Tusmo

Wareega Biyaha (Water cycle)

Mucjisooyinka Quraanka waxa ka mid ah inuu ka faaloodo cilmi aan bani aadmku gaarin xilligii Quraanku soo degay, maadaama Allah (SW) uu soo dajiyey Quraanka wuxuu ugu talo galay Dadka oo dhan, mar kasta iyo meel kastab. Waxa Eebe ka dhigay Quraanka mid cajsi galiyey aqoonta Basharka.Mucjisooyinka cilmiga ah waxa ka mid ah sida qotoda dheer ee uu Allah inooga waramay Roobka iyo marxaladah uu soo maro.

Quraanku ma kaligii ayaa ka waramay wareega  biyuhu maraan, jawaabtu waa maya ee dad hore oo ay ka mid yihiin culumadii Griiga iyo waliba kitaabka Baybalkuba way ka warrameen laakiin su’aasha kale ee is waydiinta leh waxa weeye “Hadii ay dad ka horeeyey Nabi Muhamed (N.N.K.H) ka warameen wareega biyaha miyey is waafaqeen cilmiga casriga ah ee loo yaqaan itus oo itaabsi? Run ahaantii fikradaha kale way ku hoobteen oo waa laga roonaaday markii cilmi baadhis lagu sameeyey roobka iyo biyaha sida ay u samaysmaan balse Kitaabka Quraanku sidii uu uga waramay 1400 oo sano kahor ayaa xaqiiqo noqotay. SubxaanaAllah, waxay muujinaysaa in Nabigeena Naxariis iyo Nabad galyo Korkiisa ha ahaatee uu waxyiga ka helay Allah. Waxayna u tahay dadka muslimka ah arrin ay
ku diirsadaan oo laabtu ugu qabowdo halka dadka kale ee aan muslimka ahayna ay ku tahay xujo ay tahay inay rumeeyaan. Ilaahay waxaan ugu mahad naqaynaa inuu naga yeelay umad Muslim ah noona soo diray Rasuulkeena aan jecelnahay Muhamed (N.N.K.H).

  •  Wareega biyuhu ama roobku waa kuwo qiyaasan/xadidan.

Xaqu (SW) waxa uu Quraankiisa ku leeyahay aayada 17 aad Suurada Racd iyo Aayada 18 aad ee Suurada Mu’minuun:-
{انزل من السماء ماء فسالت اودية بقدرها فاحتمل السيل زبدا رابيا ومما يوقدون عليه في النار ابتغاء حلية او متاع زبد مثله}
{وانزلنا من السماء ماء بقدر فاسكناه في الارض وانا على ذهاب به لقادرون}

{wuxuu ka soo dejiyey Samada Biyo waxaana la durduray waadiyo Awooddood wuxuuna xambaartaa daadku daadxoor sarraysa,waxay dabka ku huriyaanna Doonid isku qurxin, ama alaabo waxaa ah abuur la mida…,}
{Waxaan ka soo Dejinay Samada Biyo Qiyaasan, waxaana Dejinay dhulka inaan la Tagnana waan karraa.}


Uumiga biyuhu wuxuu ka samaysmaa Qorraxda oo kuleylisa Biyaha badaha, wabiyada, ceelasha iyo Ilaha. Sidoo kale waxa uu ka samaysmi karaa Dadka iyo xayawaanka Afkooda markay neefsanayaana, uumigaasna waa la arki karaa xilliga Jiilaalka. Uumiga waxa kale oo samayn kara fulkaanayaasha iyo dhirta, Uumigaas isha qaawan laguma arki karo.

