[huge_it_videogallery id=”20″]

Ducooyinka Marka Hurdada Laga soo tooso.

(Akhriso, Dhagayso ama Daawo)

 {الحَمْدُ لله الذِي أحْيَانا بَعْدَ مَا أمَاتَنَا وإلَيْهِ النَشُور}

{Al-xamdu lillaahi alladii axyaanaa bacda maa amaatanaa, wa ilayhinnushuur}.

(1) Mahad waxay u sugnaatay Eebe, Eebahaas oo i nooleeyay geeri kadib, xagiisaana laysoo bixin doono.


{الحَمْدُ لله الذِي عَافَانِي في جَسَدِي ورَدَّ عَلَيَّ رُوحِي، وأَذِنَ لي بِذِكْرهِ}

{Al-xamdu lillaahi alladii caafaanii fii jasadii warada calayya ruuxii, wa adina lii bidikrihii}

(2) Mahad waxay u sugnaatay Eebe, Eebahaas oo iicaafiyey jirkayga iina soo celiyey ruuxdayda, iina ogolaaday xuskiisa.


 لا إلَهَ إلاَّ الله وحْدَهُ لا شَرِيكَ لَهُ، لَهُ المُلْكُ ولَهُ الحَمْدُ وهُوَ على كلِّ شيءٍ قَدير،سُبْحانَ الله والحَمْدُ لله  ولا إله إلا الله والله أكبر ولا حَولَ ولا قُوةَ إلا بالله العلي العظيم اللَّهُمَّ اغْفِرْ لي 

{laa ilaaha illallaahu waxdahu, laa shariika lahu, lahul mulku wa lahulxamdu wa huwa calaa kulli shey-in qadiir,subxaanallaah, wal-xamdu lillaah, wa laa ilaaha illallaahu, wallaahu akbar, walaa xawla walaa quwwata illaa billaahi al-caliyyi al-cadiim rabbi iqfirlii}

(3) {Ilaah xaq lagu caaabudaa ma jiro Ilaahay mooyee waana kaligii cidna wax lama wadaagto, wuxuu leeyahay Mulkiga iyo Mahada dhamaanteed waxkastana waa awoodaa, Eebaa xumaan ka nasahan, Eebaa mahad iska leh, Ilaah xaq lagu caabudona ma jiro Ilaahay mooyee, Eebana waa waynyahay, xeelad iyo awooduna waxay usugnaatay Ilaaha sarreeya ee wayn, Ilaahayow ii danbi dhaaf.}


إِنَّ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ وَاخْتِلاَفِ اللَّيْلِ وَالنَّهَارِ لآيَاتٍ لِّأُوْلِي الألْبَابِ *الَّذِينَ يَذْكُرُونَ اللّهَ قِيَاماً وَقُعُوداً وَعَلَىَ جُنُوبِهِمْ وَيَتَفَكَّرُونَ فِي خَلْقِ السَّمَاوَاتِ وَالأَرْضِ رَبَّنَا مَا خَلَقْتَ هَذا بَاطِلاً سُبْحَانَكَ فَقِنَا عَذَابَ النَّارِ*رَبَّنَا إِنَّكَ مَن تُدْخِلِ النَّارَ فَقَدْ أَخْزَيْتَهُ وَمَا لِلظَّالِمِينَ مِنْ أَنصَارٍ *رَّبَّنَا إِنَّنَا سَمِعْنَا مُنَادِياً يُنَادِي لِلإِيمَانِ أَنْ آمِنُواْ بِرَبِّكُمْ فَآمَنَّا رَبَّنَا فَاغْفِرْ لَنَا ذُنُوبَنَا وَكَفِّرْ عَنَّا سَيِّئَاتِنَا وَتَوَفَّنَا مَعَ الأبْرَارِ * رَبَّنَا وَآتِنَا مَا وَعَدتَّنَا عَلَى رُسُلِكَ وَلاَ تُخْزِنَا يَوْمَ الْقِيَامَةِ إِنَّكَ لاَ تُخْلِفُ الْمِيعَادَ *فَاسْتَجَابَ لَهُمْ رَبُّهُمْ أَنِّي لاَ أُضِيعُ عَمَلَ عَامِلٍ مِّنكُم مِّن ذَكَرٍ أَوْ أُنثَى بَعْضُكُم مِّن بَعْضٍ فَالَّذِينَ هَاجَرُواْ وَأُخْرِجُواْ مِن دِيَارِهِمْ وَأُوذُواْ فِي سَبِيلِي وَقَاتَلُواْ وَقُتِلُواْ لأُكَفِّرَنَّ عَنْهُمْ سَيِّئَاتِهِمْ وَلأُدْخِلَنَّهُمْ جَنَّاتٍ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الأَنْهَارُ ثَوَاباً مِّن عِندِ اللّهِ وَاللّهُ عِندَهُ حُسْنُ الثَّوَابِ *لاَ يَغُرَّنَّكَ تَقَلُّبُ الَّذِينَ كَفَرُواْ فِي الْبِلاَدِ *مَتَاعٌ قَلِيلٌ ثُمَّ مَأْوَاهُمْ جَهَنَّمُ وَبِئْسَ الْمِهَادُ *لَكِنِ الَّذِينَ اتَّقَوْاْ رَبَّهُمْ لَهُمْ جَنَّاتٌ تَجْرِي مِن تَحْتِهَا الأَنْهَارُ خَالِدِينَ فِيهَا نُزُلاً مِّنْ عِندِ اللّهِ وَمَا عِندَ اللّهِ خَيْرٌ لِّلأَبْرَارِ * وَإِنَّ مِنْ أَهْلِ الْكِتَابِ لَمَن يُؤْمِنُ بِاللّهِ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْكُمْ وَمَا أُنزِلَ إِلَيْهِمْ خَاشِعِينَ لِلّهِ لاَ يَشْتَرُونَ بِآيَاتِ اللّهِ ثَمَناً قَلِيلاً أُوْلَـئِكَ لَهُمْ أَجْرُهُمْ عِندَ رَبِّهِمْ إِنَّ اللّهَ سَرِيعُ الْحِسَابِ *يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آمَنُواْ اصْبِرُواْ وَصَابِرُواْ وَرَابِطُواْ وَاتَّقُواْ اللّهَ لَعَلَّكُمْ تُفْلِحُونَ

