Tusmo

Qorraxdu ma dhulka ayey ku dhacdaa?

Maqaalkan waxaan kusoo bandhigaynaa su’aal inta badan gaaladu ay isku dayaan inay ku ceebeeyaan Quraanka, su’aashuna waxa weeyey: Sideebay Qorraxdu ugu dhacdaa god ku yaala dhulka?

Dabcan su’aashan waxay ka keeneen qisadii ninkii wanaagsanaa ee Dulqarnayn ee Ilaahay siiyey asbaabta wax kasta, kadibna raad raacay asbaabtii la siiyey. Quraanku wuxuu inoo sheegay in Dulqarnayn aaday sadex safar, mid wuxuu ku tagay meesha ugu galbeedsan Aduunka, mid kalena meesha Qorraxdu ugu soo hor baxdo, kan kalena wuxuu ku tagay meel biyo xidheen ku yaalay.

Hadaba safarkiisii uu ku aaday Galbeedka wuxuu Ilaahay inoo sheegay inuu arkay isagu aragiisa in Qorraxdu ay ku dhacayso il ama god dhoobo ah sidoo kalena diiran oo kulul.

حَتَّىٰ إِذَا بَلَغَ مَغْرِبَ الشَّمْسِ وَجَدَهَا تَغْرُبُ فِي عَيْنٍ حَمِئَةٍ وَوَجَدَ عِندَهَا قَوْمًا ۗ قُلْنَا يَا ذَا الْقَرْنَيْنِ إِمَّا أَن تُعَذِّبَ وَإِمَّا أَن تَتَّخِذَ فِيهِمْ حُسْنًا ﴿٨٦

“Illamaa goortii uu ka gaadhay Qorrax dhicii (meesha ugu shisheysa ee Qorrax ka dhacdo) wuxuu helay iyadoo ku dhici il dhoobo ah (muuqaalka) wuxuuna ka helay agteeda qoom, waxaana nidhi Dul qarnaynow waa inaad cadaabto ama ka yeelato wanaag.”

Ilaahay wuxuu sheegay wixii Dulqarnayn u muuqday aragiisa in Qorraxdii ku dhacayso il dhoobo ah, taasina waa mid cid kasta ay indhahooda ku arki karaan, haday tagaan badweynta ama meel biyo fadhiyaan oo fog waxa la arkayaa Qorraxdii oo la moodo inay ku dhacayso meel god ah.

Waxa lamida doonta ku socota badda markay kaa fogaato waxaad u malaynaysaa inay galayso meel god ah sidaas oo kale ayuu Dulqarnayn ugu maleeyey aragtidiisa in qorraxdu ay galayso il dhoobo holcaysa.

Hadaba gaaladii waxay xujo ka dhigteen, Quraanka ayaa dhahay Qorraxdaa ku dhacda meel god ah, waxaana la ogyhay in Qorraxdu ka wayntahay dhulka (1,300,000 ) jeer markaa sideebay ku dhici kartaa in Qorraxda sidaas u wayni ay ku dhacdo god dhulka kuyaal?

Radinta shubhada ama ismoodsiinta.

