Walaalka Muslimka ah ee raba inuu guto waajibaadka Xajka iyo Cumrada waxa laga rabaa inuu ku dhaqmo aadaabta safarka Xajka iyo Cumrada, taasoo keenaysa in safarka dhibaatooyinkiisu yaraado sidoo kalena aad u gudato waajibaadkaaga cibaado sidii ugu haboonayd, waxaynaan maqaalkan kaga hadlaynaa aadaabta safarka ee caamka ah iyo kuwa la jecelyahay in lala yimaado sidoo kalena waxaynu bayaamin doonaa rukhsadaha la siiyey ruuxa xaajiga ah.

Ugu Horeyn: Aadaabta Guud

Aadaabta Waajibka ah:

  • Waxa waajib ah in qofka xaajiga ahi uu ula qasdo xajkiisa iyo cumradiisaba wajiga Ilaahay (Ilaahay dartii), iyo inuu Ilaahay ugu dhowaanayo qawl iyo ficil (Hadal iyo Fal) Ilaahay raali uu ka yahay iyo camalada loogu talo galay goobtaas sharafta leh, waana inuu aad uga digtoonaadaa istusnimada iyo ismaqashiinta, siduu Allah leeyahay: “Lama farin inay Ilaahay caabudaan oo u gaaryeelaan diinta mooyee wax kale” [Albayyinah:5]
  • Xaajiga waxa u waajiba inuu ku xajo xoolo xalaala oo ka badhax la’ shubuhaat, waxayna culumadu ku tageen ruuxa ku xaja xoolo shubuho ku jirto ama lasoo boobay in xajkiisu ansaxayo balse aanu noqonayn xaj mabruura, waxaanu Imaamu Axmed dhahay: Xajku kuma gudmayo xoolo xaaraan ah.
  • In ruuxa xajka tagayaa inuu barto qaabka loo gudanayo xajka iyo cumrada, wuxuuna dhahay nabigu:  «من يرد الله به خيراً يفقه في الدين» Ruuxii Ilaahay khayr la doono wuxuu fahansiiyaa Diinta [Bukhaari iyo Muslim]. Waxaana la jeclaystaa in qofku uu sii qaato kitaab u sharraxaya cibaadooyinka Xajka iyo Cumrada iyo waxyaalaha kale ee lala yimaado xilliga Xajka.
  • Waa inuu qofku ka fogaado dhamaan macsida, oo uu carrabkiisana ka dhawro cayda, xanta iyo isku dirka, shakina kuma jiro in xajku ka bilaabmayo maalintaa aad niyeysato, wuxuuna Allah leeyahay: 

 {الْحَجُّ أَشْهُرٌ مَّعْلُومَاتٌ فَمَن فَرَضَ فِيهِنَّ الْحَجَّ فَلاَ رَفَثَ وَلاَ فُسُوقَ} [البقرة:197]

“Xaku waa bilo la yaqaano ee cidii gudo gasha (waajibaadka xajka gudanaya) waxa ka mamnuuca xidhiidh gogoleed iyo fisqiba” [Albaqarah:197]. 

Aadaabta Sunnada ah ee la jeclaysto:

  • In qofkii xaajiga ahaa ku mashquulo oo kaliya cibaadooyinka, haduu wax iibsado ama ganacsi sameeyana xajkiisu waa u ansaxayaa waxaana u daliil aayadan:

{لَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ أَنْ تَبْتَغُوا فَضْلا مِنْ رَبِّكُمْ} [البقرة:198]

“Korkiina wax dhib ah ma saarna inaad raadsataan fadliga Rabbigiin (ganacsiga).” [Albaqarah:198]

  • Waxa haboon in ruuxa xajayaa soo raaco qof cilmi uleh diinta, fahansiinayana qaabka loo gudanayo xajka, kana dhawraya macaasida iyo hadalada aan la ogolayn, kulana dadaalaya siduu xajkiisu u noqon lahaa mid mabruur ah oo wanaagsan.
  • Inuu qofii safrayey doorto gaadiid raaxo leh, oo aanu ku kadeedaynin markuu fuulo sababtoo ah waxa ka sugan nabiga (scw) inuu ku xajay isagoo saaran hashiisii  oo walibana hashiisa ay u saarantahay cuntadiisii iyo agabkiisii.

Aadaabta looga baahanyahay markuu soo laabto:

  • Xaajigu waa inuu soo dagdagaa hadii aanay  jirin baahi ku kallifaysaa inuu joogo mudo halkaas, waxaana u daliila xadiiskii nabiga (scw) uu lahaa:

«السفر قطعة من العذاب يمنع أحدكم طعامه وشرابه ونومه، فإذا قضى أحدكم نهمته فليعجل إلى أهله» رواه البخاري ومسلم.