(4) {Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka iyo is Khilaafidda Habeenka iyo Maalinta Calaamooyin yaa ugu Sugan kuwa garaadka leh. (190) Ee ah kuwa ku Xusa Eebe Taagni iyo Fadhi iyo Jiifba, oo ku fikira Abuuridda Samaawaadka iyo Dhulka (iya goo dhihi) Eebow Umaadan Abuurin kan (Khalqiga) Baadil (Ciyaar) waad Nasahantahay Ee naga kori Cadaabka Naarta. (191) Eebow adigu ruuxaad Galiso Naarta Dhab ahaan baad u Dulaysay Daalimiintana uma Sugnaanin Gargaarayaal. (192) Eebow Anagu waxaan Maqallay Yeedhe u yeedhi limaanka oo dhihi Rumeeya Eebihiin waana Rumeynay, Eebahanow noo dhaaf Dambiyadanada Asturna Xumaantanada naguna Dil la jirka kuwa Baarriga ah (fiican). (193) Eebahanow na sii waxaad noogu Yaboohday Rasuuladaada hana na Dul leyn Maalinta Qiyaame, Adigu ma Baajisid Ballane. (194) Wuxuu ku Ajiibay Eebahood Anagu Ma dayacno Camal Mid Camal Falay oo Idinka mid ah Lab iyo Dhadig, Qaarkiin Qaarbuu ka ahaaday kuwa Hijrooday ee laga Bixiyey Guryahooda oo lagu Dhibay Jidkayga oo Dagaalamay oo la Dilay waannu Asturi Xumaanahooda waxaana Galin Janooyin ay Dureeri Dhexdeeda Wabiyaal waana Abaal marin Eebe Xagiisa ah, Eebe agtiisaana Abaalmarin Wanaagsan tahay. (195) Yeyna ku Dhagrin ka Gadoonka kuwa Gaaloobay ee Dhulka (Adduunka). (196) Waa Raaxo Yar kadib Hoygoodu waa Jahannamo, iyadaana u xun Gogol. (197) Hase Yeeshee kuwa ka Dhawrsada Eebahood waxay mudan Jannooyin ay dureeri Dhexdeeda Wabiyaal iyagoo ku warai Dhexdeeda, waa marti Qaad Xagga Eebe ka ahaaday, waxa Eebe agtiisa ah yaana u Khary roon kuwa Baarriga ah (Wanaagsan). (198) Ehelu Kitaabka waxaa ka mid ah mid Rumeyn Eebe iyo waxa laydiin soo dejiyey iyo wixii loo soo Dejiyey iyagoo u Khushuuei Eebe kumana Gataan aayaadka Eebe Qiimo Yar, kuwaas waxaa u Sugnaaday Ajirgooda Eebahood Agtiis, Eebana waa Deg degtaa Xisaabtiisu. (199) Kuwa (Xaqa) rumeeyow Samra oo Samirtarna kuna Nagaada Dhawridda (Xuduudda Islaaxa) kana Dhawrsada Eebe waxaad Mudantihiin inaad Liibaantaane (200) }


  1. Bukhaari, Fatxulbaari: 11/113 iyo Muslim: 4/2083.
  2. Tirmadi: 5/473 ama Saxiix Tirmadi: 144/3.
  3. Bukhaari, Fatxulbaari: 3/144.
  4. Aayadaha 190-200 ee Suurada 3aad Al-Cimraan. Bukhaari 8/238 iyo Muslim 1/530.