Magaca Ilaahay ayaan ku furufuranaynaa, waxaana mahadda iska leh Allah (S.W), waxaan kale oon ku sallinaynaa Nabigeena Muxamed (N.N.K.H). Walaalayaal kusoo dhowaada mucjiso kale oo Kitaabka Quraanka lagu xusay, sidaynu wada ogsoonahay Kitaabka Quraanka waa hadalkii Ilaahay oo loo waxyooday Nabigii ugu danbeeyey waa Rasuulkii Ilaahay ee Muxamed (N.N.K.H).

Mucjisooyinka Quraanka oo aan kala go’ayn ayaan inshallah wax ka tilmaami doonaa, gaar ahaan mucjisada tiro ee kusoo aroortay magacyada Nabi Aadam iyo Nabi Ciise (N.N.K.H).

waxaynu ognahay in gaalada Kiristanku ku xadgudbeen adoonkii Ilaahay ee Nabi Ciise (N.N.K.H) ayagoo ku tilmaamay inuu yahay wiil Ilaahay dhalay, waxa la yaab leh kolka Kiristanka la waydiiyo maxaa Ciise Masiix ka dhigay wiilka kaliya ee la dhalay sida ku qoran kitaabka Baybalka gaar ahaan Yoxana cutubka 3 aad faqrada 16 aad oo leh (Ilaah intuu dunida jacayl u qabay ayuu siiyey wiilkiisa kaliya ee dhashay) [John 3:16]

Masiixi booskiisa ku faana ma jiro hadaanu soo qaadan weedhan kor ku qoran ayagoo Ilaahay u nisbaynaya inuu wiil dhalay (Ilaahaybaan ka magan galnayee). Arrinta dhalmada ahina Ilaahay (S.W) wuu ceebeeyey sababtoo ah maaha wax u cuntama Ilaaha kalida ah ee aan wehelka lahayn. Hadaba hadii aan waydiino Kiristanka maxaa ka dhigay Nabi Ciise (N.N.K.H) inuu noqdo wiilka kaliya ee la dhalay? Waxay ina odhanayaan wuxuu ku dhashay qaab mucjiso ah oo aabo la’aan ayuu dhashay halka basharku dhashaan ayagoo leh aabo iyo hooyo sidaa darteed aabihii waa Ilaahay ayey ina odhanayaan.

Jawaabta ugu wanaagsan ee caqliga gali karta waxa weeye hadii Nabi Ciise (N.N.K.H) uu aabo la’aan ku noqday wiil Ilaah dhalay (Ilaahbaan ka magan galnayee) bal kawarama Nabi Aadam (N.N.K.H) oo isagu aabo iyo hooyaba aan la hayn!!!! mida kale hadii Ciise (N.N.K.H) uu mucjisadaa aabo la’aanta uu ku yahay Ilaah, miyaanu Nabi Aadam noqonayn Ilaah kasii wayn isaga, maadaama aanu aabo iyo hooyaba aanu lahayn. SubxaanaAllah. Arrintaas oo Ilaahay (S.W) ka hadlayo ayuu ku sheegay kitaabka Quraanka suurada Al-Cimraan:59

{إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ خَلَقَهُ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ}

{Tusaalaha Ciise Ilaahay agtiisa waa sida (Nabi) Aadam, Ilaahbaa ka Abuuray carro/ciid markaasuu ku yidhi ahow wuuna ahaan}.

Hadaynu u fiirsano Aayadan sharafta leh wuxuu Ilaahay (S.W) inoo tilmaamay in Nabi Ciise (N.N.K.H) iyo Nabi Aadam (N.N.K.H) ay isku mid yihiin oo mid walba uu ku abuuray weedhiisa Ahow wuuna yahay. Sidoo kale labadooduba waxay ahaayeen mucjiso uu Ilaahay ugu talo galay inuu ina tuso inuu wax kasta awood u leeyahay, Ilaahbaana xumaan iyo nuqsaanba ka hufan oo ka dheere.