Uumigu inta uu ururo ayuu hawada sare ku qaboobaa dabadeedna waxa samaysma dhibco biyo ah waxayna la fal galaan walxo yaryar oo boodh ah. Uumiga iyo boodhkaas ayaa daruurtu ka samaysantahay markaana isha caadiga ah waa lagu arki karaa. Dhibcaha biyaha ah waa inay bacramin ka helaan walxo yaryar oo boodh ah hadii kale dhibcaha biyaha ah isma qabsan karaan, laakiin marka Dabayshu soo qaado boodh oo ay la fal galaan dhibcaha biyaha ah waxay isu badalayaan daruur la arki karo. Sidaa darteed Dabaysha ayaa ah ta samaysa daruuraha maadaama ay wadato walxaha boodhka ah, sidoo kale dabayshu ayadaa bacramisa daruurta kadibna roobka ayaa dhulka kusoo da’a. Uumigii ka uumi baxay badwaynta dib ayuu ugu soo noqonayaa badaha, marka roobku da’o waxa uu qaadayaa durduro iyo waadiyo geeya biyaha badaha, kadibna baduhu waxay dib u helayaan xaddigii/qiyaastii  biyihii ka uumi baxay. Sidaa darteed ayaa Allah (SW) ku tilmaamay in biyaha roobku yihiin kuwo qiyaasan (بقدر) Subxaanallah.

  • Dabaysha ayaa abuurta daruuraha:-

Ilaahay isagoo ka waramay xiriirka dabaysha iyo daruuraha waxa uu ku yidhi Quraanka, Suurada Faatir:9  iyo Acraaf:57.
{وهو الذي يرسل الرياح بشرا بين يدي رحمته حتى اذا اقلت سحابا ثقالا سقناه لبلد ميت فانزلنا به الماء فاخرجنا به من كل الثمرات كذلك نخرج الموتى لعلكم تذكرون}

{Eebe waa kan u dira Dabaysha Bishaaro Naxariistiisa (Roobka) Hortiisa markay Xambaarto Daruur Culusna waxaan u Kaxaynaa Dhul Dhintay (Abaar) waxaana ku Dejinaa (Shubnaa) Biyaha, waxaana ku soo Bixinaa wixii Dhintay inaad Xussusataan.}


Kalmada (فتثير ) waxay inoo tilmaamaysaa in Dabayshu saamayso daruuraha, balse kalmada (فسقناه) waxay tibaaxaysaa in Allah (SW) waraabiyo baladka biyaha u baahan, biyahaas oo aad u macaan ayadoo aynu ognahay in Allah Roobka ka abuuray uumiga biyaha badweynta, wabiyada, dhididka xayawaanka iyo dhirta hadana Allah biyhii ayuu ka yeelay kuwo macaan oo hunguri mar u leh basharka iyo dhamaan noolaha, kaliya waxa inala haboon inaan nidhaahno SubxaanAllah, Alxamdulilah.

Cimigu maanta waxa uu sugay in daruuruhu yihiin biyo hawada sare taagan, sidaynu ognahay xaaladaha biyhu maraan waa sadex marxaladood, waa (Solid) Adke, tusaale ahaan Barafka. xaalada labaadna waa (Liquid) waa Biyaha caadiga ah ee la cabo iyo xaalada sadexaaad oo ah (Gas) Hawo. Markaa Biyaha uumi baxay ee hawada sare tagaa waxay ku jiraan xaalada (Gas) hawo. Dhibcaha yaryar ee biyo hawoodka ah ayaa Dabayluhu kaxeeyaan oo geeyaan meelo joogoodu sareeyo, halkaas oo heerkulku aad u hooseeyo kadibna uumigu waxa uu noqdaa Daruur.
Waxa layaab leh sida Cilmiga iyo Quraanku isu waafaqeen, waxay daliil ka tahay in Qur’aanka uu soo dajiyey Ilaah cilmi iyo aqoon u leh makhluuqaadkiisa. subxaanaAllah.

  •  Dabaysha ayaa bacramisa Daruuraha kadibna roob ayaa da’a.

