Maalinba maalintta ka danbaysa waxa isasoo taraya Mucjisooyina Quraanka Kariimka ah, oo maalinba waxa daaha laga qaadaya arrin cilmi ah oo uu Quraanku ka hadlay 1400 oo sano ka hor. Inshallah, waxan soo bandhigi doonaa arrin cajiiba oo uu Allah kaga hadlay Quraanka, gaar ahaan Suurada Raxmaan, Aayada 37aad.

Tusmo

{فَإِذَا ٱنشَقَّتِ ٱلسَّمَآءُ فَكَانَتْ وَرْدَةً كَٱلدِّهَانِ}

{Markay Samadu dillaacdo oy noqot Ubax guduudan/casaaan ah oo la mid ah sida Subag la dhalaaliye} [Ramaan: 37]


Qarniga 21 aad ee aan noolnahay oo horumar laga sameeyey dhanka Tiknaloojiyada, waxa suurta gal u noqotay Culumada inay arkaan Samada soke iyo xidigaha ay ka koobantahay ayadoo la adeegsanayo Teleskoobyo Dhulka yaal iyo Teleskoobyada Dayax Gacmeedka. Waxaana u cadaadatay Culumada Cirbixiyeenada inay Xidiguhu marxalado kala duwan maraan, sida noolaha kaleba u maraan. Xidiguhu way dhashaan markaasay dhintaan hadana kuwo cusub ayaa ka dhasha qaraxyada Xidigo waaweyn oo cimrigoodu dhammaaday, kuwaas oo ayaguna ifa oo noolaada mudo cayiman. Kadibna qarax aad u weyn ayaa xidiga ku dhaca kaasoo sabab inuu gabi ahaanba dhinto oo baaba’o, sida xidigii ka horeeyey oo kale.

Sawirkan hoos ku sawiran waa Xidig cimrigiisii dhammaaday (Qarax kadib) oo shabaha Ubax lagu nashkhadeeyey Subag la dhalaaliyey. Wakaalada Maraykanka ee Cirbixiyeenada (Nasa) waxay sawirkan ku tilmaantay inuu yahay xidig u eeg Qorraxdeena oo dhintay. 

Waxa Cajiiba Xidigii markuu qarxay ee dhintay waxa uu shabahay Ubax  midabkiisu casaan yahay laguna nashkhadeeyey Subag la dhalaaliyey. SubxaanaAllah. Ilaahayna waxa uu leeyahay Samadu markay dillaacdo waxay noqotaa sida Ubax Cas oo lagu subkay Subag

[huge_it_slider id=”10″]