Bismillah, magaca Allah ayaan ku bilaabaynaa Allahaas oo naxariista naxariis guud iyo mid gaar ahba, waxaan ku sallinaynaa nabi muxamed inuu Ilaahay naxariis iyo nabadgalyo korkiisa yeelo. Assalaama calaykum wa raxmatullahi wa barakaatuhuu.

Ma rabtaa walaalkayoow ama walaashayeey inaad Jannada Ilaahay ku gasho xisaab la’aan iyo caddibaad la’aan, hadii jawaabtaadu haa tahay, waa inaad u diyaargarowdaa sidii aad ku gaadhi lahayd hadafkaas. Dabcan waa darajo wayn oo cida Ilaahay waafajiyaa ay tahay qof dadka ka tagay oo Ilaahay karaameeyey, Ilaahaybaan ka baryeynaa inuu inaga yeelo kuwaase. aamiin.

Nabiga waxa laga soo wariyey inuu dhahay xadiis aad u cajiiba oo inoo qeexaya dadka Jannada ku galaya xisaab la’aan iyo cadaab la’aaan wuxuuna dhahay:

عَنْ ابْنِ عَبَّاسٍ رَضِيَ اللَّهُ عَنْهُمَا قَالَ خَرَجَ عَلَيْنَا النَّبِيُّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ يَوْمًا فَقَالَ عُرِضَتْ عَلَيَّ الْأُمَمُ فَجَعَلَ يَمُرُّ النَّبِيُّ مَعَهُ الرَّجُلُ وَالنَّبِيُّ مَعَهُ الرَّجُلَانِ وَالنَّبِيُّ مَعَهُ الرَّهْطُ وَالنَّبِيُّ لَيْسَ مَعَهُ أَحَدٌ وَرَأَيْتُ سَوَادًا كَثِيرًا سَدَّ الْأُفُقَ فَرَجَوْتُ أَنْ تَكُونَ أُمَّتِي فَقِيلَ هَذَا مُوسَى وَقَوْمُهُ ثُمَّ قِيلَ لِي انْظُرْ فَرَأَيْتُ سَوَادًا كَثِيرًا سَدَّ الْأُفُقَ فَقِيلَ لِي انْظُرْ هَكَذَا وَهَكَذَا فَرَأَيْتُ سَوَادًا كَثِيرًا سَدَّ الْأُفُقَ فَقِيلَ هَؤُلَاءِ أُمَّتُكَ وَمَعَ هَؤُلَاءِ سَبْعُونَ أَلْفًا يَدْخُلُونَ الْجَنَّةَ بِغَيْرِ حِسَابٍ فَتَفَرَّقَ النَّاسُ وَلَمْ يُبَيَّنْ لَهُمْ فَتَذَاكَرَ أَصْحَابُ النَّبِيِّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالُوا أَمَّا نَحْنُ فَوُلِدْنَا فِي الشِّرْكِ وَلَكِنَّا آمَنَّا بِاللَّهِ وَرَسُولِهِ وَلَكِنْ هَؤُلَاءِ هُمْ أَبْنَاؤُنَا فَبَلَغَ النَّبِيَّ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ فَقَالَ هُمْ الَّذِينَ لَا يَتَطَيَّرُونَ وَلَا يَسْتَرْقُونَ وَلَا يَكْتَوُونَ وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ فَقَامَ عُكَّاشَةُ بْنُ مِحْصَنٍ فَقَالَ أَمِنْهُمْ أَنَا يَا رَسُولَ اللَّهِ قَالَ نَعَمْ فَقَامَ آخَرُ فَقَالَ أَمِنْهُمْ أَنَا فَقَالَ سَبَقَكَ بِهَا عُكَاشَةُ

Ibnu Cabaas waxa laga wariyey inuu yidhi; maalin ayuu nabigu noo soo baxay wuxuuna dhahay; waxa la isoo bandhigay Umadihii waxaana maray Nabigii oo hal qof lasocdo, iyo Nabigii oo laba nin la socdaan, iyo Nabigii oo koox la socoto, iyo Nabigii oo aan cidina la socon, waxaanan arkay madaw badan oo buuxiyey jihada cirka waxaanan rajeeyey inay umadayda noqoto, waxa la dhahay; waa Muuse iyo qoomkiisii, markaasaa laygu dhahay fiiri waxaanan arkay madaw badan oo buuxiyey cirka waxaana laygu dhahay fiiri taas oo kale taas oo kale waxaanan madaw badan oo buuxiyey cirka dhan, waxaana laygu dhahay kuwaasi waa umadaadii waxaana ku jira kuwaas todobaatan kun oo glaya Jannada ayagoon la xisaabinin, wuxuuna la kaliyoobay dadkii loomana cadaynin, waxaana ka warramay kuwaas saxaabadii nabiga oo dhahay; inaka waxaan ku dhalanay Shirkiga laakiin waxynu rumaynay Ilaahay iyo Rasuulkiisii, kuwaasina waa caruurteena, wuxuuna warkii gaadhay nabiga (n.n.k.h) wuxuuna yidhi: waa kuwa aan baasaysanin oon is cidna u yeedhana si ay ruqyo ugu dul akhriyaan iyo kuwa aan is gubin waana kuwa Rabigood talo saarta.Waxaana istaagay Cukaasha ibnu Muxsin dhahayna: kamid ma ahay kuwaas Rasuulkii Ilaahow? wuxuu yidhi: haa, waxaana istaagay nin kale oo yidhi; kamid ma ahay Rasuulkii Ilaahayoow? wuxuuna yidhi; Cukaasha ayaa kaaga horeeyey. [labad shiikh ayaa soo saaray]