{وارسلنا الرياح لواقح فانزلنا من السماء ماء فاسقيناكموه وما انتم له بخازنين}

{waxaana dirnaa dabaysha oo Tallaasha (Daruurta) waxaana ka soo dajina samada Biyo aan idinku waraabinno idinkoo ahayn kuwo ka keydsan kara (gudhidda).}


Aayadan sharafta leh waxay tilmaamaysaa laba arrimood oo cilmi ah. Ta koowaad waa in dabayshu tahay ta bacramisa daruuraha si roob u da’o, ta labaadna waa in roobka lagu kaydin karin dhulka, sababtoo ah waa inay biyuhu durduraan waadiyada oo ay tagaan meeshii markii hore ay kasoo uumi baxeen sida badaha. Icjaaska ku jira Aaydan ayaa in badan u baahan in lays dul taago. Allah waxa uu leeyahay {وما انتم له بخازنين} ma kaydsan kartaan biyaha dhulka sababtuna waa in wareega ama dawrada biyuhu sameeyaan is dheeli tirto. Hadii meel Roobku ku bato meelo kale ayaa Abaari ka jirtaa, oo xitaa abaartu waxay ka dhacdaa badaha waaweyn oo Kalluunka iyo Dhirta baduhu waxay u baahan yihiin roob sida basharka iyo xayaawaanka kale.

Quraanku wuxuu tilmaamayaa in dabayshu bacramiso daruuraha, marka biyuhu ka uumi baxaan badaha, sare ayey u kacaan waxayna la kulmaan dabaysha, dabayshuna waxay isku bacramisaa unugyada daruur biyoodka ah ee wata calaamada togan (+) iyo unugyada daruur biyoodka ah ee wata calaamada taban (-). Isu tagaasi waxa uu keenaa in unuga biyuhu noqdo mid dhamaystiran kadibna isagoo roob ah ayuu soo da’aa. Daruurahan danabaysan ee midna wadato caalamada togan (+) iyo calaamada taban (-) ayaa dabayshu isku keentaa kadibna isku tagooda waxa ka dhasha shaxnad elekataroonig ah waa hilaac iyo onkodka. SubxaanaAllah. Uumiga badaha ka baxaa sare ayey u kacaan, balse hadii uumigaasi hooseeyo waxa abuurma ceeryaamo haduuse dhulka inbadan ka sareeyo waxa abuurma daruuro.

Saamaynta dabayshu ku leedhay daruurta waxa kaliya oo ka waramay Quraanka Kariimka ah mudo laga joogo 1400 oo sano, dadkuna waxba kamaysan ogayn unugyada daruur biyoodka ah ee kala wata calaamadaha kala duwan, taasoo dabyshu isku bacramiso, arrintan xaqiiqada ah ayaa dhowaan la ogaaday.

  •  Daruuraha isdul saaran ayaa dhaliaya Qabowga iyo Hilaaca.

Allah (SW) isaga oo ka hadlaya daruuraha iyo qaabka hilaaca iyo barafku ku dhasho ayuu ku leeyhay Suurada Nuur:43.

{الم تر ان الله يزجي سحابا ثم يؤلف بينه ثم يجعله ركاما فترى الودق يخرج من خلاله وينزل من السماء من جبال فيها من برد فيصيب به من يشاء ويصرفه عن من يشاء يكاد سنا برقه يذهب بالابصار}

{“Miyeydaan Arkayn in Eebe Kexeeyo Daruuro Markaas isu keeno Kana Yeelo Mid is dulSaaran ood aragto Roobkoo ka Soo Bixi Dhexdiisa wuxuuna ka soo Dejiyaa (Eebe) Samada Buuro Qabow ah (Thalaj) wuxuuna Gaadhsiiyaa Cidduu Doono, wuxuuna u Dhawyahay Nuurka Hilaaciisu inuu la Tago Aragga.}


Macnaha kalmad {يزجي} waa in Eebe si qunyar ah u kaxeeyo daruuraha. Macnaha Kalmada {ركاما} Daruurta oo midba mid dul saarantahay.

