{والسماء ذات الحبك}

Sanadkii 2000 ayey culumada Falgu (Astronomy) ay arkeen in koonku yahay sida xuubka caarada oo kale, Iminka ayaa la daahfuray arrintan cilmiga ah. Culumada waxa u suurta gashay inay arkaan shabagado Xidig ururo badan ah (glaxies) kuwaas oo  inaga fog todoba bilyan ilays sanadeedka cadceeda. Wakaalada la socota falagyada ee waqooyiga Yurub waxay tibaaxday in daahfurkani suurtagalay kadib markii la adeegsada kubaacooyin soo dhoweynaya sawirka Koonka. Waxaanu Macluumaadkani soo kordhiyey in la ogaan karo qaabkii uu Koonku ku abuurmay. Waxay kale oo sheegeen in xidig ururadan isu haystaan sida xuubka caarada oo kale. Shabagadahan xidgyada falagu waxay inoo jiraan masaafo aad u fog oo lagu qiyaasay 7,6 bilyan oo ilays qoraxeed. [huge_it_slider id=”7″]

Hadaba xidig ururadan aadka inooga fog ee shabahay sida xuubka caarada waxay kusoo aroortay Quraanka Kariimka mudo ka badan 1400 oo sano ka hor. Allah waxa uu ku leeyaha suurad 51 aad ee Daariyaat aayada 7aad.

{والسماء ذات الحبك}

“Eebe ayaa ku dhaartay Samadan xuubka (wadooyinka) u saaxibka ah”

Hadaba yaa uga waramay Nabi Muhamed (N.N.K.H) arrintan mucjisda ah ee suurtagashay  oo kaliya xilligan aynu noolnahay? Ilaahay subxanu wa tacaala ayaa uga waramay.