السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Walaalayaal waxa inagu soo food leh Bishii Barakaysnayd ee Ramadaan, waxaanan idiinku bushaaraynaynaa inaanu idiin soo gudbin doono Barnaamijyo xiiso badan oo aad ka heli doontaa inshaAllah, sida Taariikh nololeedkii Saxaabada maalin kasta Qiso Saxaabi. Halkan ka daawo Muuqaal tusaale ah: Qisadii Jacfar ibnu Abudaalib Sidoo kale waxaan idiin soo gudbin doonaa Su’aalaha iyo Waydiimaha ugu caansan ee inta badan soo noqnoda ee ku saabsan Ramadaanta iyo Soonta oo ay Fatwoodeen Culumada Islaamka ee ugu caansanaa qarnigii 20 aad sida Shiikh Muxamed ibnu Cusaymiin (I.H.U). Halkan ka akhriso maqaal tusaale ah: Waydiimo ku saabsan Soonka Waxa kale oo aan idiin soo gudbin doonaa had iyo jeer wixii aanu u aragno inay dheef inoogu leedahay Aduun iyo Aakhiraba.

Wixii faahfaahin ah ama waydiin ah Nagala soo xidhiidh halkan: La xidhiidh