Tusmo

Sidee Caanuhu u samaysmaan? Mucjisada Quraanka.

Dadku waxba kamaysan ogayn qaabka Eebe (SW) u sameeyo caanaha. Waxayna ku qaadatay mudo aad u dheer inay wax ka ogaadaan shaqada habka dheefshiidka Noolaha iyo xidhiidhka ka dhaxeeya Wareega Dhiiga iyo marxaladaha uu maro Caana samayntu.

Markii la helay qalabka wax lagu baadho ayaa la ogaaday in caanuhu ka samaysmaan dheefshiidka cuntada (Uus dhexdii), waxayna u gudubtaa daloolada iyo tuunbooyinka dhiigu maraan, ayadoo ku socota qanjidhada caanaha ee ku yaala candhada xoolaha iyo naaska haweenka. Qanjidhadaasina waxay dhiiga ka soocaan maadooyinka caanuhu ka samaysan yahay, ayadoo aan wax dhiig iyo uus toona ku hadhaynin caanaha dabadeedna ku dartaa sokorta caanaha ee Lactose, taas oo ka yeelaysa caanaha mid saafiya oo hungurimar u ah cida cabaysa. macnaha cidna kuma marganayso cabitaanka caanaha ee Eebe (SW) saafiga ka dhigay.

Cilmigan dadka wuu ka qarsoonaa mudo aad u dheer, waxa la daahfuray dhowaan ayadoo soo martay cilmi baadhis badan oo qaadatay qarniyo. Ugu danbayn waxa la adeegsaday qalabka casriga ah kaas oo saamaxaya in si fudud loo ogaan karayo marxaladah uu maro Caanuhu.

Haseahaatee Quraanka kariimka ahi waxa uu ka waramay mucjisadan 1400 oo sano ka hor, isagoo adeegsaday kalmado yar oo soo koobaya guud ahaan samaynta Caanaha. Subxaanallah. Eebe waxa uu leeyahay suurada Naxli, Aayada 66.

(وَإِنَّ لَكُمْ فِي الْأَنْعَامِ لَعِبْرَةً ۖ نُّسْقِيكُم مِّمَّا فِي بُطُونِهِ مِن بَيْنِ فَرْثٍ وَدَمٍ لَّبَنًا خَالِصًا سَائِغًا لِّلشَّارِبِينَ)

“Waxaana idiinku sugan Xoolaha Cibrad (Waano qaadasho) waxaana idinka waraabinaa waxa ku sugan Caloosheeda Uus iyo Dhiig dhexdooda ah Caano Saafi ah oo u fudud kuwa Cabbaya” Naxli 66.


Yaa uga warama Nabi Muhamed (N.N.K.H) sirta ku jirta nidaamka dheefshiidka, nidaamka wareega dhiiga, xidhiidhka ka dhaxeeya iyo sida ay usoo saaran caano saafi ah oo u fudud kuwa cabaya!!!

Waxa mucjiso ah in la soo saaro hal litir oo caano ah waxay qaadataa in 500 oo litir oo dhiig ahi maraan qanjidhka caanaha, si uu ugala soo dhex baxo maadooyinka daruuriga u ah caano samaynta sida borotiinka, karbohidaraatka, duxda, macdano, faytamiino iyo hormoonada laga maarmaanka ah.

Waxa la yaabka leh qanjidhka caanaha oo kala doorta maadooyinka wanaagsan ee aan dhibta lahayn, isagoo ka fogaada maadooyinka sunta iyo aashitada la socoto aygoo dhamantood ku wada jiraan lana socdaan wareega socod ee dhiigu sameeyo. Kala doorashada kadib, caanuha waxa lagu kaydiyaa kiishka naasaha kaas oo u diyaar noqonaya in la liso, lana cabo isagoo saafi ah oo macaan.

Marxaladaha uu maro Caano samayntu:-

Caanaha waxa loo sameeyaa heer aad u saraysa oo ku fadhida cilmi iyo xikmad, waxa ka qayb qaata nidaamka dheefshiidka, nidaamka wareega dhiiga iyo nidaamka taranka, waxayna sii martaa qanjidhada caanaha. Eebe (SW) waxa uu ka yeelay nidaamkasta ku u sahlan inuu shaqadiisa ka soo baxo. subxaanallah.

  • Dheefshiidka.

Dheefshiidka cuntadu waxa uu maraa dhawr nooc oo kala duwan, marka koowaad cuntada waxa lagu shiidaa Afka, ayadoo ilkaha iyo gawsuhu ay ridqaan cuntada, waxaana lagu qooyaa candhuufta iyo dheecaanka afka. Kadibna waxay cuntadu u gudubtaa caloosha halkaas oo lagu shiido qaab kimiko ah, cuntadana waa la khamiiriyaa waxaana caawisa bakteeriyada caloosha oo saacida khamiirinta iyo ridqida cuntada. Dheefshiidkaas kadib cuntadu waxay isu badashaa Uus ama qaybo yar yar oo gali kara xiidmaha yaryar. Uuskii waxa lagu shubayaa ashitada bankeeriyaska iyo xiidmaha. Cuntadii waxay noqon maadooyin aad u yar yar. Sonkarta culus waxay isubadali sonkor kali kali ah, halka duxdu noqonayso glycerol, brotiinkuna amino acids. Biyaha, milixda iyo faytamiinaduna uma baahna dheefshiid intaan la  nuugin ka hor. dheefshiidka kadib, Uuskii waxa uu noqonayaa wax dabacsan oo fudud

  • Ka soocida (Uuska) wixii soo hadhay.

Cuntadii oo dabacsan ayaa soo gaadhaysa xiidmaha yaryar kadibna halkaa ayaa tuunbooyinka dhiigu ka nuugayaan, waxayna cuntadii u gudbaysaa nidaamka wareega dhiiga

  • Ka soocida (Dhiiga)

Nidaamka wareega dhiigu waxa uu marayaa dhamaan unugyada jirka, isagoo xanbaarsan maadooyinkii daruuriga u ahaa samaynta caanaha, waxaanu sii marayaa qanjidhka sameeya caanaha ee ku yaala candhada xoolaha iyo naaska.

  • Samaynta caanha

Candhada xooluhu waa warshad wayn oo leh guryo badan, guryihiina waxay lee yihiin qolol badan, qolkii kastana waxa uu leeyahay inta u dhaxaysa 150 ilaa 220 kiish, waana meesha lagu habeeyo caanaha. Kiish kasta waa warshad gaara oo kasii unkuman unugyo madax banaan oo soo saara caanaha.

Dhiiga ayaa keenaya maadooyinka loo bahanyahay sida duxda, sonkorta caanaha Lactose, iyo aminiyada, kadibna waxa lagu kaydinayaa kiishka caanaha ilaa inta laga lisayo neefka xoolaha ah ama la dhamayo.