Waysada waxa jabiya dhawr arrimood oo qaarna laysku waafaqsanyahay kuwo kalena laysku khilaafyahayahay, waxyaalaha buriya Waysada waxa kamid ah:
1:- Wixii kasoo baxa labada Jid (Kaadi, Saxaro ama Neef) Waxaana u daliila Aayada Quraanka ah: (أو جاء أحد منكم من الغائط ) [النساء: 43] iyo Xadiiskii Nabiga [“فلا ينصرف حتى يسمع صوتاً أو يجد ريحاً] [Yaanu tagin illamaayo uu maqlo Cod ama uu helayo Naqas]
2:- Miyirka oo doorsooma, sida Hurdo, Koomo (suuxid), Maandooryaha iyo Waalida. Waxaana u daliila Xadiiska Nabiga (N.N.K.H) oo ahaa [ فمن نام فليتوضأ] [Cidii Seexataa ha waysaysato] Hurdada waxa looga jeeda Hurdada wayn, sababtoo ah waxa soo arooray in Saxaabada qaar intay seexdaan ay tukan jireen ayagoon waysaysanin, sababtana Culumadu waxay tilmaamaan inay Hurdado ahayd mid fudud oo ayagoo fadhiya gidaarka Masaajidka ay luloon jireen kadibna ay tukan jireen. Wallahuaclam
3:- Xubinka taranka ama Cawrada oo  la tabaato Maro la’aan. waxaana u daliila Xadiiskan:[ من مس فرجه فليتوضأ ] [Cidii taabta Farjigiisa ha waysaysto]
4:- Ninka oo taabta Jidhka Haweenka ama Gabadha oo Taabata Jidhka Ninka, Dabcan waa laysku khilaafay Taabashada, waxaana loo badanyahay in taabashada looga jeedo xidhiidhka gogosha sida Allah uu leeyahay [أو لا مستم النساء] [Inaad Haweenka taabataan]. Balse Ninku haduu taabto Jidhka Haweenayda uu qabo ama Haweenaydu taabato Jidhka Odaygeeda waxa loo badanyahay inaanay Waysadu ka jabayn. Waxaana Daliil u ah Xadiiska Caasha warinayso [قَبَّلَ بَعْضَ نِسَائِهِ ثُمَّ خَرَجَ إِلَى الصَّلَاةِ وَلَمْ يَتَوَضَّأْ] [Nabigu wuxuu dhunkaday Haweenkiisa qaar markaasuu u baxay Salaada manuusan waysaysanin] Tirmadi (86).
5: Hilibka geela:- Waxaana u daliila Xadiiska Jaabir [حديث جابر بن سمرة رضي الله عنه أن رجلاً سأل رسول الله صلى الله عليه وسلم: أنتوضأ من لحم الغنم؟ قال: “إن شئت فتوضأ، وإن شئت لا تتوضأ”، قال: أنتوضأ من لحوم الإبل؟ قال: نعم توضأ من لحوم الإبل“. رواه مسلم.] [Nin ayaa waydiiyey Nabiga (N.N.K.H) Ma ka waysaysanaa Hilibka Adhiga? wuxuu yidhi: Hadaad doonto wayso qaado, hadaad doontana ha wayso qaadan. Wuxuu yidhi Ninkii: Ma ka waysaysanaa Hilibka Geela? Wuxuu yidhi: Haa.
6: Ruuxa ridooba, ka baxa Diinta Islaamka, kaas waxba lagama aqbalayo camalkiisiina waa buray. Sida Allah leeyahay [ لئن أشركت ليحبطن عملك] [Hadaad gaalowdo Camalkaagii waa buray].
7: Maydka oo la dhaqo.