“Safarku waa gobol cadaabta kamida, qofkiin wuxuu diidayaa cuntadiisa, cabitaankiisa iyo hurdadiisaba, hadii midkii dhamaysto xaajadiisa, ha usoo dagdago reerkiisa.” [Bukhaari iyo Muslim]

  • Waxa la jecelaystaa inuu akhriyo markuu safarka kasoo laabto ducadii ka sugnayd nabiga (scw) oo uu akhrin jiray markuu kasoo laabto duulaan, ama xaj ama safar kaleba, wuxuu istaagi jiray meel sareysa markaasuu takbiiran jiray sadexjeer, kadibna dhihi jiray ducadan::

 لا إله إلا الله، وحده لا شريك له، له الملك، وله الحمد، وهو على كل شيء قدير، آيبون تائبون، عابدون ساجدون، لربنا حامدون، صدق الله وعده، ونصر عبده، وهزم الأحزاب وحده. رواه البخاري.

Laa’ilaaha ilaa Allah, waxdahuu laa shariika lahuu, lahu almulku, walahu alxamdu, wahuwa calaa kulli shay’in qadiirun, aayibuuna taa’ibuuna, caabiduuna saajiduuna, li rabbinaa xaamiduun, sadaqa Allahu wacdahuu, wanasara cabdahuu, wa hazama alaxzaaba waxdahuu.

“Ilaah xaq lagu cabudaa majirto Ilaahay mooyee, waana kalidii oo cid wahelisa malaha, waxa u sugnaatay mulkiga iyo mahadduba, isaguna wax walba wuu awoodaa, soo laabanay, toobad keenay, caabudnay oo sujuudnay, Rabbigayagan ku mahadinay, Ilaahayn wuu rumeeyey ballantiisii, waana u gargaaray adoonkiisi, waanu jabiyey axzaabtii kalidii. [Bukhaari]

  • Guriga reerkiisa ma garaacayo xilliga habeenka, ee wuxuu tagayaa subaxa ama maalinta galinkeeda danbe:

 “كان النبي – صلى الله عليه وسلم – لا يطرق أهله، كان لا يدخل إلا غدوة أو عشية” رواه البخاري ومسلم،

“Wuxuu ahaa nabigu (scw) mid aan reerkiisa ku garaacin (habeenkii), manuu gali jirin subaxa ama galinka danbe mooyee” [Bukhaari iyo Muslim]

  • Inuu aado Masaajidka oo uu ku tukado laba rakcadood markuu safarka ka yimaado, siduu yeeli jiray Rasuulkii Ilaahay (scw):

عن كعب بن مالك رضي الله عنه : ” أن رسول الله صلى الله عليه وسلم كان لا يقدم من سفر إلا نهارا ، في الضحى . فإذا قدم ، بدأ بالمسجد فصلى فيه ركعتين . ثم جلس فيه ” رواه مسلم

“Kacab ibnu Maalik waxa laga wariyey in Rasuulkii Ilaahay (scw) uu safarka ka iman jiray maalin, waabariga, markuu yimaadaana wuxuu ku bilaabi jiray masaajidka, oo uu ku tukan jiray laba rakcadood, markaasuu fadhiisan jiray” [Muslim]

  • Waxa fiican inuu akhriyo markuu ehelkiisa arko ducadii uu akhrin jray nabigu (scw):

«توباً توباً، لربنا أوباً، لا يغادر حوباً» رواه أحمد

Tawban tawban, li rabbinaa awban, laa yuqaadiru xawban.

“Towba towba, xaga rabigayo ayaan u laabanaynaa, towbad aan danbi ka tagayn”

  • Markaad safarka ka timaado waxa la jeclaystaa inaad laabta galiso ehelkaaga iyo asxaabtaad, wuxuu dhahay Anas: markay kulmaan way is gacanq qaadi jireen, markay safar ka yimaadaan waxai is galin jireen laabta.
  • Waxa la jeclaystaa in asxaabta loo yeedho oo la siiyo cunto siduu yeeli jiray Rasuulku (scw)
  • Waxa  aad loo jeclaystaa inaad ehelka iyo asxaabta wax u hadyadayso haba yaraatee, hadyaduna waxay horseedaa jacaylka ehelka iyo asxaabta dhexdooda siduu dhahay Rasuulku (scw): «تهادوا تحابّوا» Wax isu hadyadeeya waad is jeclaane. Hadyadna waxa ugu wanaagsan biyaha Zamzamka oo xitaa koob kaliya ha ahaatee aad siiso asxaabtaada iyo ehelkaaga ayaan jirin wax loo dhigo.

