Ma ogtahay in guryaha dhaadheer ee ka agtaagan Kacbadu inay kamid yihiin calaamadaha saacada Qayaame, sidoo kale kanaalada dhaadheer ee kaqodon buurta Makkah ayaguna ay kamid yihiin calaamadaha saacada Qayaame. Dhanka kale dhuumaha dhaadheer ee soo qaada biyaha Zamzamka ama kuwa qaboojiya ayaguna waxay kamid yihiin calaamadaha saacada Qayaame.

Wuxuu ibnu Abi Shaybah kusoo saaray kitaabkiisa Musanafka xadiiskan:

حَدَّثَنَا غُنْدَرٌ عَنْ شُعْبَةَ عَنْ يَعْلَى بْنِ عَطَاءٍ عَنْ أَبِيهِ قَالَ : كُنْت آخِذًا بِلِجَامِ دَابَّةِ عَبْدِ اللَّهِ بْنِ عَمْرٍو فَقَالَ : كَيْفَ أَنْتُمْ إذَا هَدَمْتُمْ الْبَيْتَ ، فَلَمْ تَدَعُوا حَجَرًا عَلَى حَجَرٍ ، قَالُوا : وَنَحْنُ عَلَى الْإِسْلَامِ ؟ قَالَ : وَأَنْتُمْ عَلَى الْإِسْلَامِ ، قَالَ : ثُمَّ مَاذَا ؟ قَالَ : ثُمَّ يُبْنَى أَحْسَنَ مَا كَانَ ، فَإِذَا رَأَيْت مَكَّةَ قَدْ بَعَجَتْ كَظَائِمَ وَرَأَيْت الْبِنَاءَ يَعْلُو رُءُوسَ الْجِبَالِ فَاعْلَمْ أَنَّ الْأَمْرَ قَدْ أَظَلَّك .المصنف » كتاب الفتن (124)

Yaclaa ibnu Cadaa wuxuu ka wariyey aabihii inuu dhahay: Waxaan ahaa mid haya hogaanka daabada (hashii) Cabdilaahi ibnu Camru markaasu dhahay: “Ka warrama markaad dumisaan Baytka oo aydaan reebin dhagaxdhagax! Waxay dhaheen: markaa ma Islaam ayaanu nahay? Wuxuu dhahay: Waxaad ku sugantihidin Islaamka, wuxuu yidhi: Markaana maxaa xiga? Wuxuu dhahay: Markaa waxa la dhisaya mid ka wanaagsan, hadaad aragto Makkah oo la qoday dhuumaheeda oodna aragato dhismaha oo ka sareeya buuraha madaxeeda, ogsoonow in arrinkii kusoo hadhiyey” [Musannaf ibnu abii Shaybah:125]

Xadiiskan wuxuu ku dhamaaday Cabdilaahi ibnu Camru ibnu Alcaas (I.R.H), waan suurtagal in Cabdilaahi xadiiska ka maqlay nabiga (scw) maadaama uu ahaa saxaabi, waxa kale oo suurtagal ah in Cabdilaahi uu fasiray axaadiis kale oo nabiga ka sugan sida xadiiska saxiixa ah ee nabigu ka warramayo in geeljiriihii kabaha la ‘aa ay dhisanayaan guryo dhaadheer ayna ku baratamayaan.

Waxa kale oo jira xadiisyo kale oo xoojinaya:

يزيد بن أبي زياد، عن مجاهد، عن عبد الله بن عمرو بن العاص أنه قال: “إِذَا رَأَيْتَ الْبِنَاءَ ارْتَفَعَ إِلَى أَبِي قُبَيْسٍ, وَجَرَى الْمَاءُ فِي الْوَادِي ؛ فَخُذْ حِذْرَكَ” رواه عبد الرزاق في “التفسير” (3/183)، ونعيم بن حماد في “الفتن” (1/43)، والفاكهي في “أخبار مكة” (1/339، وأيضا3/42)

Cabdilaahi ibnu Camru waxa laga wariyey inuu dhahay: “Hadaad aragto dhismaha oo sare maray Abiqubeys (Buurta Makkah), biyuhuna ku socdeen waadiga, qaado digtoonidaad” [Waxa soo saaray Cabdirizaaq, Tafsiirka: 3/183]

Xadiiskana waxa ku jira Yaziid ibnu Abiziyaad oo ah daciif, si kastaba ha ahaatee labada xadiis marka la isu geeyo abtirsiintooda iyo warka ay xanbaarsanyihiin waa lasoo xigan karaa.

Macnaha guud ee ay ka waramayaana waa in magaalada Makkah dhismayaashoodu ay ka dheeraanayaan buuraha Makkah, in la qodayo kanaalo iyo dhuumo, iyo biyaha Zamzamka ay soconayaan oo qasabado iyo dhuumoba ay soo raacayaan.

Dhacdooyinkaas xadiisku sheegayna waa la arkay intoodaba, oo Kacbada hareerteeda waxa laga taagay dabaqyo aad u dhaadheer, waxaa la qoday kanaalo buuraha hoostooda ah oo ay gaadiidku isaga kala gooshaan, sidoo kalena waxa la soosaaray biyihii Zamzamka ayagoo soo mara dhuumaha iyo qasabadaha qaboojiya iyo kuwa qaybiyaba. Hadii aad aragto dhacdooyinkaasna ogsoonow Qiyaamihii wuu ku hayaa oo waa qariib.