Ballantii Marxuumka!!
=================

Asc seetahy sheekhow, adigoo mahadsan ayan rabaa inaan Su’aal ku weydiiyo, shiiqow gabar walashey ah oo Ninkeeda dhintay ayaa asagoo dhimanin waxay ku ballameen hadaan dhinto Nin kale gadaashey ha guursan, hadaad dhimatana Naag kale maguursanayo, Ilaah amarkii ninkii wuu dhintay, sanadooyin ayaa kasoo wareegatey, marka hada markasto nin ayaa soo doona, ayadana ballantii seen yeelaa ayey dhahdaa, marka shiiqow kawaran kafaare malaga rabaa?

===================
Wcs Walaashay waxaan Leeyahay:

Alxamdulilah, ballanta ay Marxuumka wada galeen waa mid aan sharciga waafaqsanayn, mana u fadhineyso, ee waa iney guursato hadii Nin diin iyo dabeecad wanaagsan leh ay heshiiyaan, waayo baahida guurka aynu u qabnaa waa mid Ilaahay innagu abuuray, laguna dhaaran karin in laga caaganaado..

Wey dhici kartaa oo waa arrin bannaan hadey iyada ama isagu midkood iskiis isaga dhaafo Guurka, isagoo xusuustii saaxiibkiis xeerinaya, sida laga weriyey Ummu Dardaa, markii zawjkeedu dhintay ayaa saxaaba kale soo dooneen, markaasey diidey oo tiri: Abu Dardaa nin kale ku doorsan maayo!!! laakiin isagoo u baahan, ballan uu galay ugama joogayo, hadeey dhaar ahaydna kafaara gud ayey ka samayneysaa, waana guursaneysaa.. Si guud ahaaneedna ma bannaana qofku inuu galo ballan ama dhaar sharciga ka hor imaaneysa..


Xigasho: Fatwooyinka Shiikh Muxamed Idriis. Boggiisa Facebook: https://www.facebook.com/Sh.Idris/