Kaneecadan yar ee dadka agtooda daciifka ka ah Ilaahay kamuusan xishoon inuu tusaale usoo qaato. Waxyaalaha la yaabka ah waxa ka mid ah in Kaneecadu baalasheeda ruxdo halkii ilbidhiqsiba 500 oo jeer. Kaneecda teeda dhidig ayaa nuugta dhiiga halka ka labka ah uu quuto dhirta iyo Ubaxa sidaa darteed ayaa markuu Ilaahay ka waramayey Kaneecada waxa uu soo qaatay kaneecda dhidig. Kaneecadu waxay leedahay sadex qalbi mid dhexe iyo laba baalasha xiga. Waxay leedahay indho badan oo kala madax banaan. Kaneecada waxa ku rakiban aalado aan ku rakibnayn diyaaradaha casriga ah ee aduunka. Waxay leedahay jihaas u shaybaadha dhiiga ay quudanayso, waxay leedhay qalab suuxiyo cida ay qaniinayso, sidoo kale waxa ku rakiban qalab fudaydiya dhiiga ay nuugayso kaas oo uga dhaigaya dareere ay qaadan karto. Kaneecadu waxay isku taagi kartaa meelaha siman sida quraarada iyo meelaha kala dheer sida dhirta iyo looxyadaba. Kaneecadu waxay wax ku dareentaa xaraarad taas oo ay isugu mid tahay habeen iyo maalin markay raadsanayso cid ay quudato. Kaneecadu waa mid ka mid ah ciidanka Ilaahay waxay dishay in kabadan boqolkiiba konton dadkii dunida korkeeda ku noolaa. Cudurka ay dhaliso ee Malaria ayaa malaayiin dad ah u dhintaan sanadkasta. Waxa cajiiba in kaneecada dusheeda ay ku nool yihiin cayayaan kale taas oo Allah ku tilmaamay Quraanka suurada Baqara Aayada 26 aad.

إِنَّ اللَّهَ لَا يَسْتَحْيِي أَن يَضْرِبَ مَثَلًا مَّا بَعُوضَةً فَمَا فَوْقَهَا ۚ فَأَمَّا الَّذِينَ آمَنُوا فَيَعْلَمُونَ أَنَّهُ الْحَقُّ مِن رَّبِّهِمْ ۖ وَأَمَّا الَّذِينَ كَفَرُوا فَيَقُولُونَ مَاذَا أَرَادَ اللَّهُ بِهَٰذَا مَثَلًا ۘ يُضِلُّ بِهِ كَثِيرًا وَيَهْدِي بِهِ كَثِيرًا ۚ وَمَا يُضِلُّ بِهِ إِلَّا الْفَاسِقِينَ

Eebe kama xishoodo (reebtoonaado) inuu tusaale u yeelo kaneeco iyo waxkasareeyaba, kuwa (xaqa) ru-meeyeyse waxay ogyihiin inuu xaqyahay (Quraanku) kana yimid xagga Eebahood kuwa gaaloobayse waxay dhihi muxuu Eebe ula jeedaatusaalahan, wuxuu ku dhumin Eebe in badan wuxuuna ku hanuunin in badan waxaan faasiqiin ahayna kuma dhumiyo.

Halkan ka daawo muuqaal ka warbixinaya Kaneecada iyo mucjisada Quraanka.

[huge_it_videogallery id=”14″]

mosquito animated