Tusmo

Arrinnta yaabka leh maaha oo kaliya in Nabi Ciise iyo Nabi Aadam (N.N.K.H) ay isku mid ka yihiin xaga abuurista ee sidoo kale mid kasta magiciisa waxa Quraanka lagu xusay 25 jeer. Hadaynu baadhno magaca Ciise (عيسى) waxa Quraanka lagu sheegay 25 jeer, dhanka kalena magaca Aadam ( آَدَمَ) waxa lagu sheegay Quraanka 25 jeer. SubxaanaAllah.

Hadaba hadii aynu wada daalacano aayadaha lagu xusay magacyada (عيسى) iyo ( آَدَمَwaxaynu helaynaa in hal aayad oo kaliya ay magacyadani ku kulmaan waa Aayda 59 ee suurada Al-Cimraan [Al-Imran:59] kumana kulmaan meel kale oo aan aayadaa ahayn. {إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ خَلَقَهُ مِنْ تُرَابٍ ثُمَّ قَالَ لَهُ كُنْ فَيَكُونُ}.

Waxa kale oo mucjiso ah in markaynu tirinayno aayadaha lagu xusay magaca (Aadam) iyo (Ciise) ee aynu kasoo bilowno tirinta bilowga Quraanka waxaan helaynaa in labada magacba ka tirsadaan todoba jeer Aayadan 59 aad ee Al-Cimraan. Macnaha hadii aynu 25 ka jeer ee magaca (Ciise) lagu xusay Quraanka tirino markaynu marayno aayadan kor ku xusan waxay tiradu tahay Todoba, kolka aynu tirinayno 25 ka jeer ee magaca (Aadam) lagu xusay Quraankana waxaynu helaynaa markaynu marayno aayada kor ku xusan in tiradu tahay Todoba. Sifiican si aan u fahano aan akhrino jadwalkan hoos ku dhajisan oo ay aayadaha oo dhan ku qoran yihiin.

