[huge_it_videogallery id=”25″]

Akhriso, Dhagayso ama Daawo

Ducooyina marka laga baxayo Guriga:

{بسم الله ، توكَّلْتُ على الله ، ولا حَوْلَ ولا قُوةَ إلا بالله}

Bismillaah tawakaltu calalaah, walaa xawla walaa quwwata illaa billaah

(1) magaca ilaahay, ayaan Alle ku tala saartay, xeelad iyo awoodna ilaahay ayey u sugnaadeen.

{اللهُمَ إني أعُوذُ بِكَ أن أَضِلَّ أوْ أُضَلَّ أَوْ أزِلَّ، أو أُزَلَّ، أوْ أظلِم أوْ أُظْلَم، أوْ أَجْهَلَ أوْ يُجْهَلَ عَلَيَّ}

Allaahumma innii acuudu bika an adilla aw udalla aw azilla aw uzalla aw adlima aw udlama aw ajhala aw yujhala  calayya.

(2) Eebow waxaan kaa magan galayaa inaa lumo ama la ilumiyo (dhumo ama la i dhumiyo), ama aan simbirixoodo ama la i sinbiririxiyo, ama aan wax dulmiyo ama la idulmiyo, ama aan jaahil noqdo ama layga jaahil noqdo.


Ducada marka lasoo galayo Guriga: 

{بسم الله ولجنا ،وبسم الله خرجنا ، وعلى ربنا توكلنا ، ثم ليسلم على أهله}

Bismillahi walajnaa, wa bismillahi kharajnaa, wa calaa rabinaa tawakalnaa, thuma yusalimu calaa Ehilhii.

(3) Magaca Ilaahay yaan ku galnay magaca Ilaahay ayaan ku baxnay, Rabiganagana waan talo saaranay. Kadibna Ehelkiisa ayuu salaamaya.


  1. Abu-Daawuud. 4/325 iyo Tirmidi: 5/490.
  2. Tirmidi Saxiix: 3/152.
  3. Abu-Daawuud: 4/325