Magaca Ilaahaybaan ku bilaabnay, mahad dhamaanteed waxay u sugnaatay Ilaahay Subxaana wa tacaala. Naxariis iyo Nabadgalyo korkiisa ha ahaato Rasuulkii Suubanaa ee Muxamed (N.N.K.H). Waa mar kale iyo mucjisooyinkii cilmiga ahaa ee Diinta Islaamka.

Eebe (S.W) waxa uu canaantay dad muslimiin ahaa oo ka orday khudbadii Jimcaha oo Nabigu akhrinayo isagoo taagan, kadib markii magaalada Madiina ay timid safar ganacsiyeed sida hanti iyo xoolo lakala gadanayo. Dabadeed saxaabadii Rasuulka oo khudbadii Jimcaha dhagaysanaya ayaa ka orday khudbadii Jimce oo isugu biyo shubtay safarkii yimid. Kaliya waxa Rasuulka kusoo hadhay 12 nin oy ka mid yihiin Abubakar iyo Cumar ibnu Khadaab (I.R.H). Nabigii Ilaahay oo mowqifkan yaabka leh ka hadlaya ayaa waxa uu dhahay:

{ والذي نفسي بيده ، لو تتابعتم حتى لم يبق منكم أحد ، لسال بكم الوادي نارا }

{Kay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, hadaad is raacdaan oo midna idin ka hadheen, Waadiga ayaa idin la dareeri lahaa Naar} Sxiix ibnu Xabaan, M: 15 Boga: 299.

Kadibna waxa soo dagtay Aayada 11 aad ee Suurada Jumca. Ilaahay oo ka hadlaya arrintan waxa uu leeyahay:

{وَإِذَا رَأَوْا تِجَارَةً أَوْ لَهْوًا انفَضُّوا إِلَيْهَا وَتَرَكُوكَ قَائِمًا قُلْ مَا عِندَ اللَّهِ خَيْرٌ مِّنَ اللَّهْوِ وَمِنَ التِّجَارَةِ وَاللَّهُ خَيْرُ الرَّازِقِينَ [62:11}

{Markay arkaan tijaaro (Ganacsi) ama Ciyaar (wax lagu shuqloomo) way aadaan, waxayna kaa tagaan Nabiyow adoo taagan (Khudbo akhrin) waxaad dhahdaa waxa Eebe agtiisa ah yaa ka khayr badan Ciyaar iyo Ganacsiba, Ilaahay waa kan ugu khayr badan inta wax arsaaqda.} Al-Jumca: 11

Arrinta yaabka leh waxay tahay in Nabigii Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa ha ahaatee inooga waramay in wabiyada, togaga iyo waadiyadu ay dareeri karaan Naar waana awooda Eebe. Arrintaas oo xilligii uu Rasuulku  noolaa aan la arkin ayaa maanta meelo badan oo dunida ah lagu arkaa. Mida kale dhulka uu Rasuulku ku noolaa oo ahaa dhul saxare ah oo qallafsan, engagsan oo ay ku yaryihiin wabiyada iyo durdurada biyaha ayaa waxa is waydiin mudan sidee buu ku ogaaday Nabigii Ilaahay arrintan!!! Jawaabtu waa waxyi uga yimid xage Eebe subxaana wa tacaala.