Ducada Roob Doonta:

اللهم اسقنا غيثاً مغيثاً مريئاً مَريعاً نافعاً غير ضار ، عاجلاً غير آجل

Allahumma Asqina qaysan muqiisan marii’an mariican, naafican qayra daar, caajilan qayra aajil

Ilaahayoow na waraabi roob nagu da’a oo hunguri mareen ah oo noo soo saaro daaq nana anfaca oo aandhib wadan, oo soo degdeaga oo aan daahayn

اللهم أغثنا ، اللهم أغثنا ، اللهم أغثنا

Allahumma aqisna, Allahumma aqisnaa, Allahumma aqisnaa.

Ilaahayoow na roobee, Ilaahayoow na roobee, Ilaahayoow na roobee.

اللهم اسق عبادك وبهائمك ، وانشر رحمتك وأحيي بلدك الميت

Allahumma asqi cibaadaka wa bahaa’imaka wa anshur raxmataka wa axyi baladakal mayyit

Ilaahayoow waraabi adoomadaada iyo xoolahaaga (mayeedhaanka), fidina naxariistaada, soona noolee baladkaaga dhintay.

 

Ducada marka Roobku shubmayo:

اللهم صيباً نافعاً

Allahumma Sayyiban Naafican

Ilaahayoo noo shub (isagoo) na anfacaya.

Ducada di’ida roobka kadib:

مُطرنا بفضل الله ورحمته

Mudirnaa bi fadlilaah wa raxmatihii

Waxaa naloogu roobeeyey fadliga (dheeraadka) Ilaahay iyo Naxariistiisa

Ducada Roobku markuu bato ee looga cabsado fatahaado:

اللهم حوالينا ولا علينا ، اللهم على الآكامِ والظرابِ وبُطون الأودية ، ومنابت الشجر

Allahumma xawaalaynaa walaa calaynaa, Allahumma calal aakaam wa al-daraabi wa buduuni al-awdiyati, wa manaabit al-shajari.

Ilaahayoo yeel (roobka) hareerahayga, korkayagan ha yeelin, Ilaahayow ku shub roobka taagaga buuraha yaryar, iyo togaga dhexdooda iyo meelaha dhirtu ka baxdo (jirridaha hoostooda)