Ta labaad: Rukhsadaha Safarka

Walaalka muslimka ahow ee raba inuu guto waajibaadka xajka waxaad ogsoonaataa in Ilaahay ku siiyey rukhsado aanad haysanin markii hore ee aad joogtay gurigaaga, wuxuuna kuu baneeyey arrimaha qaar aan markii hore kuu banaanayn kolkaad ku sugnayd gurigaaga, waxaana kamida:

  • Koowaad: Inaad gaabiso salaada Afarta rakcadood oo aad ka dhigto laba rakcadood, siduu Allaah ku leeyahay Quraankiisa:

{وَإِذَا ضَرَبْتُمْ فِي الأَرْضِ فَلَيْسَ عَلَيْكُمْ جُنَاحٌ أَنْ تَقْصُرُوا مِنَ الصَّلَاةِ إِنْ خِفْتُمْ أَنْ يَفْتِنَكُمُ الَّذِينَ كَفَرُوا}[النساء:101]

“Haddaad ku Safartaan Dhulka ma aha korkinna Dhib (Dambi) inaad Gaabisaan Salaadda Haddad ka Cabsataan inay idin Fidneeyan (Dhibaan) kuwa Gaaloobay..” [Suuratu Alnisaa:101]Wuxuu dhahayn nabigu:

«صدقة تصدق الله بها عليكم، فاقبلوا صدقته» رواه مسلم.

“Waa sadaqo Ilaahay korkiina ku sadaqaystay ee ka aqbala sadaqada” [Muslim] Ilaahay ayaa kuu ogolaaday inaad gaabin karto salaada xilliga aad safarka tahay ee Ilaahay ka aqbal sadaqadiisa.

  • Labaad: Inaad kulmiso laba salaadood, waxa sunne ah in ruuxa jidku ku dheeraado inuu kulmiyo Duhurka iyo Casarka, sidoo kalena Maqribka iyo Cishaha, wuxuuna samayn karaa inuu soo hormariyo ama dib u dhigo xilliga kale ee salaada kale la gaadho waqtigeeda tusaale ahaan: Salaada Duhur markuu tukado ayuu kadibna tukanayaa Casar, ama Duhurka ayuu dib u dhigi karaa oo wuxuu tukanayaa xilliga salaada Casar.
  • Sadexaad: Waxaad kordhin kartaa waqtiga aad ku masaxayso khufaynka (Sharabaado harag ka samaysan):

عن شُرَيْحِ بن هَانِئٍ قال: “أتيت عائشة رضي الله عنها أسألها عن المسح على الخفين فقالت: عليك بابن أبي طالب فسله، فإنه كان يسافر مع رسول الله صلى الله عليه وسلم، فسألناه، فقال: جعل رسول الله صلى الله عليه وسلم ثلاثة أيام ولياليهن للمسافر، ويوماً وليلة للمقيم” رواه مسلم.

“Waxa laga wariyey Shurayx ibnu Haani inuu dhahay: waxaan u tagay Caasha (r.c) anigoo waydiinaya masaxida khufaynka, waxayna tidhi: waxaad u tagtaa ibnu Abi Daalib oo waydii, maxaa yeelaaya isagaa ahaa mid la safra Rasuulkii Ilaahay (scw), waanan waydiinay wuxuuna dhahay: Wuxuu Rasuulkii llaahay (scw) ka dhigay sadex maalmood iyo habeenadoodaba ruuxa musaafirka ah, habeen iyo maalina ruuxa aan musafirka ahayn” [Muslim]

  • Ta afaraad: ruuxa safraya waxa ka dhacaya inuu soo xaadiro salaadii Jimce, sababtoo ah shuruudaha Jimcaha waxa ah inuu qofku aanu safar ahayn, kamana mid aha sunnada nabiga (scw) inuu tukaday Jimce isagoo safar ahaa, wuxuuna dhahay Ibnu Cumar (r.c) : “ليس للمسافر جمعة” Ruuxa musaafirka ah laguma laha Jimce. [Cabdirizaaq]
  • Ta shanaad: Waxa ubanaan ruuxa musaafirka ah inuu ku dhex tukado salaadaha sunnada ah isagoo saaran gaadiidkiisa, sida salaada Duxada, Wiriga iyo Qiyaamu laylkaba, tusaale ahaan gaadhiga waxaad ku dhex tukankartaa salaadaha sunooyinka, meeshuu doonana ha u jihaysto gaadhiguye, macnaha qiblada ha u jihaysto ama meel aan qiblada ahaynbee.
  • Ta Lixaad: Waxa ubanaan ruuxa musaafirka ah inuu ka tago sunooyinkii raatibada ahayd, marka laga reebo labada rakcadood ee salaada Fajriga kahoreeysa.

Kuwaasi waa qaar kamid ah rukhsadaha laguu ogolyahay, waxaana jira rukhsadooyin kale oo ruuxa musaafirka ah leeyahay, wallahu aclam.