Tusmo

Su’aal:

Hadii Islaamku uu kasoo horjeedo sanamyada oo uu dhaleeceeyeyna, maxay Muslimiintu u caabudaan ama ugu sujuudaa Kacbada?

Jawaab:

Kacbadu waa qiblada Muslimiinta waana jihada loo jeesto kolka la tukanayo. Waxaana muhiim ah in la ogaado in marka Muslimiintu ay u jeesanayaan Kacbada aanay caabudayn Kacbada, ee Muslimiintu waxay caabudaa Ilaaha kalida ah ee aan Ilaah kale oo waheliyaa aanu jirin. Waxa lagu xusay Quraanka Kariimka ah in Ilaahay faray Muslimiinta inay qiblo loo jeesto ka yeeshaan Kacbada:

قَدْ نَرَىٰ تَقَلُّبَ وَجْهِكَ فِي السَّمَاءِ ۖ فَلَنُوَلِّيَنَّكَ قِبْلَةً تَرْضَاهَا ۚ فَوَلِّ وَجْهَكَ شَطْرَ الْمَسْجِدِ الْحَرَامِ ۚ وَحَيْثُ مَا كُنتُمْ فَوَلُّوا وُجُوهَكُمْ شَطْرَهُ ۗ وَإِنَّ الَّذِينَ أُوتُوا الْكِتَابَ لَيَعْلَمُونَ أَنَّهُ الْحَقُّ مِن رَّبِّهِمْ ۗ وَمَا اللَّـهُ بِغَافِلٍ عَمَّا يَعْمَلُونَ ﴿١٤٤

“dhab ahaan ayaan ugu arkaynay gagadookna Wajigaaga ee Samada, waxaana kuu jeedinaynaa Qiblo aad ka raali noqon, ee u jeedi Wajigaaga xagga Masjidka Xurmeysan, meelkastood joogtana u jeediya Wajigiinna xagiisa, kuwa Kitaabka la siiyeyna waa ogyihiin in jeedintaas xaq Ilaahay ay tahay, Ilaahayna ma halmaansana waxay Camal fali.” [Albaqara: 144]

  • Muslimiintu waxay rumaysanyihiin midnimada:

Kasoo qaad in koox muslimiin ah ay rabto inay oogaan salaada, waxa macquula in mid kamid ah dhaho; anigu dhanka bari ayaan u jeesanayaa, kan kalena uu dhaho aniguna galbeed ayaan ujeesanayaa. Sidaa awgeed waxa lagama maarmaan ah inay jirto hal jiho kaliya oo midaysa, waana jihada Ilaahay u dooray Muslimiintu inay xageeda u tukadaan. Muslimkasta oo dunida joogaa wuxuu soo qaabilayaa kolkuu tukanayo jihada Qiblada oo ah Kacbada.

  • Kacbadu waxay ku taala badhtanka Khariidada Caalamka.

Muslimiinta ayaa ahaa dadkii ugu horeeyey ee sawiray khariidada Caalamka, ayagoo sawiray in khariidada xageeda koonfureed ay sarrayso, waqooyiguna uu hooseeyo. Kacbaduna waxay ahayd badhtanka Khariidada. Mar danbe waxa yimid reer galbeedka oo u sawiray khariidada mid kasoo horjeeda khariidadihii hore, oo koonfurtu ay hoosayso, waqooyiguna uu sarreeyo. Hadana Kacbadu wali waa badhtanka Khariidada, ayadoo lakala qallibayba.

  • Dawaafka Kacbada.

Kolka Muslimintu ay galaan Masaajidka Xaramka, waxay layimaadaan dawaaf. Dawaafkaas oo ka turjumaya in la caabudayo hal Ilaah oo kaliya. Wareeg kastana wuxuu leeyahay hal center (udub dhexaad), maxaa yeelay waxa jira hal Ilaah oo kaliya.

  • Kacbadu dhib iyo dheef toona ma hantaan, ee dhibka iyo dheeftuba waxay ku jirtaa gacanta Ilaahay.

Xadiiskii Cumar ibnu Khadaab ayaa u daliila in Muslimiintu waligood aanay caabudin Kacbada iyo wixii lamid ahba, wuxuu yidhi Cumar ibnu Khadaab oo ahaa saxaabigii labaad ee ugu khayrka badnaa saxaabada.

قبل عمر بن الخطاب الحجر ثم قال أم والله لقد علمت أنك حجر ولولا أني رأيت رسول الله صلى الله عليه وسلم يقبلك ما قبلتك

 Cumar ibnu Khadaab ayaa dhunkaday dhagaxa, markaasu dhahay: “Ilaahbaan ku dhaartee, dhab waxaan u ogahay inaad adigu tahay dhagax, ee hadaanan arkin Rasuulkii Ilaahay (scw) oo ku dhunkanaya kumaan dhunkan lahayn.” [Muslim: 1270]

  • Dad ayaa ku dul istaagay Kacbada ayagoo ka dul adimaya.

Xilligii nabigu noolaa, dadka qaar ayaa kacbada dusheeda ku istaagay oo ka dul adimay. Adigana aan ku waydiiyey su’aashan ee miyey jiraan sanam Aduunka la caabudo oo madaxiisa lagu istaagto?


Xigasho: Dr Zakir naik, common questions about Islam.