Tusmo

MA RABTAA INAAD NABIGA (SCW) ARAGTO?

Bismillaah, walaalayaal su’aashaas wiil ayaa waydiiyey macalinkiisii markaasu macalinkii dhahay; “Hadaad rabto inaad aragto nabiga (scw) caawa isoo raac, waxaad ii tahay martiye” Wiilkii gurigii macalinkiisa ayuu aaday, kadibna macalinkii wuxuu u keenay cunto ay ka buuxdo milix ama cusbo, dabadeedna wiilkii ayaa dhahay: “Macalinoow, waxaan ubaahanay biyo inaan cabo?” Macalinkii wuxuu yidhi: “Maya, maya majirto wax biyo ah, hadaad rabto inaad aragto xabiibka Muxamed (scw) biyo ma cabaysid.

Wiilkii habeenkii ayuu seexday isagoo haraadan, kadibna subaxii kolkuu usoo kacay salaadii subaxa ayuu macalinkii waydiiyey; Maxaad aragtay xalay? wiilkii wuxuu yidhi: “Waxaan arkay wabi biyo ah oo dareeraya, bad wayn, il biyo ah oo qubanaysa!! Macalinkii barbaariyaha ahaa ayaa wiilkii ku dhahay; “Dhagayso wiilkaygoow, niyadaada ayaa run sheegtay, markaasay riyadaadiin run sheegtay, hadaad jacaylka nabigu kaa dhab yahay, waxaad arki lahayd xabiibka Muxamed (scw)”.

Qisadaas inta badan culumado way soo aroriyaan ayagoo gogol dhac uga dhiga in riyada lagu arko rasuulka Ilaahay aanay ahayn wax cayaara, ee ay ubaahantahay inaad si dhab ah u jeclaato, hadaad jeceshahayna waa inaad raacdaa sunnada nabiga scw.

Wuxuu dhahay Shiikha wayn ee caanka ah ee reer Masar, shiikh Muxamed Xasaan ilaahay ha xifdiyee: Maalin ayaa waxa ii yimid wiil, wuxuuna igu yidhi; hooyaday oo ah islaan waayeel ah ayaa kuu baahan ee kaalay ii raac, wuxuu dhahay; waan baxnay oo tagnay xaafad danyartu dagantahay, markaas waxa naga hortimid wiilka hooyadii oo ahayd islaan 70 jir ah, kadibna waxaan ku idhi; hooyo, hadaad xanuusanayso aan kuugu yeedho dhakhtar takhasus uleh xanuunka aad ka cabanayso!

Islaantii waxay tidhi; hooyo, anigu waan aqaana cudurkayga iyo dawadaydaba, mudo sadex habeen ah maan arkin sayidkeena Muxamed (scw), wuxuu yidhi: intaan yaaabay ayaan dhahay: oo habeenkasta miyuu kuu yimaadaa!!

Shiikh Muxamed Xasaan wuxuu yidhi; islaantaas kolkaan arkay waxaan xaqiray naftayda sababtoo ah ilbidhiqsi kastaba waxay kusallinaysa nabiga scw.

SubxaanAllah, walaalayaal jawaabta su’aashu waxay tahay: “Hadaad rabto nabiga inaad aragto, waa inaad si dhab ah u jeceshahay, sababtoo ah nabigu wuxuu utagaa dadka uu jecelyahay ayaguna jecel nabiga scw.