Dr. Lawrence Brown, oo ahaa dhakhtarka ugu fiican xaga qalliinka indhaha (Ophthalmologist) oo islaamay, kadib markii la tusay mucjiso la yaab leh. Dr. Lawrence Brown, wuxuu yidhi: “waagii hore waxaan ahaa Atheists (Mulxidka dafira jiritaanka Ilaahay), waxayna hamgaygu ahaa inaan urursho lacag iyo dhaqaale.”

– Hadaba sanadkii 1990 kii ayaa waxa u dhalatay gabadh yar (Kiristina), isla markay gabadhaasi dhalatay maalintii ugu horeysay ayay istaagtay oo lugaha ku socotay, arrintaas waa mucjiso in ilmo maanta dhashay uu bilaabo markiiba inuu istaago, sababtoo ah ilmuhu mudo dheer ayuu u baahanyahay inuu qaab tartartiib ah inuu u barto istaaga iyo socodkaba. Wuxuu yidhi Dr Lawrence Brown: ” Dhacdadaasi waxay ahayd mid xiisaheeda leh, laakiin maan fahmin farriintii”

– Hadaba dhacdadii labaad ee isla sanadkaa dhacday ayaa sababtay in Dr Lawrence Brown uu noloshii dib u xisaabiyo. Isla sanadkaas 1990 kii, ayaa loo dhalay gabadh kale mudo 10 bilood kadib. Gabadhaas yarna magaceeda waxa la dhahaa Hana. Wuxuu yidhi Dr Lawrence Brown: “Gabadhaas yar waxay ku dhalatay cusbitaalka George Washington University Hospital oo ah cusbitaalka ugu wanaagsan wadanka Maraykanka. Isla markii ay dhalatay gabadhaas yar waxa asiibay xanuun saameeyey jidhkeeda oo dhan, jidhkeedu wuxuu isu badalay midab buluug ah, taas oo micnaheedu tahay in ilmahaas yar aanu qaadan karayn hawada Oxygen ta.”

Wuxuu yidhi Dr Lawrence Brown isagoo hadalka sii wata; ” Maadaama aan ahay nin dhakhtar ah waxaan ogaa in inantayda lagu samayn dono qalliin xaga wadnaha ah, ugu danbeyna ay dhimanayso, dabadeedna dhakhaatiirtii ayaa ii ogolaan wayday inaan goobtaas joogo, anigoo waliba isla cusbitaalkaas ka shaqaynayey. Kadibna waxaan aaday meel lagu tukado oo cusbitaalka u dhoweyd, meeshaas oo aan saliibku sudhnayn, sidoo kale waxa sanam ah ama astaan diimeedba aan lahayn, halkaas ayaan ku baryey Ilaahay markii ugu horeeyey ee noloshayda.

Dr Lawrence Brown wxuu yidhi: Waxaan ahaa nin mulxid ah oo dadka fari jiray inay ka fogaadaan iimaanka Ilaahay, balse anigoo dareemaya itaal darro iyo tamaryari kana quustay dawada inantayda ayaan Ilaahay baryey, anigoo ku baryey ducada mulxidiinta, waxaanan idhi: “Ilaahayoow, haduu Ilaah jiro, waxaad badbaadisaa inantayda” kadibna ballan ayaan la galay Ilaahay oon ku dhahay: “hadaad ii badbaadiso ilmahayga waxaan baadhayaa oon raacayaa diinta aad raalida ku tahay”.  seventh day adventist

Wuxuu yidhi: Mudo 15 daqiiqo ah ayaan halkii joogay, kadibna cusbitaalkii ayaan imid, waxaanan la kulmay dhakhaatiirtii oo ku xoonsan (ku urursan) ilmihii yaraa, mise waxa dhacday mucjiso oo ilmihii sanbadadiisii ayaa shaqeeyey waxayna heshay hawada Oxygen ta, ayadoon qalliin galin sidoo kalena wax dawo ah aan qaadanin.

SubxaanAlah, dhakhaatiirtii waxay damceen inay sharraxaan sababta inanta yar u caafimaaday laakin wax macluumaad fiican imaysan siinin, kadibna waxaan ogaaday in Ilaahay (swt) kasoo baxay ballantiisii, ee cida ballanta laga rabo inay kasoo baxdo waa Aniga.

Wuxuu yidhi: Markaas ayaan bilaabay inaan cilmi baadhis sameeyo, waxaan akhriyey ktaabka Baybalka, kutubta Yahuuda, Kutubta Budiska, kutubta Hinduuska iyo diimaha badankooda, hadana maan helin wax iiga jawaaba su’aalahayga. Waxaan isu marayey kaniisado aad u kala duwan oo Kiristaan ah. sida Jehovah Witness, Mormon, southern paptists, Quakers, Greek orthodox. Roman Catholics iyo  seventh day Adventist.

Guud ahaan madaahibta Kiristaanka oo dhan ayaan isu maray, manaan helin wax jawaab ah. Ugu danbeyn waxaan bilaabay inaan barto Islaamka, isagaanan ka helay dhamaan jawaabihii aan raadinayey.”

–  Dr Lawrence Brown maanta waa nin muslim ah, xirfadiisuna tahay dhakhtarnimo, wuxuuna qoray kutubo badan oo ka hadlaya Islaamka.

 

Tusmo

Waa maxay Farriinta Maqaalkan?

– Hadii Ilaahay uu ducada ka aqbalay ruux mulxid ah oo Ilaahay dafiray jiritaankiisa kadibna uu hanuuniyey, miyaanua anaga oo Muslmiin ah, oo rumaysana kalinimidiisa miyaanu inaga aqbalayni ducadeena iyo muraadkeena Aduun iyo Aakhiraba? Jawaabtu waa Haa, ee Rabigaa naxariista badan aynu adeecno oon ku dhaqano diintiisa.


WD: Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: