Tusmo

Duco hadaad ku ducaysato ay ku rumoobayso dhamaan riyooyinkaagu Inshallah.

 

– Walaalayaal ducadan waxa soo wariyey Anas ibnu Maalik, waana xadiis saxiix ah:

 

1300 – أَخْبَرَنَا قُتَيْبَةُ، قَالَ: حَدَّثَنَا خَلَفُ بْنُ خَلِيفَةَ، عَنْ حَفْصِ بْنِ أَخِي أَنَسٍ، عَنْ أَنَسِ بْنِ مَالِكٍ، قَالَ: كُنْتُ مَعَ رَسُولِ اللَّهِ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ جَالِسًا ـ يَعْنِي ـ وَرَجُلٌ قَائِمٌ يُصَلِّي، فَلَمَّا رَكَعَ وَسَجَدَ وَتَشَهَّدَ دَعَا، فَقَالَ فِي دُعَائِهِ: اللَّهُمَّ إِنِّي أَسْأَلُكَ بِأَنَّ لَكَ الْحَمْدَ لَا إِلَهَ إِلَّا أَنْتَ الْمَنَّانُ بَدِيعُ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضِ، يَا ذَا الْجَلَالِ وَالْإِكْرَامِ، يَا حَيُّ يَا قَيُّومُ، إِنِّي أَسْأَلُكَ، فَقَالَ النَّبِيُّ صَلَّى اللهُ عَلَيْهِ وَسَلَّمَ لِأَصْحَابِهِ: «تَدْرُونَ بِمَا دَعَا؟» قَالُوا: اللَّهُ وَرَسُولُهُ أَعْلَمُ، قَالَ: «وَالَّذِي نَفْسِي بِيَدِهِ، لَقَدْ دَعَا اللَّهَ بِاسْمِهِ الْعَظِيمِ، الَّذِي إِذَا دُعِيَ بِهِ أَجَابَ، وَإِذَا سُئِلَ بِهِ أَعْطَى»
 
[حكم الالبانى] : صحيح، انظر ما قبله (1155)

Anas ibnu Maali waxa laga wariyey inuu yidhi: Waxaan ahaa mid la jooga Rasuulkii Ilaahay (scw) oon fadhiyo, waxaana taagnaa nin tukanayey, markuu (ninkii) rukuucay, ee sujuuday, uuna atixiyaadsaday ayuu ducaystay wuxuuna ku dhahay ducadiisii: Ilaahayoow waxaan ku waydiisanayaa maxaa yeelaya adigaa iska leh mahadda, Ilaah xaq lagu caabudaana majiro, Allaha wax bixinta badanoow, Allaha abuurary Samooyinka iyo dhulkoow, Allaha sharafta iyo karaamada iska lahoow, waxaan ku waydiisanayaa…. markaasuu nabigu ku dhahay saxaabadiisii, “Ma garanaysaan wuxuu ku ducaystay?” waxay dhaheen Ilaahay iyo Rasuulkiisa ayaa og. Wuxuu yidhi: “Waxaan ku dhaartay Allah ay naftaydu gacantiisa ku jirtaan ku dhaartee, wuxuu ku baryey Ilaahay magaciisa wayn, oo hadii lagu baryo uu Allah ajiibayo, haduu wax lagu waydiistana wuu bixiyaa.

[Waxa soo saaray Nisaa’i, waxaana saxiixiyey Albaani.]