No. Aayadaha lagu xusay magca Aadam Tixraac. No. Aayadaha lagu xusay magaca Ciise Tixraac.
1 وَعَلَّمَ آَدَمَ الْأَسْمَاءَ كُلَّهَا 2:31  1 وَآَتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَاتِ 2:87
2 قَالَ يَا آَدَمُ أَنْبِئْهُمْ بِأَسْمَائِهِمْ 2:33 2 وَمَا أُوتِيَ مُوسَى وَعِيسَى 2:136
 3 وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ 2:34   3 وَآَتَيْنَا عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ الْبَيِّنَاتِ  2:253
 4 وَقُلْنَا يَا آَدَمُ اسْكُنْ أَنْتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ 2:35   4 اسْمُهُ الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ  3:45
 5 فَتَلَقَّى آَدَمُ مِنْ رَبِّهِ كَلِمَاتٍ  2.37  5 فَلَمَّا أَحَسَّ عِيسَى مِنْهُمُ الْكُفْرَ  3:52
6 إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى آَدَمَ  3.33 6 يَا عِيسَى إِنِّي مُتَوَفِّيكَ 3:55
7 إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ 3:59 7 إِنَّ مَثَلَ عِيسَى عِنْدَ اللَّهِ كَمَثَلِ آَدَمَ 3:59
8 وَاتْلُ عَلَيْهِمْ نَبَأَ ابْنَيْ آَدَمَ بِالْحَقِّ 5:27  وَمَا أُوتِيَ مُوسَى وَعِيسَى  3:84 
ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ 7:11  9 وَقَوْلِهِمْ إِنَّا قَتَلْنَا الْمَسِيحَ عِيسَى ابْنَ مَرْيَمَ 4:157 
 10 وَيَا آَدَمُ اسْكُنْ أَنْتَ وَزَوْجُكَ الْجَنَّةَ  7:19  10 وَعِيسَى وَأَيُّوبَ وَيُونُسَ  4:163
 11 يَا بَنِي آَدَمَ قَدْ أَنْزَلْنَا عَلَيْكُمْ لِبَاسً  7.27 11 إِنَّمَا الْمَسِيحُ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ رَسُولُ اللَّهِ 4:171 
 12 يَا بَنِي آَدَمَ لَا يَفْتِنَنَّكُمُ الشَّيْطَانُ  7:27  12 وَقَفَّيْنَا عَلَى آَثَارِهِمْ بِعِيسَ  5:46
13   يَا بَنِي آَدَمَ خُذُوا زِينَتَكُمْ عِنْدَ كُلِّ مَسْجِدٍ 7:31  13 عَلَى لِسَانِ دَاوُودَ وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ 5:87 
14   يَا بَنِي آَدَمَ إِمَّا يَأْتِيَنَّكُمْ رُسُلٌ مِنْكُمْ  7:35 14 إِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى 5:110 
 15  وَإِذْ أَخَذَ رَبُّكَ مِنْ بَنِي آَدَمَ  7.172 15 إِذْ قَالَ الْحَوَارِيُّونَ يَا عِيسَى 5:112 
 16 وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ   17:61 16 قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ 5:114 
 17  وَلَقَدْ كَرَّمْنَا بَنِي آَدَمَ 17.70  17 وَإِذْ قَالَ اللَّهُ يَا عِيسَى  5:116
18   وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ  18:50  18 وَزَكَرِيَّا وَيَحْيَى وَعِيسَى  6:85
19   مِنْ ذُرِّيَّةِ آَدَمَ 19:58  19 ذَلِكَ عيسَى ابْنُ مَرْيَمَ 19:34 
 20 وَلَقَدْ عَهِدْنَا إِلَى آَدَم 20:115 20 وَمُوسَى وَعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ  33:7
21  وَإِذْ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ 20:116  21 إِبْرَاهِيمَ وَمُوسَى وَعِيسَى 42:13 
 22  فَقُلْنَا يَا آَدَمُ إِنَّ هَذَا عَدُوٌّ لَكَ  20:117 22 وَلَمَّا جَاءَ عِيسَى بِالْبَيِّنَاتِ  43:63
23  فَوَسْوَسَ إِلَيْهِ الشَّيْطَانُ قَالَ يَا آَدَمُ 20:120  23 وَقَفَّيْنَا بِعِيسَى ابْنِ مَرْيَمَ  57:27
 24 وَعَصَى آَدَمُ رَبَّهُ فَغَوَى  20:121 24 وَإِذْ قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ 61:7 
 25  يَا بَنِي آَدَمَ أَنْ لَا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ  36:60 25 كَمَا قَالَ عِيسَى ابْنُ مَرْيَمَ 61:14 

Jadwalka markaynu akhrino waxaan aragnaa in magaca (Aadam) iyo magaca (Ciise) kusoo arooray Quraanka 25 jeer, sidoo kalena aayada 7 aad ee Jadwalka oo ay labada magacba ku kulmaan waxay mid kastaa ka tirsadaa Todoba jeer kolkaynu tirinta ka bilowno bilowga Quraanka.

Walaalayaal dadka dafiraya Quraanka iyo diinta Islaamka miyeyna u ahayn tusaale iyo inay wax ku qaataan tiradan mucjisada ah oo aan baniaadamku awoodi karin inay isku beegbeegaan tirada magacyada Nabi Aadam iyo Nabi Ciise (N.N.K.H)

Waxa kaliya oo inala haboon waa inaynu Ilaahay u mahad celino sidoo kalena gaadhsiino macluumaadkan cid kasta si ay uga faa’idaysaan. Ilaahay haynaga anfaco, cilmigana haynoo kordhiyo. Aaaaaamiiiiiin.


WD: Sh.Abdulaziz Mohamed Oogle

Xigasho: Eng. Abduldaim Kaheel. Quraanka Kariimka ah. Baybalka.

www.gaaaldii.com