Tusmo

Damqashada Xanuunku waxay ku taala Haraga Bani-Aadamka.

Waagii hore Dadku waxay rumaysnaayeen in Damqashada Xanuunku ay ku koobantahay oo kaliya Maskaxda Bani-Aadamka. Hase ahaatee dhowaana waxa la ogaaday in Maqaarka ama haragu ay leeyihiin nerfayaal loo yaqaano PAIN RECEPTORS oo ayaga la ‘aantood aanu qofku daremayn damqashada xanuunka.

Kolka Dhakhtarku qiimaynayo dhaawaca soo gaadhay ruux gubtay wuxuu fiiriyaa inta dhaawacaasi halistiisu la eegtahay kadibna wuxuu ka taagaa bir yar boogta gubatay. Hadii ruuxu uu damqado kolkaas Dhakhtarku wuu farxayaa sababtoo ah wali waxa nool nerfayaashii damqashada xanuunka balse hadii ruuxii dareemiwaayo damqashada kolkaas Dhkhtarku wuu murugoonayaa maxaayeelay dhaawacaasi waa mid qoto dheer oo waxa ruuxaas ka dhintay nerfihii pain receptorska ama kuwii damqashada qaadayey. Quraanku waa ka warramay arrintan gaar ahaan suurada 4 aad ee Nisaa aayada 56 aad isagoo Allah leeyahay:-

إِنَّ الَّذِينَ كَفَرُوا بِآيَاتِنَا سَوْفَ نُصْلِيهِمْ نَارًا كُلَّمَا نَضِجَتْ جُلُودُهُم بَدَّلْنَاهُمْ جُلُودًا غَيْرَهَا لِيَذُوقُوا الْعَذَابَ ۗ إِنَّ اللَّـهَ كَانَ عَزِيزًا حَكِيمًا ﴿٥٦

Kuwii ka Gaaloobay Aayaadkanaga waxaanu Galinaynaa Naarta, mar kastoos gubato Haragoodu waxaan ku badalnaa harko kale si ay u Dhadhamiyaan Cadaabka, Eebana waa Adkaade Falsan. [Nisa: 56]

Professorkii Tajatat Tejasen oo hogaamiye ka ahaa qaybta Anatomiga ee Jaamacada Chiang Mai University ee wadanka Thailand wuxuu cilmi baadhis badan ku sameeyey neerfaha qaada damqashada ee maqaarka ama haraga Bani-aadamka, markii loo sheegay in Quraanku ka hadlay arrintan bani-aadamku dhowaan daah fureen waxa kaliya oo u banaanayd inuu dhaho Laailaaha Ilaa Allah Muxamed Rasuul Allah.