Allah (SW) waxa uu ka yeelay jawiga inaga sareeya ku qabow halkii ay ka noqon lahayn markasta oo sare loo sii kaco in jawigu kululaado, hadii aan dabqyada iyo daboolada jawigu jiri lahayn, waxa dhici lahaa in biyaha ka uumi baxa badaha aanay dib usoo noqon lahayn ayagoo roob ah taasoo keenaysa in baduhu engagaan, biyuhuna ka dhamaadaan dhulka. Laakiin Raxmada Ilaahay waxa uu ka yeelaya jawiga dabqado heerkulkoodu kala
duwan yahay sidaa darteed dabqada roobku ku samaysmo way qabowdahay oo uumigii ayey ka dhigaysaa dareere ama baraf kadibna roobkii ayaa dib usoo noqon. Cilmigu waxa kale oo uu xaqiijiyey in daruuraha is dul saaran ee la moodo sida buuraha ay dhaliyaan Barafka, waana sida uu Quraanka Kariimka ahi u sheegay. Arrintana war lagama hayn mudo aad u dheer. Qofka fuula diyaarad waxa uu arki karaa sida daruurahaasi ugu eegyihiin Buuraha.

Culumaduna waxay leeyihiin daruuraha is dul saaran ee la moodo buuraha ayaa kaliya dhalin kara in baraf soo da’o, sababtuna waa daruuruha isdul saaran oo ku kala yaala laba dabaqadood oo heerkulkoodu kala duwan yihiin, dabaqada hoose waa kulayl halka dabaqada sare ay tahay mid aad u qabow. Kala duwanaashaha xaraarada labada dabaqadood ayaa keenaysa in daruurtu qabowdo oo dhaliso dhibco baraf ah kadibna baraf ayaa da’aya.
Aayadan waxay isku xirtay barafka iyo hilaaca, barafku wuu ka qayb qaataa in shaxnadaha elektarooniga ah ka dhacaan dabaqadaaha kala duwan ee daruurta, shaxnadaas elektarooniga ah ayaa sababta in ay danabaysanto, waxaana dhasha hilaac iyo onkod.

Aayda sharafta leh waxa kale oo ay tilmaamaysaa in hilaacu la tagayo aragga, run ahaantiina waa xaqiiqo dhab ah oo marka Baylootka diyaarada wadaa kusoo beegmo meel onkod iyo hilaac ka dhacayo gaar ahaan meelaha heerkulku sareeyo, halkaas oo garaaca onodku gaadho 40 garaac daqiiqadiiba, taas oo ku keenta Baylootka diyaarada inuu hilaaco arragga kala tago, ayna ku cuslaato inuu diyaarada kaxeeyo.

  • 5 Dabayshu iyo saamaynta ay ku leedahay mowjadaha Badda:-

Xaqu (SW) oo ka hadlaya saamaynta dabayshu ku leedahay mowjadaha waxa uu ku leeyaha Suurada Yuunus:22 iyo Shuura:33

{هو الذي يسيركم في البر والبحر حتى اذا كنتم في الفلك وجرين بهم بريح طيبة وفرحوا بها جاءتها ريح عاصف وجاءهم الموج من كل مكان}
{ان يشا يسكن الريح فيظللن رواكد على ظهره ان في ذلك لايات لكل صبار شكور}

{Eebe waa Kan Idinku Wada Barriga iyo Baddaba markay ahaadaan Doonta oo ay ku socdaan Dabayl Fiican oo ay Markaas ku Farxaan oy u Timaaddo Dabayl Daran ugana yimaaddo hirku Dhan kasta..}
{Hadduu doono (Eebe) wuxuu xasiliyaa (joojiyaa) Dabaysha markaasay fadhiistaan Biyaha korkooda, taasina waxaa ugu sugan calaamo ruux kastoo samir iyo mahad badan.}


Aayada hore waxay tilmaantay in xiriir ka dhaxeeyo dabaysha iyo mowjadaha Badda. Dhab ahaantiina culumadu waxay xaqiijiyeen in mowjadaha ka dhashaan sadex arrimood. Dabaysha, Dhulgariirka iyo Socodka tidal.

Aayda labaadna waxay tibaaxaysaa in hadii dabayshu istaagto mowjaduhuna istaagayaan. Badaha ku yaal dhulbadhaha mowjadahoodu way hurdaan oo ma yaalaa dhaqaaqaan, hadii aan mowjadu jirina maraakiibta shiraaca ah ma socon karaan. Arrimahan Cajiibka ah yaa uga warramay suubanihii Muhamed (N.N.K.H)

[huge_it_videogallery id=”9″]