  • Ugu horeyn; Quraanku muu dhihin Qorraxda ayaa ku galabaysta ama ku dhacda god ama goob ku taala dhulka ee Quraanku wuxuu qeexay wixii Dulqarnayn u muuqday, waxaana u daliila erayga ( وَجَدَهَا) oo macnaheedu tahay wuxuu helay oo ay ula muuqatay, hadii Qorraxdu ku dhacdo god Dhulka ku yaala wuxuu Quraanku dhihi lahaa “Qorraxdaa ku dhacda il dhoobo ah” ee wuxuu badalkeeda dhahay Dulqarnayn ayey ula muuqatay muuqaalka in Qorraxdu ay ku dhacayso God ama il dhoobo ah.
  • Ta labaad; hadii Qorraxdu ay ku dhacdo il dhoobo ah sida ay sheegteen mulxidiinta raba inay ceeb u sameeyaan Quraanka, muxuu Quraanku u dhahay “Dulqarnayn wuxuu agteeda ka helay qoom (Dad) jooga goobtaa” sideebay qoom ugu noolaan karaan meel aad ugu dhow Qorraxda? Dadkaas iyo qoomka daganaa goobtaas ee Quraanku sheegay, waxay daliil u tahay in wixii Dulqarnayn arkay ay ahayd muuqaal kaaragiisa ee aanay ahayn Qorraxda oo si toosa ugu dhacaysa il dhoobo ah.
  • Ta sadexaad; Quraanku wuxuu dhahay markuu ka hadlayey Qorraxda sifooyinkeeda in Qorraxdu ay ku orodo meel ay leedahay (orpit u gaar ah): وَالشَّمْسُ تَجْرِي لِمُسْتَقَرٍّ لَّهَا ۚ ذَٰلِكَ تَقْدِيرُ الْعَزِيزِ الْعَلِيمِ ﴿٣٨﴾ (Qorraxdu waxay ku orodaa meel ay leedahay, taasina waa qadarka Ilaaha awooda leh ee wax walbana og). Quraanku wuxuu leeyahay Qorraxdu way orodaa markaa sideebay suurtagal u tahay in qorraxdan soconaysa ee socodkeedu joogtada yahay inay ku dhacdo meel god ah ama il ku yaala dhulka? Innagoo waliba og in cilmi ahaan Qorradu aanay dhicin soona bixina, ee kaliya bani aadamka muqaalka u muuqda darteed ayagaa ula baxaya in qorraxdu dhacdo ama soo baxdo, sidaas awgeed ayuu Ilaahayna u adeegsaday ereygii ay bani aadamku meel ay joogaanba ay isticmaalayeen. Waxayna arrintaasina cadaynaysaa in wixii Dulqarnayn uu arkay inay ahayd aragiisa oo ay isaga ula muuqatay araga ah in Qorraxdii sii dhacayso, taasina waa mid qof kasta uu arki karo.

Mucjisooyinka kusoo arooray dhacdadan:

Waxa la yaableh markasta oo ay gaaladu isku dayaan inay duraan diinta Ilaahay wuxuu Allah muujiyaa xujooyin hor leh oo ku tusinaya mucjisooyinka diinta Islaamka. Aayada kusoo aroorta Suuratu Alkahfi wuxuu Ilaahay ku leeyahay Dulqarnay wuxuu gaadhay meesha ugu galbeedaysan Dhulka, kadibna wuxuu isaga u muuqatay in qorraxdu ku dhacayso il dhoobo ah, hadaba aynu is waydiino halkee ayaa ugu galbeedaysan Dhulka aynu ku noolnahay?

Meesha ugu shisheysa galbeedku waa Jasiirada Hawaii ee dalka Maraykanka, jasiiradaas waxa ku yaala ilo iyo godod holcaya oo ay sababeen fulkaanayaal ka qarxa deegaankaas, waxaana loo yaqaana Halemaumau. Ilahaas holcayaa waxa habeenkii muuqda midabkooda wuxuun u ekaadaa sida midabka Qorraxda oo kale.

Ilahaas ama gododkaas holcaya cidii aragta goor habeena wuxuu u malaynayaa inuu arkay qorraxdii oo godkaas gashay. Sidaas awgeed waxaynu leenahay Dulqarnay wuxuu gaadhay jasiiradaas Hawai ama jasiirad kale oo lamid ah kadibna habeenkii ayuu arkay ilahaas holcaya oo la moodo inay Qorraxdu ku dhacday. Daawo Sawirada Cajiibka ah.

Halemaumau Crater, Hawaii Volcanoes National Park

Vog plume and stars at dusk, Kilauea summit. Hawaii Volcanoes National Park, Hawaii, USA.

Markaynu aragno sawiradan laga qaaday Jasiiradaas Hawaii oo ah meesha ugu galbeedaysan Dhulka waxa inoo muuqanaya Habeenkii ilo fulkaanayaal dhaliyeen oo la moodo in qorraxdii ku dhacday, subxaanaAllah, waa muuqaalkii uu arkay Dulqarnayn.

Maxaa inooga soo baxay cilmi baadhistan?

  1. Quraanku wuxuu ka waramay araga iyo muuqaalka bani aadamka ee waxyaalaha ka fog uu ku cabiro.
  2. Quraanku wuxuu inoos sheegay meesha Aduunka ugu xigta galbeedka, arrintaas oo aan barigii hore waxba laga ogayn.
  3. Sideebuu nabigu ku ogaaday (scw) in meesha Aduunka ugu xigta galbeed inay leedahay ilo iyo godad holcaya.