wuxuu la socon jiray xan, kan kalena kaadida isakamuu asturi jirin” [Bukhaari: 215  iyo Muslim: 292 ]

Aakhirana qofkii danbigaa galay ee aan ka toobad keenin, waxay ku sababi kartaa inuu halaagsamo Ilaahaybaan ka magangalnee:

قال النبي صلى الله عليه وسلم: (( لا يدخل الجنة نمام )) رواه البخاري ومسلم

Nabigu wuxuu dhahay (scw): “Magalayo Jannada ruuxa wax xanta” [Bukhaari: 5709  iyo Muslim: 105 ]

Dulmiga uu qofka wax xantaa uu gaysto waxa looga jarayaa maalinta Qayaame, waxa lagasoo qaadaya xasanaadkiisa oo la siinayaa dadkii uu caayey ama uu ceebeeyey, hadii xasanaadku ka dhamaadana waxa dusha laga saarayaa danbiyadoodii.

 قال النبي صلى الله عليه وسلم: (( قال أتدرون من المفلس قالوا المفلس فينا من لا درهم له ولا متاع فقال المفلس من أمتي من يأتي يوم القيامة بصلاة وصيام وزكاة ويأتي قد شتم هذا وقذف هذا وأكل مال هذا وسفك دم هذا وضرب هذا فيعطى هذا من حسناته وهذا من حسناته فإن فنيت حسناته قبل أن يقضي ما عليه أخذ من خطاياهم فطرحت عليه ثم طرح في النار )) رواه مسلم

Nabigu wuxuu dhahay: “Ma taqaaniin ruuxa kacay?” waxay dhaheen: Ruux kacay anaga agtayada waa qofka aan dirham iyo xooloba haysanin, wuxuu yidhi: “Ruuxa kacay ee umadayda kamid ah waa mid la imanaya maalinta Qayaame Salaad, Soon, iyo Zakaba, waxa kale oo uu imanayaa isagoo kan caayey, kana tuhmay, kana xoolihiisa cunay, kana dhiigiisa daadiyey, kana garaacay, markaasaa lasiinayaa xasanaadkiisii kan iyo kaaba, hadii ay dhamaato xasanaadkiisu kahor intaan laga goosanin wixii lagu lahaa, waxa laga soo qaadayaa (dadkii) danbiyadoodii oo dusha laga saarayaa, kadibna naarta ayaa lagu tuurayaa” [Muslim:2581 ]

Kafaaro gudka Xanta:

Hadaba hadii aynu ogaanay halista ay xantu leedahay iyo qaabka loogu abaalgudayo waxa inala haboon inaynu ka taxadarno, sidoo kalena aynu ka toobad keeno.

Qaabka looga toobad keenayo waxa weeye in qofkii aad xamatay aad ka dalbataa cafis iyo saamaxaad, sababtoo ah waa xuquuq dadka  kale leeyihiin ayaad ku xadgudubtay. Sida ugu fiicana waa inaad hadyad u gayso kadibna aad ka codsato cafis, inshallah, ruuxaasi haduu yahay qof dadnimo leh wuu aqbalayaa cudurdaarkaas.

Culumadu waxay dhaheen: Hadii qofkii aad ka cabsanayso ama dhib ka waynba imankaro markaas waa in qofkii wax xantay u duceeyaa ruuxii uu xantay, isagoo dhahay: Ilaahow danbigayga dhaaf aniga iyo hebel/heblaayo oo aan xantay ama dulmiyey.

Toobadaas hadii ay wadato shuruudihii kale toobada, inshallah, Ilaahay wuuu aqbalayaa.

Shuruudaha Toobada

  1. Inuu danbigii joojiyo.
  2. Inuu go’aansado inaanu dib ugu laabanany danbigaas.
  3. Inuu ka murugooda danbigaas oo aanu ku faraxsanayn macsidii uu layimid.
  4. Inuu camalada saalixa ah ku dadaalo, oo booskii uu xumaanta ku samayn jiray uu ku badalo camal fiican.
  5. Hadii xuquuq ibnu Aadam uu ku xadgudbayna inuu u celiyo, ama ka dalbado cafis.