Dabcan xadiiskan wuu xadiday dadka Jannada ku galaya xisaab la’aan waa todobaatan kun oo Muslimiin ah (ilaahayoow naga mid dhig) waxayna leeyihiin sifooyinkaas la soo sheegay oo kala ah:-

  1. Waa kuwa aan baasaysan; waxa looga jeedaa kuwa filashada xun, tusaale ahaan dadka qaar ayaa ka baasaystay wax kasta, ha noqoto wax ay arkeen, maqleen ama sameeyeen tusaale ahaan; ninbaa wuxuu dhahay bisha maalin Arbaco ugu danbeeyey waa bil shar ah, ama waa cusbitaalkaas ha tagina maxaayeelay shan sano kahor ayaa wiil igaga dhintay sidaa awgeed geeriduba cusbitaalkaasbay fadhidaa, iwm.
  2. aan u yeedhan cid Ruqyah ku akhrisa; dabcan macnaheedu maaha in Ruqyadu ay xaaraan tahay ama aanay banaanayn in cid lagu akhriyo quraan ama ducooyinka sharciga ah ee waxa weeye waa dadka aan ayagu u yeedhan cid ku akhrida ruqyah oo isku halleya oo ku kalsoon Ilaahay (S.W.T)
  3. kuwa aan isgubin; waxaa looga jeedaa in kuwa xanuun haya awgeed aan isgubin, macnuhuna maaha in isgubidu xaaraantahay ee waa sifo dadkani leeyihiin oo ah in ay Ilaahay ku kalsoonyihiin oo aanay u yeedhan cid ka gubta cudurada soo wajaha.
  4. Waa kuwo talo saarta Ilaahay; talo saarashadu waa Ilaahay oo lagu kalsoonaado, waxaana talo saarashadaasi ku noqonaysaa inaad la timaado sadex arrimood, mida koowaad waa inaad iminka go’aansataa arrin aad jeceshahay inaad hesho ama arrin aad jeceshahay inaad iska dayso, ta labaad waa inaad arrintaas Ilaahay kaligii ku talo saarataa ood yaqiinsataa in cid aan Ilaahay ahayn aanay kuu xaqiijinayn hadafkaaga, ta sadexaad waa inaad isku daydaa inaad la timaado sababta keenaysa in hadafkaagii uu xaqiijismo tusaale ahaan; waxaan niyadayda galiyey inaan iska daayo cunida Qaadka, kadibna arrintaas waxaan talo saartay Ilaahay oo waxaan yaqiinsaday in cid aan Ilaahay ahayni aanay iga joojin karayn Qaadkaas kadibna waxaan sameynayaa sabab kasta oo ay iigu suurtoobayso inaan Qaadkaas iska joojiyo, sadexdaas tallaabo hadii lagaa helo waxaad la timid Tawakulkii ama talo saarashadii.

 

Walaalayaal tirada Jannada ku galaysa xisaab la’aan waa Todobaatan kun oo Muslimiina sida xadiiskani tilmaamayo laakiin waxaan idiinku bishaareynayaa xadiis kale oo aad iyo aad u cajiib oo uu Nabigu leeyahay sidan:

أَبَا أُمَامَةَ الْبَاهِلِيَّ , يَقُولُ : سَمِعْتُ رَسُولَ اللَّهِ صَلَّى اللَّهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ , يَقُولُ : ” وَعَدَنِي رَبِّي سُبْحَانَهُ أَنْ يُدْخِلَ الْجَنَّةَ مِنْ أُمَّتِي سَبْعِينَ أَلْفًا , لَا حِسَابَ عَلَيْهِمْ وَلَا عَذَابَ , مَعَ كُلِّ أَلْفٍ سَبْعُونَ أَلْفًا وَثَلَاثُ حَثَيَاتٍ مِنْ حَثَيَاتِ رَبِّي عَزَّ وَجَلَّ ” .

Abuumaama Albaahili wuxuu yidhi; waxaan maqlay Rasuulkii Allah oo leh; “Wuxuu Ilaahay ii ballan qaaday inuu ka galinayo Jannada Umadayda Todobaatan kun oon xisaab iyo cadibaad korkooda ahaanayn, kun kastana waxa la socda todobaatan kun iyo sadex xantoobyo oo kamid ah xantoobyada Rabigay swt”