Magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa, mahaduna waxay usuganatahy Allah (S.W.T) waxaan kaloo ku sallinaynaa Nabigeena Muxamed (N.N.K.H). Hadda kahor waxaynu sharraxnay mucjisooyinka sayniska ah ee lagu xusay Quraanka iyo Sunnada Nabiga (N.N.K.H).

Kumanaankun oo sano ayey culumada Astronomer (cir bixiyeenadu) ay ku hawlanaayeen inay ka jawaabaan su’aalaha asalka u ah Koonka iyo meesha uu kayimid? miyuu Koonkani waligii sii jirayaa mise wuu baaba’ayaa? Koonku miyuu waligiiba jiray? Mise Koonka wuxuu lahaa bar bilow? Dabcan waydiimahan dadka aqoonta leh way isku dayeen inay ka jawaabaan laakiin nasiib xumo maysan lahayn aqoon diini ah ama iimaan ay ku rumeeyaan dacwada Nabiyada! Su’aalahaas oo aasaas u ah nolosha bani-aadamka waxa haboon in ay ka jawaabto cidda uga cilmiga badan oo ah Rabbigii abuuray Koonka iyo waxa ku guud nool.

Mudo badan culumada Falaka iyo cirbixiyeenadu maysan rumaysnayn in ay jirto Xidig-uruyo (galaxies) ka baxsan kan aynu ku noolnahay ee la yidhaahdo Milk way (Wado-Caaneed), manaysan ka haysan wax fikrad ah in Koonkan uu waynaado oo waasac noqdo.

Si kastaba ha ahaatee sanadku markuu ahaa 1929 kii ayaa nin cirbixiyeen ahaa oo la dhaho Edwin Hubble, uu markii ugu horeysay daaha ka qaaday arrin xaqiiqo cilmi ah noqotay, wuxuu ogaaday in ay jiraan malaayiin iyo malaayiin xidig ururyood oo ka baxsan xidig ururkeena Milk way. Kadibna wuxuu ogaaday in Koonkan uu waynaado oo dhankasta ama jaho kastab u fido.

Sidee lagu ogaaday in Koonku uu koro ama uu waasacmo?

Marka koowaad waxaynu ognahay in Ilayska Qorraxdu ay ka koobantahay 7 midab oo kala duwan. Waxa looga jeedaa ilayska Qorraxda ee ina soo gaadha hadii uu ka dhex baxo quraarad sadex geesood waxa ka dhalanaya todoba midab oo ay ugu horeyso midka casaanka kuna dhamaanaya midabka buluug maareega (violet).  Midabka casaanka ah waa midab mowjadiisu dheertahay halka midabka buluug-maareegana mowjadiisu ay gaabantahay.

Haddaba hadii aynu haysano Telekoobyo waaweyn oo aynu fiirino xidigaha Samada korkooda ah oo aynu cilmi baadhis ku samayno iftiinka xidigaas (Jeegaanta) waxaynu helaynaa sadex mid un.

  • Hadii xidigaas fogaanshaha uu inoo jiro ay tahay mid sugan oo aan is badalayn waxaynu helaynaa in iftiinka  jeegaantoodu ay la mid tahay jeegaanta caadiga ah.
  • Hadii xidigaas uu inagu soo dhowaanayo waxaynu arkaynaa in midabka jeegaanta u janjeedho midabka Buluuga ah, waxaanad moodaa in mowjadaha midabyadaaaas ay is cidhiidhinayaan.
  • Hadii xidigaas uu inaga fogaanayo waxa midabyada jeegaantaasi u janjeedhaan midabka Casaanka ah, waxaanad moodaa in mowjadaha midabayadaas ay kala tagayaan ama kala baxayaan.

Natiijada ay Culumada Falaku ay gaadheen waxay tahay in badi xidigaha iyo xidig-ururada inaga fog ay u ordayaan ayagoo fogaanaya xawaare aad u sarreeyana socodkooduna laga yaabo inay gaadho kumanaankun oo kilmitir ilbidhiqsigiiba. Sidaa darteed ayaa xidigaha badankoodu inoogu muuqdaan midabka Casaanka ah/guduudka ah.

Kadib markii ay horumartay aaladaha wax lagu qiyaaso iyo kuwa wax lagu baadho ee la adeegsaday teleskoobyo waaweyn iyo kubaacooyin soo dhoweynaya walxo inbadan inaga fog ayaa la ogaaday in Koonkan uu waasacmayo. [Expanding Universe]

Arrintan la daahfuray dhowaan ayaa lagu sheegay kitaabka Quraanka 1400 oo sano kahor. Wuuxu Allahu ku leeyahay Suurada 51 aad ee Daariyaat aayada 47 aad.

Tusmo

 [وَالسَّمَاءَ بَنَيْنَاهَا بِأَيْدٍ وَإِنَّا لَمُوسِعُونَ]

[Samada annakaa u dhisnay si xoog ah, waanan waasicinaynaa] [51:47] 

SubxaanaAllah, Ilaahay wuxuu yidhi: Samada ama Koonka waan waasicinaynaa. Culumada Falaga iyo cirbixyeenada waxay ku qaadatay inay ogaadaan arrintan Cilmiga ah 1400 oo sanadood. Waxaana run sheegay Allah oo yidhi:

[سَنُرِيهِمْ آيَاتِنَا فِي الْآفَاقِ وَفِي أَنفُسِهِمْ حَتَّىٰ يَتَبَيَّنَ لَهُمْ أَنَّهُ الْحَقُّ ۗ أَوَلَمْ يَكْفِ بِرَبِّكَ أَنَّهُ عَلَىٰ كُلِّ شَيْءٍ شَهِيدٌ]

[Waxaan aayaadkayaga ka tusaynaa Jahooyinka iyo Nafahooda illamaayo ay u cadaanayso inuu xaq yahay (Quraanku), Miyeyna Rabigaa ku filnayn inuu wax kasta marag ka yahay] [Fussilat: 53]


Waxa diyaariyey oo soo gudbinaya: Sh. Abdulaziz Sh. Mohamed Oogle